WARSAXAAFADEED: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Date:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul leh u dhacday 25-kii Diseembar 2025. Wasaaraddu waxay hambalyo u diraysaa dhammaan xubnaha ku guuleystay doorashada Golaha Deegaanka.

Doorashadan waxay astaan u tahay horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, hannaanka federaalka iyo maamul-wanaagga. Waxay muujisay bisayl siyaasadeed, wacyi bulsho iyo ka-qaybgal ballaaran oo ay muujiyeen shacabka Gobolka Banaadir.

Doorashada waxaa si xor ah oo xalaal ah ugu tartamay ururro siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo si weyn looga dareemay ka-qaybgalka dadweynaha iyo kalsoonida buuxda ee lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed. Tirada codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aanka heer deegaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay si gaar ah u bogaadinaysaa Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kuwaas oo ku guuleystay inay si hufan, daah-furan, isla markaana xirfad leh u maamulaan doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ammaan iyo mahadnaq u jeedinaysaa hay’adaha amniga qaranka, kuwaas oo si xilkasnimo, feejignaan iyo karti leh u sugay amniga doorashada, taasoo horseedday in geeddi-socodku u qabsoomo si nabad ah, hufan, isla markaana guul ku dhammaatay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay sidoo kale uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamiga ah ee taageeray hannaanka doorashooyinka, isla markaana taageeray natiijada iyo in si dimuqraadi ah dadka Gobolka Banaadir loogu celiyo awooddooda.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee la doortay uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta isla-xisaabtanka, kor u qaadista maamul-wanaagga, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo si toos ah u taabanaya nolosha iyo danta shacabka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...