Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo uu weheliyo Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Keydka Daawada ee Gobolka Banaadir, taas oo loo dhisay si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka loona hagaajiyo nidaamka kaydinta iyo qaybinta dawooyinka ee caasimadda Muqdisho.

Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, oo ugu horreyn ka hadlay munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxa uu sheegay in ay xaruntani si weyn u fududeyn doonto helitaanka dawooyin tayo leh oo si hufan loogu gaarsiiyo xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Muungaab ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Samafalka Qatar iyo Dowladda Qatar taageeradooda joogtada ah iyo doorka muuqda ee ay ka qaateen hirgelinta mashruucan muhiimka ah, isagoo xusay in xaruntani ay ka mid tahay tiirarka lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee bulshada caasimadda.

Sidoo kale, Danjiraha Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada istiraatiijiga ah ee ay ku bixiso mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa diiradda saaraya adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Waxa uu xusay in iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal uu yahay mid saldhig u ah horumar waara, kobcinta adeegyada bulshada, iyo dhismaha kaabeyaasha nolosha ee shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...