Home Blog Page 8

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulanka heer wasiir ah oo looga hadlayay dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo isticmaalka awoodda diidmada qayaxan ee loo yaqaano (Veto), intii uu socday Shir madaxeedka Africa Forward ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo diblomaasiyiin kale oo sar sare.

Dowladda Soomaaliya ayaa markale caddeysay taageeradeeda ku aaddan dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo helo matalaad juqraafiyeed oo cadaalad ah, isla markaana loo xoojiyo codka dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrika.

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

0

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Ajendaha kulanka oo ahaa Dhaarinta wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, ayaa Garsoore Cabdiqafaar Xuseen Isaaq oo ka socday Maxkamadda sare ee dalka, sidoo kalena wakiil ka ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa dhaariyey Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud.

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

0

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, kana kooban masuuliyiin heerar kala duwan ah, ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wafdigan waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada.

Ujeeddada wafdigan ayaa ah ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Caafimaadka Dalka oo si rasmi ah berri uga furmi doona magaalada Jowhar. Shirkan ayaa lagu falanqeyn doonaa arrimo muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaadka Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada. Sidoo kale, shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa tayeynta adeegyada caafimaadka bulshada, dardargelinta qorshayaasha caafimaadka qaranka, iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh isla markaana loo wada siman yahay.

Inta uu shirku socdo, masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka doodi doona caqabadaha ka jira caafimaadka dalka, qorsheyaasha cusub ee lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga ah, iyo kor u qaadista caafimaadka guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro go’aanno iyo talooyin muhiim ah oo wax weyn ka tari doona horumarinta nidaamka caafimaadka dalka iyo tayeynta adeegyada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

0

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax ballaaran oo lagu taageerayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka socda.

Dibadbaxan oo ay ka qeyb galeen boqolaal qof oo ka tirsan bulshada degmada ayaa shacabka waxay dowladda uga mahadceliyeen dadaallada ay ku bixineyso sugidda amniga, xalinta arrimaha dhulka iyo dardargelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee ku saleysan doorashooyinka qof iyo codka ah.

Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa sheegay in degmada ay haatan ka jirto xaalad amni oo wanaagsan, iyagoo xusay in aysan aqbali doonin cid kasta oo isku dayda inay qalqal geliso amniga ama ay iska horkeento shacabka iyo dowladda.

Shacabka dibadbaxa dhigayay ayaa sidoo kale muujiyay taageeradooda ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka, iyagoo ku baaqay in la sii xoojiyo nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarka dalka.

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo ka qeyb galay kulan laba geesood ah oo dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safiirrada dalalka Midowga Yurub ee taageera Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, dhammaystirka dastuurka dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee ka socda dalka, horumarka dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta dowladnimada.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka ku faahfaahiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhameystirka dastuurka, dimuqraadiyeynta, dib-u-habeynta garsoorka iyo xoojinta dowladnimada ku dhisan nidaamka sharciga.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha garsoorka iyo hirgelinta hannaan dimuqraadi ah oo shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan.

Ugu dambeyn, Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa bogaadiyay taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta hay’adaha garsoorka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay Doorashooyinka K/Galbeed

0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Faahfaahin ka bixiyay doorsahada maanta ka dhacday deegaanada kala duwan ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Cabdikariim ayaa caddeeyay in shacabka 13-degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay saakay aroortii u dareereen in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka tooska ah.

” Walaalayaal maanta oo bishu May tahay 10 2026, maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka dhacay Doorashooyinkii isa-saarnaa oo waqti badan la sugayay, saakay marka ay noo ahayd 12-ka subaxnimo goobaha Doorashada furmeyn, waxayna xirmeyn 6-da maqribnimo, codeynta waa soo idlaadeen marka hal goob laga reebo, waxaanna socota tirinta cododka, waa Alle mahaddiis saddex gobol oo maamulka Koonfur Galbeed ka kooban yahay ( Shabeellaha hoose, Baay & Bakool), in ay maanta ka dhacday Doorasho isa-saaran oo golaha wakiillada ah, 60-sanno ku dhowaad kama dhicin doorasho noocaan oo kale,”.

Guddoomiyaha,ayaa sheegay in shacabka iyaga oo cidna ka cabsaneyn safaf dhaadheer u galeen codeynta Doorashada, xitaa waxaa qeyb ka ahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo u adkeysanayay cadceedda si ay u doortaan mas’uuliyiintooda.

Hay’adaha amniga ayuu ku bogaadiyay sida hufan ee ay u sugeen amniga goobaha doorashooyinka ka dhacayeen iyo dadka ka qeyb galayay, wuxuunna ku tilmaamay geesiyaal u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xassan ayaa hoosta ka xariiqay in doorashada Koonfur Galbeed ka dib, u jiheysanayaan maamullada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, halkaas oo ay ka qabanayaan Doorashooyinka qof iyo codka ah ee ujeedkeedu yahay in shacabka tallada loo dhoweeyo.

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow dadka soomaaliyeed la wadaagi doona hadaljeedin ku saabsan xaalada guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa diiradda ku saari doonaa arrimaha doorashooyinka Qof iyo Cod ee sida nabadda ah saaka looga dareeray deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xaalada magaalada Muqdisho iyo Gogosha wadatashiga ah ee dowladdu u fidisay Siyaasiyiinta.

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

0

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Madasha Caalamiga ah ee Arrimaha Gaadiidka (International Transport Forum – ITF), oo qabsoomay intii u dhexeysay 6-da illaa 8-da May, waxaana markii ugu horreysay ka qeyb gashay Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay madashan caalamiga ah.

Soomaaliya waxaa shirkan ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cumar Afrax, oo ka qeyb galay doodaha iyo kulamada looga hadlayay horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada gaadiidka cirka, dhulka iyo badda.

International Transport Forum waa madal caalami ah oo ay ku mideysan yihiin ku dhawaad 100 dowladood, hay’ado caalami ah, shirkado iyo maalgashadayaal, iyadoo diiradda lagu saaro horumarinta isku socodka, isku xirnaanta iyo maalgelinta kaabeyaasha gaadiidka ee dunida.

Intii uu shirku socday, Agaasimaha Guud ayaa kulamo la yeeshay Wasiirka Gaadiidka ee Turkiga, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka ee Azerbaijan oo sanadkan shir guddoominaysay madasha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka ee Shiinaha, Xoghayaha Guud ee ITF, iyo xubno kale oo ka socday shirkado caalami ah iyo maalgashadayaal.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada gaadiidka, horumarinta kaabeyaasha, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya. Madasha ayaa si diirran u soo dhaweysay ka qeybgalka Soomaaliya sanadkan, iyadoo lagu marti qaaday Soomaaliya inay sanadka dambe noqoto xubin buuxda oo ka tirsan International Transport Forum, taas oo muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ku qabo horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

0

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ka socoto cod-bixinta hanaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee lagu dooranayo Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda habsami u socodka geeddi-socodka doorashooyinka, amniga goobaha cod-bixinta, iyo sida ay shacabka uga qeyb qaadanayaan doorashada ee lagu dooranayo golaha wakiilada iyo golaha deeganka.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji hogaamiyaha kmg ah ee dowladda koonfur galbeed ayaa bogaadiyey dadaallada guddiyada doorashooyinka, ciidamada amniga, iyo shacabka sida nabdoon uga qeyb qaadanaya cod-bixinta, isaga oo xusay in hirgelinta hanaanka Qof iyo Cod ay muhiim u tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo matalaadda shacabka Dowladda Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada inay ilaaliyaan nabadda, wadajirka, iyo hufnaanta doorashada si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah.

 

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

0

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS ayaa ka codeeyay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta ka mid noqdo kumanaanka qof ee codkooda sida dimoqraadiyadda leh u dhiibtay, anigoo ka qeyb galay doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed”ayuu yiri Aaden Madoobe.

Guddoomiye Aaden Madoobe ayaa ku booriyey dadka reer Koonfur Galbeed in ay banaanka usoo baxaan oo ay u dareeraan goobaha codbixinta si dimoqraadiyad lehna u doortaan cida hogaamineysa, waxaana uu u mahadceliyey ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan ee sida habsamida leh uga qeyb qaadanaya sugidda amaanka goobaha codbixinta iyo sidoo kale shacabka codadkooda dhiibanaya.

Dadka reer Koonfur Galbeed ayaa si weyn ugu soo baxay goobaha codbixinta, tas oo muujinaysa biseyl iyo yididiilo wanaagsan oo dhinaca dowlad wanaagga loo qaaday.