Home Blog Page 7

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro xarunta safaaradda, waxaana ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga Warbaahinta , Wacyihalinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta muuqata ee uu ku leeyahay so kabashada iyo horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu taageerayo warbaahinta, Dhaqanka iyo hal-abuurka Dhalinyarada, ka hortaga tahriibka iyo la dagaalanka been abuurka iyo xagjirnimada

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarinta iskaashiga dhinaca wacyigelinta bulshada ee la xiriira amniga, doorashooyinka, xasilinta, iyo la dagaalanka xagjirnimada, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta warbaahinta si loo gaaro wacyi bulsho oo mideysan.

Danjire Francesca Di Mauro Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhinaceeda hoosta ka xariiqday ahmiyadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska maadaama Midowga Yurub uu yahay mid ka mid ah saaxiibadsa ugu xooggam ee taageera dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud ayaa muujiyay ka go’naanta Wasaaradda ee ku aaddan ballaarinta iskaashiga Midowga Yurub, gaar ahaan barnaamijyada lagu kobcinayo xirfadaha suxufiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda, iyo kor u qaadidda dhaqanka iyada oo loo marayo dhiiragalinta dhalinyarada, horumarinta dalxiiska Soomaaliya oo ay door fiican ka qaadan karaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Canada, Finland, Norway ,
Cuba , Spain.

Wasiirku waxa uu safiirradan ugu hambalyeeyey ku soo biirista safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay matalayaan.

Sidoo kale, waxaa uu ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan la leeyihiin soomaaliya, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo laba maalmood ka socday magaalada Nairobi. Shirkaas waxaa soo qabanqaabiyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah.

Shirkan muhiimka ah waxaa goobjoog ka ahaa hay’ado iyo dowlado taageera Soomaaliya, sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU), iyo safaarado dhowr ah oo la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta kobaca dhaqaalaha dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamka, si loo gaaro horumar waara oo taageera adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka Maaliyadda iyo guddoomiyeyaasha Bangiga Horumarinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in dalka uu ka gudbay caqabado badan oo la xiriira dib-u-habeynta dhaqaalaha, ayna hadda mareyso marxalad laga faa’iideysan karo dadaalladii hore. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Guddiga Sare ee Bangiga Horumarinta, oo dhowaan la dhisay, lagu soo xulay si hufan, caddaalad ah, kuna saleysan xirfad iyo karti.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda ayaa u mahadceliyay hay’adaha caalamiga ah taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo sheegay in doorkooda uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka dalka.

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay go’aanka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Jarmalka ay ku aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya, kaas oo lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Dowladda Jarmalka (Bundesanzeiger) 1-da December 2025.

Go’aankan cusub ayaa dhigaya in Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya si rasmi ah loo aqoonsaday gelitaankiisa iyo deganaanshaha ee Jarmalka, kaas oo beddelaya xeerarkii hore ee kaga jiray Jarmalka oo keliya aqoonsiga marka laga baxayo dalka (departure).

Tallabadan ayaa caddeyn u ah horumarka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo tayada dukumentiyada safarka, casriyeynta adeegyada, iyo howlaha socdaalka ee ku wajahan adeegyada ee labada dal.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha waxa ay Dowladda Federaalka Jarmalka ku bogaadinaysaa go’aanka ay qaadatay, waxayna ka rajaynaysaa in uu sii xoojin doono aqoonsiga baasaboorka iyo nidaamyada aqoonsiga ee dalalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa dowladda UK ugu hambalyeeyay kursiga dhowaan loo doortay ee ah in ay ka mid noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay kaalintii ay UK ku lahayd guulihii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay qaadistii cunaqabataynta hubka, deyn-cafinta, iyo dib-u- la soo noqoshada Soomaaliya ee kursiga Xuquuqda Aadanaha ee QM.

Mudane Xamsa oo warbixin siinayey wafdiga, ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda yeelatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, oo dhowaan ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in dhammaan xubnaha guddiga lagu soo xulay karti, aqoon iyo waaya-aragnimo.

Danjiraha UK ee Xuquuqda Aadanaha, Marwo Eleanor Sanders, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaadda, waxa ayna ku bogaadisay horumarka laga sameeyay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehelinaysay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Danjiraha guddoonsiiyay shahaado sharaf muujinaysa doorka UK ee garab istaagga Soomaaliya.

 

 

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska oo ay hogaamineysay H.E Eleanor Sanders oo safarkeedii ugu horeysay abid ku timid magaalada, kadib markii ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska u fidisay casuumaad rasmi ah.

Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar iyo Khuburada Wasaaradda waxaa ay xarunta Wasaaradda Qoyska kulan ballaaran kula qaateen Wafdigan ka socday dowladda Ingiriiska, ayadoo ugu horeyn Wasiirku ay wafdiga warbixin ka siisay halka ay mareyso xaaladda Xuquuqul Insaanka Dalka iyo dadaalladii ugu dambeeyey ee ay Wasaaradda Qoyska ku guuleysatay, kadib guushii shirkii Geneva, guulahaas oo ay ka mid tahay dhismaha iyo meel marinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa si weyn ugu mahad celisay Boqortooyada Ingiriiska dadaalkii ay ku bixisay iney Soomaaliya dib u lasoo wareegto madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka, si la mid ah dowladaha caalamka ayadoo dadaalladaasi ay hormuud u aheyd Safiirka Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska H.E Eleanor Sanders.

Intii uu socday kulank ayey dhankooda H.E Eleanor Sanders iyo Safiir ku xigeenka Safaaradda ingiriiska ee Muqdisho Sam Thomas waxa ay si wadajir ah u bogaadiyeen dadaallada xooggan ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ku bixisay Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxaana ay ballan qaaday Danjire Eleanor Sanders iney wada shaqeyntooda iyo garab istaagooda ay sii laba jibaari doonaan maadaama ay Wasaaradda dhankeeda shaqooyinkii laga rabay qabatay.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waday dadaal xooggan oo ku aaddan horumarinta Xuquuqul Insaanka, taasi oo keentay in sanadkan 2025 ay si weyn u kordheen guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay horumarinta Xuquuqul Insaanka Dalka oo ay ugu weynaayeen iney Soomaaliya dib ula soo laabato madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka 32 sano kadib iyo dhismaha guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

 

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay Guddiga dib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka oo ku guda jira howlahooda dib-u-eegista Dastuuurka gaar ahaan cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee uu Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurku usoo gudbiyay.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo si kooban uga hadlay muhiimadda dastuur dhammeystiran uu u leeyahay geeddi-socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka, ayaa ku boorriyay xubnaha guddiga dib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka in la dardargeliyo howlaha wax-kabeddelka Dastuurka.

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday in kooxdii ugu horreysay ee arday Soomaaliyeed ee ka faa’iideysatay deeqaha waxbarasho ee Dowladda Algeria ay gaareen dalkaas.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in ardaydan ay tageen Algeria, iyada oo la fulinayo heshiiska iskaashiga waxbarasho ee ay wada saxiixeen Dowladaha Soomaaliya iyo Algeria.

Wasiiru-dawlahu wuxuu tilmaamay in 45 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay haatan waxbarasho ka bilaabeen jaamacadaha Algeria. Ardaydan ayaa qayb ka ah 120-ka deeq waxbarasho ee loo qoondeeyay Soomaaliya, kuwaas oo lagu barto culuumo kala duwan, oo ay ku jiraan amniga internetka (cybersecurity).

Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale xusay in deeqahan ay qeyb ka yihiin heshiisyadii ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune, kuwaas oo ku saabsan waxbarashada, arrimaha dibadda, xoolaha iyo gaaska dabiiciga ah.

Madaxweynaha Algeria ayaa hore u ballanqaaday in uu kordhinayo taageerada waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka waxbarasho iyo iskaashiga labada dal.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeybgalay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi, dalka Kenya.

Madashan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta caddaaladda ku dhisan baahida shacabka, gaar ahaan nidaamyada caddaaladda ee ka baxsan dacwadaha maxkamadaha madaniga ah.

Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ayaa is dhaafsaday waayo-aragnimo, hal-abuur casri ah, iyo qaabab cusub oo lagu ballaarinayo helitaanka caddaaladda.

Intii uu shirku socday waxaa si gaar ah looga falanqeeyay caqabadaha wadajirka ah ee ka jira dalalka gobolka, sida la jaanqaadidda sharciyada, wacyigelinta bulshada, dhisida awoodda garsoorka, adeegsiga tiknoolajiyadda, iyo joogteynta nidaamyada cusub ee caddaaladda. Waxaa sidoo kale laga dooday sida loo dardargelin lahaa wada-shaqeyn heer gobol ah, oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga aqoonta, tababarrada wadajirka ah, iyo booqashooyinka waxbarasho ee garsoorayaasha.

Ugu dambeyntii, madashu waxay ku heshiisay in la diyaariyo war-murtiyeed mideysan oo qeexaya mudnaanta, ballanqaadyada wadajirka ah, iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo horumariyo caddaalad ku saleysan baahida dadweynaha ee guud ahaan Bariga Afrika.

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Afrika ee Aljeeriya

0

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta kulan rasmi ah kula yeeshay magaalada Aljeer Saalma Bekhta Mansuuri, oo ah Xoghayaha Dowladda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Aljeeriya u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Labada mas’uul ayaa isdhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha muhiimka ah ee qaaradda Afrika, iyagoo ka wada hadlay hindiseyaal lagu xoojinayo wadashaqeynta gobolka iyo dadaallada mideysan ee labada dal ay ka qaadan karaan arrimaha istaraatiijiga ah.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).