Iiraan oo sheegtay inay fashilisay Markab Mareykanku damacsanaa in uu afduubto

Date:

Iiraan ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in ciidamadooda ay fashiliyeen isku day Maraykanka  uu ku  damacsanaa in uu ku qabsado Markab siday shixnad saliid ah oo Iiraan laga lahaa, kaas oo marayay badda Cumaan, sida uu sheegay Telefishinka ku hadla Afka Dawladda Iiraan.

Xukuumadda Tehraan ayaa sheegtay in iska horimaad uu dhexmaray Ilaalada Kacaanka iyo ciidamada Mareykanka ee damacsanaa in ay afduubtaan Markabkan saliidda siday.

Wakaalada Wararka ee Mehr ee taabacsan Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay in iska hor imaad kooban uu dhex maray doonyo dheereeya oo ay wateen ilaalada Kacaanka Iiraan iyo Markab laga leeyahay Mareykanka oo markii dambe goobta ka tagay.

Iiraan ayaa sheegtay in dhawaan ay baahin doonaan cajalado muuqaal ah oo la duubay intii ay socotay iska horimaadka.

Majiro war arrinkan ku saabsan oo ka soo baxay Xukuumadda Washington, kaa  oo beeninaya warkan ay baahisay Warbaahinta Dowladda Iiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...