Home Blog Page 8

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed Diri, ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Qatar, Mohammed bin Ali Al Mannai, xilli uu socdo MWC Doha 2025.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhanka dijitaleynta adeegyada dowladda, hormarinta kaabayaasha ICT-ga, iyo amniyeynta seybarka.

Wasiiru Dowlaha ayaa uga warbixiyay dowladda Qatar dadaallada ay Soomaaliya ku casriyeynayso adeegyada iyo dhismaha nidaam dhijitaal oo fududeynaya helitaanka adeegyada bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ballaarinta taageerada, oo ay ku jiraan barnaamijyada maamulka dhijitaalka, tababarrada shaqaalaha dowladda, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee isgaarsiinta.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay caasimadda Aljeeriya shirka caalamiga ah ee dambiyaynta gumaysiga Afrika, kaas oo ka dhacaya magaalada Algiers, soconayana 30-ka Nofembar ilaa 1-da Diseembar.

Shirka ayaa ujeedkiisu yahay isku keenidda dalalka Afrika ee soo maray heeryadii gumaysiga, si loo xoojiyo aqoonsiga heer caalami ee xadgudubyadii dhacay intii lagu jiray xilligii gumaysiga, loona dejiyo habraacyo wax ku ool ah oo lagu magdhabi karo dhibaatooyinka taariikheed, iyo wax-ka-qabashada uur-ku-taallooyinka iyo saameynta weli ka muuqata qaaradda.

Waxaa la filayaa in shirkani uu ka soo baxo “Baaqa Aljeeriya”, oo ka koobnaan doona soo jeedimo iyo talooyin muhiim ah. Nuqulka baaqan ayaa loo gudbin doonaa Shir-madaxeedka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu qabsoomo bisha Febraayo 2026, si ay madaxda iyo hoggaamiyeyaasha qaaraddu u ansixiyaan.

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

0

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan kasameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa baacsiga iyo kahortagga dhagarta kooxaha Khawaarijta.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Aqabka Bidhida, Jabad Godane, Calanley, Masaale iyo Berweyn Celi, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay Khawaarijtu ku lahaayeen goobaha ay ka abaabulaan falalka amni darro ee ay ka geystaan gobolka.

Taliyaha Ururka 191-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, G/le Muqtaar Axmed Cumar, oo hoggaaminayay hawlgalkan, ayaa sheegay in ciidanku ay burburiyeen gabaadyo iyo meelo ay Khawaarijtu isku aruursan jireen, isla markaana ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Shabeellaha dhexe.

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow , ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa lagu xoojiyay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada socdaalka, dalku-galka, iyo horumarinta kaabayaasha adeeg bixinta Hay’adda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fududaynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalku-galka Shiinaha iyo kaalinta Dowladda Shiinaha ee dhismaha kaabayaasha Hay’adda.

Danjire Wang Yu ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirra, isaga oo xusay xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada aqoonta, khibradda, iyo taageerada dhismaha awooda karaanka iyo adeegyada Hay’adda.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

0

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan ka daahfuray qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Amiin Xasan, ayaa sheegay in guddigu maanta degmada Hodan si rasmi ah uga bilaabay qaybinta kaararka, isla markaana shacabka is-diiwaangeliyay ay halkaas ka qaadan karaan kaarka codbixiyeyaasha doorashooyinka.

“Waxaan ugu baaqayaa bulshada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u soo baxaan qaadashada kaarka codbixinta, si ay ugu codeeyaan doorashooyinka soo socda,Waxaana maanta degmada Hodan ka daahfurnay qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka,

“Dadweynow, u soo baxa oo qaata kaarkiinna codbixinta, waxaana diyaar u nahay adeegyadiinna degmada Hodan” ayuu yiri Cabdikariin Cali, oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee maanta degmada Hodan ka qaatay kaarka codbixiyeyaasha.

Guddiga Doorashooyinka ayaa horey sidan oo kale uga daahfuray qaybinta kaararka toddobo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo sida guddigu sheegay ay shacabka caasimaddu 25-ka bisha dambe u dareeri doonaan doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo dil toogasho ah ku ridday Rag ku eedeysan in ay dileen Hooyo & Carruurteed

0

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo kale Ayuub Maxamed Cabdi ayey maxkamaddu ku riday xukun shan sano oo xabsi ah.

Ragga ay manta xukuntay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen dilka hooyo iyo sedax gabdhood oo ay dhashay, falkaas oo ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Go’aankan ayaa yimid kaddib dhagaysi ay maxkamaddu u samaysay doodda qareennada difaaca, caddeymaha xeer ilaalinta iyo marqaatiyaal la hor keenay.

