Home Blog Page 70

Wasiirrada Beeraha iyo Deegaanka oo kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada mudane, Bashiir Maxamed Jaamac ,ayaa kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods.

Kormeerkan ayaa lagu eegayey sida xaruntu u shaqeyso, gaar ahaan habka kaydinta iyo maaraynta cuntada. Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Malco Foods, iyagoo uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen Wasaaradda ka go’naanshiyaha wadashaqeynta Wasaaradda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Malco ayaa in mudo ah ka shaqeyneeysay ilaalinta tayada iyo kaydka cuntada.

Intii uu socday kormeerka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray doorka muhiimka ah ee xaruntu ka qaadan karto xasilinta sugnaanta cuntada iyo wax soosaarka dalka. Wasiirka Maareeye ayaa xusay in iskaashi dhow loo baahanyahay si loo horumariyo nidaamka keydka cuntada, halka Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada uu carabka ku adkeyay muhiimada ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo la jaanqaadka isbeddelka cimilada.

Ugu dambeyn, booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada ay dowladda Soomaaliya ku doonayso in la xoojiyo sugnaanta cuntada iyo horumarinta wax soosaarka gudaha.

 

Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka oo dib udhis iyo casriyayn lagu sameeyay

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Peir Mario Docco Coppi ayaa maanta xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka, kadib markii lagu sameeyay dib u casriyayn iyo qalabayn.

Howshaan dib u casriyaynta ah ee lagu sameeyay qayb ka mid ah Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa qayb ah howlaha sanadkaan lagu hormarinayo qaybo badan oo ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa tilmaamay in dib u casriyaynta lagu sameeyay Studiyaasha Wararka iyo Barnaamijyada ee TV-ga Qaranka ay qayb wayn ka qaadan doonaan howlaha muhiimka ah ee Warbaahinta Qaranka ay u hayso ummadda Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga sida ay uga qayb qaateen horumarinta Warbaahinta Qaranka.

“Maanta waxaan u joognaa xafladda xarig-jarka dib u casriyeynta Studiyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Wafaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga, barnaamijkaan wuxuu qeyb ka yahay horumarinta Warbaahinta Qaranka,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac.

Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aways Jaamac ayaa sheegay in mashruucaan uu hor dhac u yahay dib u casriyeyn xoog leh oo lagu sameyn doono Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo hadda howshoodu socoto.

Safiirka Tanyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa sheegay in dib u habaynta lagu sameeyay qaybaha ugu muhiimsan TV-ga qaranka ay tahay talaabo wax ku ool ah oo horay loo qaaday, asagoo xusay in Dolwadda Talyaaniga ay mar kasta garab taagantahay Dowladda Soomaaliya, si gaar ahna Wasaaradda Warfaafinta ay kala dhaxayso wadashaqayn balaaran.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Somalia Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa Shahaado Sharaf mahadcelin ah gudoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada sida wadajirka ah uga soo shaqeeyay hirgelinta dib u casriyaynta Studio-yaasha Telefeshinka Qaranka.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA TALYAANIGA U FADHIYA SOOMAALIYA.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Docco Coppi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada baarlamaanadda labada wadan.

Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay labada wadan ee Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya hadana uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada Dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Dowladda Talyaaniga iyo midowga Yurub uga mahadceliyay taageeradooda Soomaaiya.

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

0

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gaaray dalka Kuwait, waxaana wafdigaan soo dhaweeyay Sarreeye Guuto Maxamed AlQahtani oo ah Madaxweyne ku xigeenka Dab-demiska iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Kuwait.

Ujeedka wafdiga Guddoomiyaha, ayaa daarran xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka banii’aadannimo, waxaana si gaar ah shirkaan looga hadlay xaaladaha banii’aadannimo ee dalka, jawaabta deg-dega ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, iyo in wadajir looga howl-galo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya madaama istaageen gargaarkii qaar kamid ah hay’adaha ay siin jireen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh’’ Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad’’

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta

Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahau xoojinta doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda,.

“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.

Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN

0

Munaasabadda lagu soo dhaweyayay Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho bishii Oktoobe ee sanadkii hore, balse haatan sahmin ka wada 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa la sheegay in tani ay muujineyso walaaltinimada labada Dal iyo labada Shacbi. “Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah loo daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.

“Markabka Oruc Reis ee Turkiga oo kala bar maraya cilmi-baaristiisa seismic ee Soomaaliya ee xeebaha”, waa Cinwaanka lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Turkiye ‘Anadolu Agency’ shalay oo taariikhdu aheyd 7-da bishan Febraayo, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay in markabka Oruc Reis uu soo gabagabeeyay 50% cilmi-baaristii seismic ee badda Soomaaliya. Bayraktar ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo wafdigiisa, sida uu Wasiirka Turkiga ku sheegay qoraal uu soo dhigay X.

Labada Wasiir “waxay ka wadahadleen habka soo socda ee howlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub ee aan ku horumarin karno dhulka,” ayuu yiri. Bayraktar waxa kale oo uu kulanka ka dib ku dhawaaqay in la bilaabay hannaan cusub oo wada shaqayneed oo ku saabsan macdanta Soomaaliya. “Waxaan sii wadi doonaa dadaalkayaga ku aaddan sidii aan iskaashigeenna xagga tamarta iyo macdanta u gaarsiin lahayn heer u qalma xiriirka dhow oo daacadda ah ee ka dhexeeya dalalkeenna,” ayuu sii raaciyay.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee la soo dhaafay howshiisa sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya. Oruc Reis waxa uu baaritaanno seismic ah oo saddex-geesood ah ka wadaa biyaha Soomaaliya, isaga oo ururinaya xogta sahaminta Saliidda iyo Gaasta dabiiciga ah muddo ku dhow lix ilaa toddoba bilood. Xogtan ayaa lagu falanqeyn doonaa magaalada Ankara, si loo ogaado meelaha la qodayo marka sahanku dhammaado. Sida ay ay daabacday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, uu kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar. Kulankan oo ka dhacay Istanbul ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada sahminta iyo horumarinta Batroolka.

kulanka ayaa lagu sheegay in markabka sahminta ee Oruç Reis uu dhammeystiray 50% sahmintiisa seismic ee Biyaha Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim oo la gaaray, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo ka hadlaayay kulan muhiim ahaa ee uu la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar, si loo xoojiyo arrimaha ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya iyadoo Kulankaasi oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada sahminta iyo horumarinta Batroolka, waxaana Wasiirka uu uga mahadceliyay Dowladda Turkida dadaalada horumarineed ay ka wada Soomaaliya.

Faahfaahinnada ka soo baxaya kulankaasi ayaa lagu sheegay in Markabka sahminta ee Oruç Reis uu dhammeystiray 50% sahmintiisa seismic ee biyaha Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim oo la gaaray, marka uu dhammeeyo sahmintaani ayaa waxaa la sheegayaa in uu sidoo kale sameeyay dib u eegis ku saabsan istaraatiijiyadda sahaminta shidaalka dhulka Soomaaliya.

Dadka ka faallooda arrimaha Tamarta iyo Shidaalka ayaa sheegaya in dowldda Soomaaliya laga doonayo in ay shacabka mar walba la wadaagto warbixinada la xariira hadba xaaladda shidaal baarista dalku uu marayo, si ay dowladdooda ugu kalsoonaadaan.

Wasiirka Batroolka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in ay Wasiirka Batroolka Soomaaliya ay isla qiimeeyeen habka mustaqbaliga ah ee howlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub ee lagu horumarin karo howlaha sahminta shidaalka, waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay inay go’aansadeen in labada Dowladood ‘ waa Soomaaliya iyo Turkiye’ ay bilaabaan hannaan iskaashi oo cusub oo dhanka macdanta ah. “Waxaan sii wadi doonaa dadaalkayaga ah in aan kor u qaadno iskaashigayada dhinacyada tamarta iyo macdanta ah” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire ayaa isna muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wara kale ee la helayo ayaa tibaaxaya in Khubarada ka socota wadanka Turkiye ay haatan qorsheynayaan inay goor dhow bilaabi doonaan sahminta Macdanta ee dhulka Soomaaliya guntiisa ka buuxda, taasi oo muujineysa inay dhulka Soomaaliyeed ay ka buuxaan Shidaal iyo macdanaha noocyadooda kala duwan, sida laga soo xigtay Khubaro ku xeel dheer howlaha macdanta iyo shidaalka. “Gaajo iyo Faqri Soomali waa is daayeen Shidaal baaristii Xooggeeda waa soo dhaamatay, Qudistii in ay bilaabato kaliya ayaa hartay, mid dhulkana dhawaan ayay bilaabanayaa”, sida uu qabo Wiil dhallinyaro ah, balse ‘waa haddii si fiican loo maamulo’.

