Home Blog Page 7

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta kulan is-barasho iyo xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiir Cabdifitaax ayaa Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka iyo guud ahaan wasaaradda ka xogwareystay shaqada socota iyo waajibaadka horyaalla, isagoo xog is-weydaarsi dheer kadib kula dardaarmay in shaqada ay wasaaradaan u heyso qaranka lasii laba jibaaro.

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 83-guurada kasoo wareegatay aas-aaskii halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka,ayaa ka hadlay arrimaha dastuurka, doorashooyinka qof iyo codka ah iyo xaaladda guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqangelinta dastuurka ay si rasmi ah u bilaabatay, iyadoo la kala saari doono Baarlamaanka iyo XFS.

“Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala saari doonaa Baarlamaanka iyo XFS,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay muddo xileedka dowladda, isagoo sheegay in waqtiga dowladda uu ku egyahay 15-ka May 2027.

“Waqti xileedka Dowladeyda waxa uu ku egyahay 15-ka May 2027.”ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dhinacyada siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, islamarkaana maanta ay qeyb ka tahay goobaha waaweyn ee go’aamada caalamiga ah lagu gaaro.

“Maanta caalamka meelaha ugu waa weyn ee go’aamada lagu gaaro ayaan joognaa. Dunidu way na aqbashay, ee yaan dib naloo celin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay ilaa saddex horjooge oo sare, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid iyo xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka maleeshiyaadka, ka fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan.

Ciidanka NISA oo la socday dhaq-dhaqaaqa Horjoogeyaashan sare oo ka tirsan Khawaariijta kuwaas oo gaaray deegaanka Buq-aqable, ayaa weerar culus ku qaadey goob ay abaabul ka wadeen, waxaana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyay Cali Xuseen oo ah horjoogaha maleeshiyaadka dhagarta fuliya ee Gobollada Dhexe, Mowliid Jiis oo ah wakiilka Khawaarijta ee degmada Buulo-burde, iyo Maxamed Hiiraan oo ah wakiilka Khawaarijta degmada Jalalaqsi.

Sidoo kale, howlgallo isxig-xigay ayaa lagu beegsaday goobo ay kooxdu ku diyaarinaysay maleeshiyaad iyada oo halkaas lagu gubay ilaa shan baabuur oo seddex ka mid ah ay ahaayeen nooca BG loo yaqaano, kuwaas oo mid ka mid ah uu saarnaa qoriga 39 (thirty-nine) ama lidka diyaaradaha.

Howlgalladan qorsheysan waxa ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna fashilinayo abaabul kasta oo ay ku carqaladeynayaan amniga iyo xasilloonida dalka.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dadaallada Dowladdu ay ku horumarinayso adeegyada dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dhismaha casriga ah ee Wassaaradda Dhallinyaradu uu ka qiimo badanyahay dhismeyaal badan oo dowladda lagu tabarucay, halkan kan lagu dhisay dhaqaale, aqoon iyo maskax dad soomaaliyeed, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu astaan u yahay mudnaanta ay dowladdu siinayso awood siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasi oo laf dhabar u ah horumarka, nabadda iyo mustaqbalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka ayaa sidoo kale, si qoto dheer uga hadlay guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka tooska ah, dhammaystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweyaha ayaa tilmaamay in iyada oo laga duulayo ballamihii shacabka Soomaaliyeed laga qaaday, mudnaan gaar ah la siiyay dhammaystirka Dastuurka dalka, isla markaana ajendeyaasha dowladda Federaalka ay ku saleysnaan doonaan Dastuurka la ansixiyay, iyada oo xil-haynta hay’adaha dowladda, kala dambeynta awoodaha iyo habraacyada dowladeedba laga tixraacayo Dastuurka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo matalaad dadweyne.

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan Qasim, ayaa kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King oo ay ka wada hadleen mudnaanta arrimaha xuquuqda aadanaha, horumarinta hay’adda, iyo taageerada marxaladda dhismaha ee Guddiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada isla-xisaabtanka, ilaalinta qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee nugul, xorriyadda hadalka iyo aragtida, iyo taageeridda dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka si loo dhawro, loona horumariyo xuquuqda aadanaha si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ee Paris.

Dr Maryam Qasim ayaa soo dhaweysay wadashaqeynta iyo doorka UK ee ku aaddan xoojinta arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, oo ay ku jirto taageerada lagu adkeynayo sarreynta sharciga, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo uu weheliyo Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Keydka Daawada ee Gobolka Banaadir, taas oo loo dhisay si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka loona hagaajiyo nidaamka kaydinta iyo qaybinta dawooyinka ee caasimadda Muqdisho.

Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, oo ugu horreyn ka hadlay munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxa uu sheegay in ay xaruntani si weyn u fududeyn doonto helitaanka dawooyin tayo leh oo si hufan loogu gaarsiiyo xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Muungaab ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Samafalka Qatar iyo Dowladda Qatar taageeradooda joogtada ah iyo doorka muuqda ee ay ka qaateen hirgelinta mashruucan muhiimka ah, isagoo xusay in xaruntani ay ka mid tahay tiirarka lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee bulshada caasimadda.

Sidoo kale, Danjiraha Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada istiraatiijiga ah ee ay ku bixiso mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa diiradda saaraya adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Waxa uu xusay in iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal uu yahay mid saldhig u ah horumar waara, kobcinta adeegyada bulshada, iyo dhismaha kaabeyaasha nolosha ee shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo Faransiiska, kaas oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qeyb galay madax dowladeed, wasiirro, iyo saraakiil sare, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh, dardargelinta dib u habeynta hay’adaha maamul ee caalamiga ah, iyo horumarinta nidaam caalami ah oo loo dhan yahay, kaas oo xaqiijinaya matalaad caddaalad ah oo ay helaan Afrika iyo dalalka soo koraya.

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka markab shidaal oo lagu qabsaday xeebaha dalka Yemen, kadibna loo soo watay dhanka biyaha Soomaaliya, kaas oo ay saarnaayeen badmaaxiin u dhashay dalka Masar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in falkaasi uu yahay dembi ka dhan ah shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah, gaar ahaan xeerarka caalamiga ah ee badaha iyo bini’aadannimada. Wuxuu tilmaamay in afduubkaasi uu khatar ku yahay amniga iyo xasilloonida marinada badeed ee caalamka.

Sidoo kale, Al-Yamaaxi ayaa caddeeyay in Baarlamaanka Carabta uu si buuxda u garab taagan yahay dowladda Masar, isla markaana uu taageersan yahay dadaallada ay waddo Qaahira ee lagu sii deynayo badmaaxiinta la afduubtay si nabad ah, looguna celiyo dalkooda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaadaan tallaabooyin adag oo looga hortagayo falalka afduubka maraakiibta, kuwaas oo halis weyn ku ah ganacsiga iyo isu socodka maraakiibta caalamiga ah.

 

 

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

0

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol ay ka muuqato rajo iyo dhaqdhaqaaq, iyadoo ay ka tarjumeysa halgan iyo rajo isku dhex jira ee nolosha maalin laha ah.

Waxaa kuu muuqanaya Wiil yar oo Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ula tacaalaya hirarka badda si uu nolol maalmeed ugu raadsado xeebta.

Wiilkan yar oo garanaya qiimaha nolosha ayaa badda ka soo saaray Malaay, si uu ugu kaalmeeyo quudka nolasha reerkiisa. Dhiirranaanta iyo geesinimada uu ku wajahayo hirarka laba dhacaya Badda, waxay astaan u yihiin carruur badan oo Soomaaliyeed oo nolosha bartay iyaga oo weli yar.

“Inkastoo hirarku xoog leeyihiin, haddana rajadu way ka xoog badan tahay”, waa fariinta wariyaha Warbaahinta qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdulqaadir Silver oo sawiradan qaaday uu ku cabiray sida ay xaaladdu u ekeyd, isaga oo markale leh “Carruurnimo Baddu barbaarisay, Noloshuna bartay masuuliyad”.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in badda ay tahay il nololeed iyo sidoo kale “dugsi” carruurta baraya dulqaadka iyo adkeysiga, iyadoo muuqaalka guud lagu soo koobi karo, in inkasta oo xaaladuhu adag yihiin—haddana rajadu weli tahay midaan gorgortan laga galin.

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxa ay shixnad gargaar ah oo ka kooban qeybaha kale duwan ee raashinka ugu qeybisay 2,000 oo qoys oo ay saameeyeen abaarihii dhawaan ka dhacay dalka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi ayaa goobjoog ka ahaa qeybinta deeqdaan gargaar ee qoysaskaan dantayar loo qeybiyay, isaga oo sheegay in sii wadi doonto SoDMA gurmadka iyo gargaarka la gaarsiinayo deegaanada kale ee ay wali ka jirto saameynta abaarta.