Maxkamaddu wax ayaa sheegtay in xukunkan uu yahay mid caddaalad u horseedaya qoyska dhibbanayaasha iyo bulshada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Halkan waxaan u nimid iskaashi”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee Boqortooyada Morooko, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaashiga dalalka ku yaalla Daanta Koonfureed ee Dunida (Global South).

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbaddiisa ku muujiyay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay, ayaa xusay in dalku qoreyso bog cusub oo taariikheed, isla markaana uu dib u hantay sumcaddii iyo mansabkii uu caalamka ku lahaa. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya maanta tahay dal xasilloon oo amnigiisa iyo siyaasaddiisa la isku halayn karo, isla markaana uu ka socdo dib-u-qaabeyn iyo dib-u-dhis miro dhal leh, taasoo u diyaarinaysa in ay kaalin muuqata ka qaadato degganaanshaha guud ee gobolka iyo adduunkaba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii hadlayay ayaa yiri:

“Halkan uma aanan imaan annaga oo raadinayna samafal, ee waxaan u nimid annaga oo doonayna iskaashi, diyaar u ahna in aan aragtiyo biirinno, wax-is-weydaarsi sameyno, isla markaana aan ka qeybqaadanno xal u helidda caqabadaha jira.”

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Afrika aysan sii ahaan karin daawade kaliya oo arrimaha adduunka dib uga daawata, balse ay tahay inay noqoto dalad firfircoon oo kaalin muuqata ku leh dejinta qorshayaasha mustaqbalka.

Shirka Madasha MEDays, oo socday muddo afar maalmood ah, ayaa xirmay iyadoo Soomaaliya sanadkan ka qaadatay kaalin hoggaamineed, laguna soo gabagabeeyay xiriirro iyo iskaashi ballaaran oo waxtar u leh danaha dhow iyo kuwa fog ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS)

0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS).

Mashruuca cusub ee FIMS, oo lagu ururinayo una lagu maareynayo xogta kalluumaysiga, ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka iyo habeynta xogta waaxda kalluumaysiga, taas oo suuragelinaysa in la helo tirokoob sax ah oo nidaamsan.

Nidaamkani wuxuu gacan ka geysan doonaa dejinta go’aanno ku dhisan caddayn, iyo horumarinta siyaasado ku saleysan cilmi-baaris, si loo hormariyo waaxda kalluumaysiga ee dalka.

Bandhiga dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed oo ka furmay Nairobi

0

Waxa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi Bandhigga Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed 2025 kaas oo ka socon doona Mall-ka Two Rivers Mall.

Bandhigaan ayaa socon doona mudo saddex maalmood ah, waxaana lagu soo bandhigayaa muusiga, suugaanta, cuntada, farshaxanka, hal-abuurka iyo carwooyinka ka tarjumaya hodantinimada dhaqanka iyo dhaxalka dadka Soomaalida.

Bandhigga ayaa sidoo kale lagu iftiimin doonaa aqoonsigeenna dhaqameed, isla markaana lagu xoojinayo wada-noolaanshaha, isku-duubnida, iyo ixtiraamka wadajirka ah ee ka dhaxeeya dadka ku nool Kenya.

Inta uu socdo bandhigaan, habeen kasta waxa uu lagu soo bandhigaya riwaayado iyo dabbaal-dega dabridka “fireworks”.

Dadka Soomaalida ayaa ah dad guulo badan ka gaaray ganacsiga, magacna u soo hooyay dadka Soomaalida, hadana waxa jira dad dareen xun ka faafinaya dadka Soomaaliyeed.

Bandhigaan waxa uu wacyi kordhin u sameeynayaa dadka Keenyaanka ah isla markaana waxa uu sare u qaadayaa hamiga dadka Soomaalida, gaar ahaan Jiilka soo koraya.

Wasiir Cadaay oo kormeeray dugsiyada degmada Matabaan

0

Wasiir dowlaha Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle, Dr. Xasan Cadaay, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah dugsiyada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirku wuxuu booqday saddex dugsi oo muhiim ah: Al-Ma’muun, Al-Furqaan iyo Ugaas Nuur, isagoo warbixin ku saabsan xaaladooda iyo adeegyada waxbarasho ka dhageystay maamulka degmada iyo mas’uuliyiinta waxbarashada.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka waxaa wehelinayay Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, Wasiir Cadaay ayaa ka qayb galay munaasabadda xil-wareejinta guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan, Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobooy).