Home Blog Page 702

Dowladda Federaalka Soomaaliya u gubsiay IGAD dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya.

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u gudbisay urur goboleedka igad dacwad rasmi ah oo ay uga ashtakoonayso xadgudubyadda dowladda kenya ay kula kacday madaxbanaanida jamhuriyadda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u wanaajin lahayd xiriirka kala dhaxeeya dowladda kenya.

Urur goboleedka igad oo ka soo jawaabay dacwadda dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay ayaa kulan degdeg ah 20-ka Disembar ku yeelan doona magaalada djbiouti, kaasi oo ajendayaasha looga hadlayo ay ka mid tahay Faragelinta kenya ee arrimaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mar walba soo dhaweynaysaa dadaalka urur gobolleedka igad iyo talaabo walba oo lagu xaqiiniyo in la dhowro Mabaadi’da daris wanaagga, nabad kuwada noolaanshaha iyo madaxbanaanida Dalalka Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay guddoonka baarlamaanka Galmudug+(SAWIRRO).

0
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa casho sharaf ku maamuusay xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.
Casho sharaftan oo ku qabsoomtay madaxtooyada qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Galmudug marwo Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.

Ciidanka xoogga oo bur buriyay Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Bakool.

0

Howl-galkan ciidamada ururka 260-aad guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen deegaannada kala ah Dhurey ,Kurta Arbasale oo hoos yimaada degmada waajid ee gobolka bakool Halkaasi oo ay ciidamada ku bur buriyeen saldhigyo dhowr ah oo kooxda nabadiidka alshabab ay ku la haayeen deegaannadaasi.

Ciidamada xoogga  oo ahaa kuwa warbixino ka haystey deegaannada ay ku Dhuumaleysanayaan kooxda nabadiidka alshabab kadib markii shacabka ay ciidamada usoo gudbiyeen dhibaatooyin badan nabadiidka ay ku hayaan dadka ku dhaqan  tuulooyinkaasi.

Labo xidigle Isaxaaq Ibrahim oo ah abaan duulaha ururka 260-aad guutada 9-Aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay Howl-galkan qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka bakool kuwaasi oo lagu baacsanayay kooxda nabadiidka Alshabab.

Ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa mudooyinkii dambe xoojinayay Howl-galada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Alshabab.

Abiy ahmed oo sheegay in adeegii isgaarsiinta Mekelle oo go,naa mudo bil ka badan la soo celiyay kadib markii uu booqday magaalada

0

Ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa sheegay in korontadii iyo isgaarsiinta taleefanada magaalada Mekelle  ee xarunta ismaamulka Tigray la soo celiyay kadib markii la dayac tiray.

Abiy Ahmed oo gaaray Mekelle isaga oo ay weheliyaan xubnaha maamulka ku meel gaarka tigreega iyo saraakiisha ciidanka itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in howlaha gargaarka ay socdaan sidoo kalana la dhisayo kaaba yaasha burburay.

Abiy wuxuu tilmaamay in baacsiga iyo qabashada waxa uu ugu yeeray danbiilayaasha ay sii socon doonaan.

Maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa in shaqaalaha dowlada ay xafiiyada ku noqdaan

Ciidanka dowlada itoobiya ayaa magaalada la wareegay 28 November kadib dagaal socday 26 cisho oo TPLF ay la galeen

Wasiirka howlaha guud ee XfS oo shir gudoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee wasaaradda+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-U- dhiska iyo Guriyeynta  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa maanta shir gudoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee wasaaradda oo lagu kala qaatay dhameystirka shaqooyinka hor yaala waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen dhammaan agaasime waaxeedyadda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa waxaa la iskaga xog wareystay warbixino la xariira dhameystirka dib u dayactirka xarunta wasaaradda ay hadda ku shaqayso iyo qiimeyn lagu sameeyey dib u dhiska labada buundo ee Via Uganda iyo Via Tanzania ee magaaladda muqdisho.

Wasiirka wasaaradda Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa ku bogaadiyey Injineerada wasaaradda shaqooyinka wanagsan ee ay ka qabteen howlihii loo xil saaray sida dib u dayactirka wasaaradda iyo qiimaynta ay ku sameeyeen buundooyinka.

Shirka Todobaadlaha ee wasaaradda ayaa ah mid lagu gorfeeyo isla markaana lagu dar-dargaliyo shaqada wasaaradda, kaasoo ay isugu yimaadaan wasiiradda, agaasimaha guud iyo dhammaan agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Wasiirka haweenka iyo madaxa UNDP Soomaaliya oo arrimo muhiim ah ka wadahadlay+(SAWIRRO).

0

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) iyo u wakiilada hey’adda UNDP Soomaaliya, Jocelyn Mason, ayaa maanta ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Kulanka wasiirka iyo wakiilka UNDP Soomaaliya waxaa sidoo kale, goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda, mudane Deeq Saleebaan Yuusuf, iyo mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda UNDP.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale, waxay xarigga ka jareen xafiisyo cusub oo wasaaradda haweenka ku yeelan doonto gudaha xarunta hey’adaha Qaramada Midoobay oo ku taala agagaarka Airport Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay indha indheyn ku sameeyeen qeybaha uu ka kooban yahay, xafiisyada wasaaraddu ku yeelan doonto xarunta UNCC.

Wasiirka haweenka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa wadda dardar cusub oo ay ku doonayso in ay ku xoojiso wada shaqeynta hey’adaha wasaaradda bah-wadaagta la ah oo ay UNDP kamid tahay.

Maamulka ku meel gaarka ah ee dowlada Itoobiya u sameysay ismaamulka Tigray oo la wareegeen shaqada.

0

Madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee dowlada Itoobiya u sameysay ismaamulka Tigray Dr. Mulu Nega ayaa sheegay in ay maanta la wareegeen shaqada

Dr. Mulu Nega ayaa ugu yeeray shaqaalaha dowlada ee xafiisyada ka maqnaa ilaa 4 bishii idlaatay ee November kolkaas oo dagaalka dowlada Itoobiya iyo TPLF uu bilowday in yimaadaan shaqada maalinka isniinta bari ah .

Wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono dib u hubeynta maamulka iyo soo celinta adeegyada aas aasiga ah.

Dr. Mulu Nega ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidanka TPLF in hubka dhigaan ilaa 15 bishaan December oo ku beegan talaadada na soo haysa.

Howlaha baaritaanka guryaha ayuu tilmaamay in ay sii socon doonaan oo cidii lagu helo in ay hub sharci daro heysato nidaamka la marin doono.

Haweenka degmada Dhuusamareeb oo baaq u diray waxgaradka gobolka Galgaduud+(SAWIRRO).

0

Kulankan ay soo agaasimeen haweenka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa loo gu tacsiyeeyay falkii foosha xumaa ee todobaadkii hore lagu dilay saraakiishiil ka tirsanaa Milatariga Soomaaliyeed, duleedka degmada Balamballe ee gobolka Galgaduud, sidookale kulanka ayaa loogu duceeyey marxuumiinta iyadoo lagu garab istaagey Howlgalada lagu baadi goobayo dambiilayaasha falkan geysatey ee ay wadaan ciidanka Qaranka.

Haweenka Caasimada ee Kulankan soo agaasimey ayaa ku baaqey in la joojiyo colaadaha u dhexeeya beelaha, ee ka soo cusboonaadey deegaanada Galmudug kuwaa oo caqabad ku noqon kara hormarka Galmudug ee bilaawga ah.

Qaar ka mid ah gudigga iyo xubnaha haweenka ee goobta joogay ayaa ugu baaqey waxgaradka Galmudug in ay qaataan kaalintooda nabadeynta bulshada si looga baaqsado in ay Sii socdaan colaadaha taagan.

Falka lagu dilay Saraakiisha Milatariga ee dhacay todobaadkii hore ayaa noqdey mid bulshadu si weyn uga xumaatey, Waxaana socda Howl-galo balaaran oo ciidamada dowlada faderaalka ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey falkaas.

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka hirshabelle Dr-Cabdixakiim luqmaan oo soo gaaray maanta magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa waxaa si diiran loo soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cade ee muqdisho.

Soo dhaweynta guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb-galay xilidhibaanno ka tirsan labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada dalka,siyaasiin hore uga soo qabtay safiiro iyo ururada bulshada rayidka.

Intaasi kadib guddooyaha ayaa loo galbiyay hoyga uu ka degenyahay magaalada Muqdisho.

Shirka Amniga doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho ka furmay+(SAWIRRO).

0

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ayaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka qaranka ee 2020/2021,kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde.

Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka qaranka ayaa  waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha,Xoogga dalka,taliyaasha Ciidamada booliska dowlad goboleedka dalka ,wasaaradda amniga gudaha,mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay ,iyo AMISOM.

Shirka oo muddo saddex maalin ah socon doona ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa Amniga doorashooyinka.gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka ,miisaaniyadda iyo tababariyada ciidamada ee sugida goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Taliyaasha ciidamada booliska dowlad goboleedyada dalka oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirakaan waxaana furay soona xiri doono taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).