Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Date:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay ilaa saddex horjooge oo sare, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid iyo xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka maleeshiyaadka, ka fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan.

Ciidanka NISA oo la socday dhaq-dhaqaaqa Horjoogeyaashan sare oo ka tirsan Khawaariijta kuwaas oo gaaray deegaanka Buq-aqable, ayaa weerar culus ku qaadey goob ay abaabul ka wadeen, waxaana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyay Cali Xuseen oo ah horjoogaha maleeshiyaadka dhagarta fuliya ee Gobollada Dhexe, Mowliid Jiis oo ah wakiilka Khawaarijta ee degmada Buulo-burde, iyo Maxamed Hiiraan oo ah wakiilka Khawaarijta degmada Jalalaqsi.

Sidoo kale, howlgallo isxig-xigay ayaa lagu beegsaday goobo ay kooxdu ku diyaarinaysay maleeshiyaad iyada oo halkaas lagu gubay ilaa shan baabuur oo seddex ka mid ah ay ahaayeen nooca BG loo yaqaano, kuwaas oo mid ka mid ah uu saarnaa qoriga 39 (thirty-nine) ama lidka diyaaradaha.

Howlgalladan qorsheysan waxa ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna fashilinayo abaabul kasta oo ay ku carqaladeynayaan amniga iyo xasilloonida dalka.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...