Home Blog Page 69

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

0

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna dhiirrigelinayay saraakiisha Ciidanka Booliska ee Koonfur Galbeed kuwaas oo door muuqda ka qaatay xasilinta amniga ee deegaannada maamulkaas.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay ayaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha billado sharaf, shahaadooyin iyo hadiyado, si loogu bogaadiyo howlaha adag ee ay qabteen gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta, ilaalinta dadweynaha, iyo ka hortagga falalka amni darrada.

Waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, culimo, odayaal iyo qeybaha bulshada.

Taliyeyaasha iyo masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay muujiyeen dadaal, geesinimo iyo wadaniyad mudan in lagu abaalmariyo, waxayna sheegeen in dhiirrigelintani ay sare u qaadeyso moraalka ciidamada, isla markaana dhiirrigelin doonto dagaalka lagula jiro cadowga dalka.

Munaasabadda noocan ah ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu dhiirrigelinayo ciidamada qaranka si ay uga go’naadaan sugidda amniga dalka oo dhan.

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

0

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan Maxamuud, ayaa shaaciyay xog muhiim ah oo ku saabsan kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay warbaahinta, ayuu sheegay in baaritaanno horudhac ah oo laga sameeyay badda Soomaaliya ay muujinayaan in dalka laga helay shidaal dhan ilaa 30 bilyan oo fuusto.

Eng. Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in xogtan ay sal u tahay daraasado cilmiyeed oo ay fuliyeen khubaro caalami ah, islamarkaana ay tahay fursad dhaqaale oo weyn oo Soomaaliya ka saari karta saboolnimada.

Wuxuu xusay in hadda la guda galay wajigii diyaarinta shuruucda iyo la-tashiyada la xiriira maalgashiga kheyraadkaasi, si looga faa’iideeyo iyadoo la ilaalinayo danta qaranka.

Tani waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay ku jirto marxalad cusub oo dhinaca kheyraadka dabiiciga ah ah, taasoo u baahan maamul hufan iyo ilaalin qaran.

Duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha Waddada Jamhuuriya ee degmada karaan.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dib-u-dhiska Waddada Jamhuuriyo ee degmada Karaan, gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Karaan, odayaal, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waddada Jamuuriyo ayaa ka mid ah jid-gooyada muhiimka ah ee degmada, waxaana dib-u-dhiskeedu la filayaa in uu fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka Gobolka Banaadir uu sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka burbursan ee u baahan dayactirka degdegga ah. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka degmada Karaan in ay la shaqeeyaan dowladda si loo ilaaliyo loona dhameystiro mashruuca.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay si weyn uga qeyb qaadatay habsami u socodka howlahaasi.

Muddadii ay socotay diiwaangelinta, waxaa si hufan uga shaqeeyay guddiyada doorashooyinka, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka, taas oo keentay in dadweyne badan ay iska diiwaangeliyaan.

Masuuliyiinta doorashada ayaa tilmaamay in heerka ka qeybgalka uu sare u kacay maalmaha ugu dambeyay, taas oo muujineysa kalsoonida iyo rajada shacabka ee ku aaddan hanaanka dimuqraadiyadeed.

Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku bogaadiyay shacabka sida ay isugu diwaangeliyeen doorashada.

Waxaa la filayaa in wejiyada xiga ee doorashada, sida ololaha iyo codeynta, ay si degan u bilaabmaan iyadoo laga faa’iideysanayo waayo-aragnimada diiwaangelinta.

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

0

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul u cambaareeyay faragelinta Israa’11l ee lagu eedeeyay in ay ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida dalka Soomaaliya. Isagoo ka hadlayay banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed aysan marna aqbali doonin duulaan kasta oo lagu soo qaado qarannimada dalka.

“Haddii aan nahay dhallinyarada Soomaaliyeed, marna ma aqbali doono duulaanka YH-DA ay kusoo qaaday midnimada dalkeenna,” ayuu yiri Cumar Faaruuq, isagoo xusay in loo baahan yahay in ummadda Soomaaliyeed ay mideysnaato si loo difaaco jiritaanka iyo masiirka qaranimada.

Hadalkan ayaa qeyb ka ah dareenka iyo mowqifka adag ee ay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada ka muujinayaan xaaladda taagan, iyagoo ku baaqaya in si wadajir ah looga hortago wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

0

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Banaanbaxan ayaa lagu muujinayay dareenka diidmo ee shacabka iyo culimada Soomaaliyeed ay ka qabaan xadgudubka Israa’iil ay ku hayso midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Culimo badan oo Soomaaliyeed ayaa ka qaybgalay mudaharaadka, iyagoo jeediyay khudbado kulul oo ay kaga digeen faragelinta siyaasadeed, diin iyo qaranimo ee Israa’iil. Waxay sheegeen in aan la aqbali karin in qaran Soomaaliyeed loo adeegsado dano shisheeye, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay mar walba u taagan yihiin difaaca diintooda, dalkooda iyo dowladnimadooda.