Hamas iyo Israel oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

0

Hamas iyo Israel ayaa maanta isweydaarsanaya sadex maxaabiis oo Yuhuud ah iyo 183 Falastiiniyiin ah ,taas oo qeyb ka ah heshiiska xabbad joojintii ee Gaza ka dhaqangalay 19-kii Janaayo ee la soo dhaafay

Xamaas ayaa magacawday saddex maxbuus oo kala ah Eli Sharabi, Ohad ben Ami iyo Or Levy ,kuwaas oo maanta lagu wado in lagu badasho 183 maxbuus falastiiniyiin ah.

Tallaabadaan ayaa timid xilli uu dib u dhac ku yimid isdhaafsigii maxaabiista,kadib markii Xamaas ay ku eedaysay Israa’iil in ay jebisay xabbad joojinta iyada oo ka hortagtay ama hakisay gargaarka bini’aadanimo iyo sahayda kale ee galaya Gaza.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la isdhaafsado maxaabiista labada dhinac ,waana markii shanaad ee la isweydaarsanaayo dadka ay kala heystaan Israel iyo Hamas.

Illaa hadda 33 maxaabiis iyo in ka badan 2 kun oo Falastiiniyiin ah ayaa la isweydaarsaday lixdii isbuuc ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Ugaandha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Ugaandha, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha Dalka Ugaandha Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda.

Wasiir Fiqi oo ka qeybgalay kulan loogu gogol-xaarayo Shir Madaxeedka EAC-SADC

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta ka qeybgalaya kulan heer wasiir ah oo loogu gogol-xaarayo Shir madaxeedka wadaagga ah ee ay iskugu imaanayaan Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Urur goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) oo la qorsheeyay inuu ku qabsoomo magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania , soconna doonana muddo labo cisho ah 07-08 Febraayo.

Shirkan ayaa ujeedadiisu daaran tahay in la soo saaro talooyin, go’aanno iyo war-murtiyeed qabyo ah oo madaxda dowladuhu falanqayn doonaan inta aan la faafin, iyadoo diiradda lagu saarayo daminta xiisadda, joojinta colaadda, iyo xaqiijinta bedqabka dadka rayidka ah.

Soomaaliya oo ah xubin aan joogto ka ahayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa ka go’an in ay ku baaqdo xal diblomaasiyadeed oo ku qotoma nabad iyo wadahadal in lagu maareeyo qalalaasaha taagan.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa la filayaa in inta shirku socdo uu kulamo doceedyo la yeesho qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedyada EAC iyo SADC.

Hantidhowraha Guud ee JFS oo kulan la yeeshay Hantidhowrka Masar 

0

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Dhexe ee Hantidhowrka Masar, Mudane Maxamed Al-Faisal Yusuf, si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada hay’adood ee arrimaha hantidhowrka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo horumarin lahaa awoodda shaqaalaha iyo xirfadaha hantidhowrista ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo la isku raacay in la sameeyo qaab-dhismeed wada-shaqeyn joogto ah oo labada dhinac ka wada faa’iidaysan karaan.

Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ka faa’iideysato waaya-aragnimada qotoda dheer ee Masar ee ku aaddan isla-xisaabtanka iyo ilaalinta maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale, Mudane Maxamed Al-Faisal Yusuf ayaa caddeeyey sida ay Masar uga go’an tahay inay Soomaaliya la yeelato xiriir iskaashi oo waara, iyada oo diiradda la saarayo baarista maaliyadda iyo xoojinta dowladnimada.

Kulankan ayaa sidoo kale gogol-xaar u noqday fursado cusub oo iskaashi, kuwaas oo horumarin doona is-dhaafsiga khibradaha farsamo iyo awoodaha aqooneed ee labada hay’adood. Waxaa la isla gartay in la abuuro qaab-dhismeed wada-shaqeyn oo degdeg ah si loo horumariyo korjoogteynta, daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka labada dal.

Kulankan ayaa sidoo kale gacan ka geysan doona mideynta dadaallada labada dal ee xoojinta dowladnimada iyo isla-xisaabtanka maaliyadda, taasoo kaalin weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo maamulka wanaagsan ee labada waddan.