Wasiirka Warfaafinta oo bogaadiyay doorka Wakaaladda SONNA xilli ay u dabaaldegayso sanadguuradii 62-aad

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo u dabaaldageeyso munaasabadda xuska sannad-guuradii 62-aad.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta qarabka ayaa sheegay in SONNA ay tahay isha rasmiga ah ee wararka Soomaaliya, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadato gaarsiinta wararka dowladda iyo kuwa qaranka ee ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale caalamka u soo bandhigta xaqiiqada ka jirta dalka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xusay in Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ay leedahay taariikh dheer oo ku suntan hufnaan, karti iyo waajibaad-fulin, isla markaana howlwadeennadeedu ay si daacadnimo leh ugu adeegaan danta guud, kuna xiraan Soomaaliya warbaahinta caalamka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in SONNA ay noqotay isha ugu weyn ee laga soo xigto wararka Soomaaliya, gaar ahaan marka warbaahinta caalamku doonayaan xog iyo warbixinno la xiriira xaaladda dalka, isagoo xusay in wakaaladdu xiriir shaqo la leedahay in ka badan 70 wakaaladood oo warar caalami ah, kuwaas oo isugu jira telefishanno, idaacado, jaraa’idyo iyo warbaahinno casri ah.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa hambalyo gaar ah u diray tifaftirayaasha, wariyeyaasha, farsamayaqaannada iyo dhammaan shaqaalaha SONNA, isagoo ku ammaanay doorkooda muuqda ee horumarinta warbaahinta qaranka iyo wacyigelinta bulshada.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xusay in wakaaladdu sannadihii u dambeeyay sameysay horumar ballaaran oo dhanka tiknoolajiyadda iyo casriyeynta qalabka warbaahinta ah, taas oo ka dhigtay mid la jaanqaadaysa wakaaladaha wararka ee caalamka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in SONNA ay door weyn ka qaadato istaraatiijiyadda dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan tebinta arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-dhiska dowladnimada, dib-u-heshiisiinta, geeddi-socodka siyaasadeed iyo wacyigelinta bulshada, isagoo u rajeeyay wakaaladda horumar, nabad iyo barwaaqo, isla markaana ay sii waddo waajibaadkeeda qaran ee ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...