Banaanbaxa oo si nabdoon ku dhacay ayaa sidoo kale noqday mid dadweyne badan ay taageereen, iyadoo lagu muujiyay midnimo, wacyi iyo halgan dhanka afka ah oo ka dhan ah wax kasta oo dhaawacaya jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

0

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed maanta sameynayaan bannaanbax iskugu jira socod dheer iyo isu-imaatin ballaaran, si loo muujiyo mowqifkooda adag ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Ummadda Soomaaliyeed.

Bannaanbaxan ayaa ah jawaab cad oo ka dhan ah faragelinta shisheeye, gaar ahaan midda Israa’iil, waxaana culimada ku tilmaameen arrintaas mid aan la aqbali karin. Sheekh Suufo Yare ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed mar walba ka shaqeynayaan mideynta ummadda, ilaalinta diinta, iyo difaaca qaranimada.

Isu-soo-baxa maanta ayaa ah mid nabadeed oo calaamad u ah midnimo iyo go’aan mideysan oo kasoo baxay culimada dalka.

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

0

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo ay ka qeybgalayaan boqolaal qof oo ka kala yimid qeybaha bulshada, gaar ahaan culimada Soomaaliyeed.

Bannaanbaxan ayaa lagu muujinayaa cambaareyn xooggan oo ka dhan ah faragelinta ay dowladda Israa’iil ku heyso midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Bannaanbaxa oo ay soo abaabuleen culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan Golaha Sare ee Culumada, ayaa ka socdo Taallada Daljirka Dahsoon. Culimada ayaa horey ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si nabadeed uga qeybqaataan bannaanbaxa, si loo adkeeyo midnimada dalka loogana hortago wax kasta oo lid ku ah qaranimada Soomaaliya.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo culimo kale oo kamid ah kuwa hormuudka u ah kacdoonkan ayaa sheegay in Israa’iil ay isku dayeyso inay qalqal geliso Soomaaliya, taasina aysan marnaba ogolaan doonin, ayna ka hortagi doonaan si mideysan, diimeed iyo qaranimo ahaanba.

Bannaanbaxa ayaa kusoo beegmaya xilli dareen xooggan oo ka dhan ah siyaasadaha Israa’11l uu ka jiro guud ahaan dalka, iyadoo dadweynuhu muujiyeen sida ay uga go’an tahay difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa duullaankii qaawanaa ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’!!l uu ku soo qaaday Hargeysa, oo ah qayb muhiim ah oo aan la kala saari karin oo ka mid ah dhulka madaxa-bannaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadani waxay ka dhigan tahay xadgudub weyn oo lagula kacay madaxbannaanida Soomaaliya, sharafta dhuleed, iyo midnimada siyaasadeed, waxayna u taagan tahay faragelin aan la aqbali karin oo lagu sameeyey arrimaha gudaha ee Dowlad Madaxbannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Hargeysa waxay ka dhigan tahay qayb aan la iska indho tiri karin oo ka mid ah dhulka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Soomaaliya. Joogitaan rasmi ah, xiriir, ama fal kasta oo laga sameeyo gudaha dhulka Soomaaliya, iyadoo aan la helin oggolaansho cad iyo oggolaansho Dowladda Federaalka Soomaaliya waa sharci darro, waxba kama jiraan, mana laha ansax sharci ama saameyn.

Ficillada noocaas ah waa kuwo aan waafaqsanayn mabaadi’da iyo ujeeddooyinka Axdiga Qaramada Midoobay, Xeerka Dastuurka ee Midowga Afrika, iyo xeerarka la dejiyay ee maamula xiriirka ka dhexeeya dowladaha madaxa-bannaan, oo ay ku jiraan mabaadi’da sinnaanta madaxbannaanida, sharafta dhuleed, iyo faragelin la’aanta.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso dhammaan falalka wax u dhimaya madaxbannaanida, midnimada, iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, iyo inay si buuxda u ixtiraamto waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah.

Soomaaliya waxay sidoo kale ku boorinaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo dhammaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay si cad oo aan mugdi ku jirin u xaqiijiyaan taageeradooda mabda’a leh ee madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada, iyo xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka qaybgalka caalamiga ah ee nabadda, diblomaasiyadda wax dhisaysa, iyo u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah. Isla mar ahaantaana, Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee ku habboon, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah, si loo ilaaliyo madaxbannaanideeda, midnimadeeda qaranka, iyo midnimadeeda dhuleed.

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga. Wafdigan waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Arrimaha Dibadda, Gökhan Demirtola iyo Taliye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Turgay Olgun.

Masuuliyiinta Turkiga ah waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay halkaas ku qaabileen saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa la xiriira xoojinta iskaashiga amniga, kor u qaadista xiriirka labada dal iyo wadashaqeynta dhanka booliiska, iyadoo la filayo in ay la yeeshaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kulammo miro dhal ah.