Home Blog Page 6

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Xeryaha Ciidamada ee Baydhabo

0

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro, ayaa kormeer shaqo ku tagay xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kormeerka Taliyaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliye Ku-xigeenka Qeybta 60-aad ee Ciidanka XDS, Korneyl Feysal, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada.

Intii uu ku sugnaa xeryaha ciidamada, Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada, howlaha ay qaranka u hayaan iyo heerka u diyaargarowgooda difaaca dalka.

Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay laba jibbaaraan waajibaadka ka saaran difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda feejignaanta iyo adkeynta amniga guud ee deegaannada ay joogaan.

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay dadaalka iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro ayaa maalmahan howlo shaqo u joogay gobolka Bay, halkaasi oo uu kulamo iyo kormeerro kala duwan kula yeeshay saraakiisha iyo cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Taliyaha CXD oo kormeeray Xerada Ciidanka DANAB ee Galmudug

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka S/Guuto Ibrahim Maxamed ayaa Kormeer shaqo ku tegay Xerada Ciidamada Kumaan Dooska sida gaarka ah u tababaran Danab ee Dhuusamareeb taa oo dhismaheedu gebo-gebo marayo.

Taliyaha, waxaa xerada ku so dhaweeyay Saraakiil uu horkacayo Taliyaha ururka 163’aad Guutada 16’aad ee kumaandooska Danab G/le Maxamed Bashiir Shiikh Caligood Barqadle, isaga oo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada heerka uu marayo dhismaha Xerada iyo howlaha socdo.

Dhinaca kale, Gen Ibrahim Maxamed Maxamuud, ayaa la hadlay cutubyo ka tirsan ururka 163-aad ee guutada 16-aad Kumaandooska Danab, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan waajibaadka qaran ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxa uu kaga mahad mahadceliyay naf hurnimada iyo dhiiranaanta ey mar waliba muujiyaan sida ey kaga foojigan yihiin dhagaraha Cadowga

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa xusay in dhismaha xeradan cusub uu muhiim u yahay tayeynta ciidamada Danab iyo kor u qaadidda awoodda howlgalada ciidamada qalabka sida waxa uuna tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay garab istaagga iyo tayeynta ciidamada Xoogga Dalka

Mas’uuliyiinta gacanta ku haya dhismaha ayaa sheegay in howlaha xerada ay marayaan heer gabagabo ah, isla markaana dhawaan si rasmi ah loo soo dhameystiri doono.

Wasiirka Cadaaladda oo furay tababar aqoon kororsi oo loo qabtay saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabanayo saraakiil iyo askar katirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xirfado muhiim ah oo ay kamid yihiin hoggaaminta, sharciyada iyo xeerarka ciidanka, maamulka iyo daryeelka maxaabiista, si kor loogu qaado tayada iyo waajibaadka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in tababarkani uu muhiim u yahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha iyo ciidanka, isagoo xusay in tababarradan ay noqon doonaan kuwo si joogto ah loo qabto.

Dhankiisa, Wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa saraakiisha iyo askarta ka qeybgaleysa tababarka ku dhiirrigeliyey inay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursaddan aqoon kororsiga ah, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta adeegyada iyo waajibaadka ciidanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlay gudbinta Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Liibaan, ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka hindise sharciyeedka lagu hagayo maamulka goleyaasha deegaanka ee dhawaan la soo doortay.

Hindisahan ayaa laga soo tashaday ururrada siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo sharci rasmi ah oo qeexaya habraaca iyo maamulka goleyaasha degmooyinka.

Sidoo kale, xeerkan ayaa si cad u qeexaya xiriirka wada shaqeyneed iyo masuuliyadaha u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos yimaada, si loo xoojiyo hufnaanta maamulka iyo adeegyada loo fidinayo shacabka.

MADAXWEYNAHA JFS OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE JABUUTI

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday ayaa u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dhankiisa, Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub ayaa kulan gaar ah la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Gottenburg ee Dalka Sweden.

Bulshadii kasoo qeyb gashay kulanka ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiiyey xaaladda dalka iyo waxqabadka dowladda ee afartii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo Wasiir Al-Cadaala uu si toos ah jaaliyadda uga jawaabay su’aalihii ay ka weydiiyeen dalkooda Hooyo oo horumar dowladnimo iyo mid bulsho ku talaabsanaya.

Wasiir Al-Cadaala ayaa jaaliyadda faahfaahin dheer ka siiyay guulaha ay gaartay dowladda Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyeynta, Dhaqaalaha, La-dagaalanka Argagixisada, adeegyada Bulshada iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Kulankaan lagu soo dhaweeyey Wasiirka waxaa soo qabanqaabiyay Hoggaanka Jaaliyadda oo uu ugu horeeyo Mudane Maxamed Salaad Yaroow, jaaliyadda ayaa muujisay taageero balaaran oo ay u hayso Dowladda Soomaaliya oo hiigsaneysa horumarro taariikhi ah.

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalka

0

Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta isgaarsiinta adduunka, sida lagu sheegay warbixinta Tirakoobka Nidaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), taas oo daboolaysa muddadii u dhexeysay 2007 ilaa 2024.

Warbixinta ITU ee la daabacay bishan May 2026 ayaa muujisay in Soomaaliya ay ka soo kacday heer eber ah sanadkii 2007 ilaa 77.5% sanadkii 2024, taas oo ka dhigaysa dalka kaalinta koowaad kaga jira 15-ka dal ee sameeyay horumarka ugu weyn ee dhinaca nidaaminta isgaarsiinta.

Horumarkan ayaa yimid kadib dib-u-habeynno waaweyn oo la sameeyay tan iyo markii la aas-aasay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) sanadkii 2018, iyadoo lagu saleynayo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Warbixinta Raad-raaca Nidaaminta ICT-da ee ITU ayaa ah mid lagu cabbiro heerka horumarka maamulka ICT-da ee 194 dal oo caalamka ah. Soomaaliya ayaa hadda si rasmi ah ugu biirtay heerka nidaaminta Jiilka 3-aad (G3) ee ITU, oo lagu tilmaamo heerka kobcinta maalgashiga iyo ballaarinta adeegyada isgaarsiinta.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in aqoonsigan uu muujinayo dadaalladii joogtada ahaa ee Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018 si loo dhiso hay’ad madax-bannaan iyo hannaan sharciyeed casri ah oo hagaya suuqa isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

“Aqoonsigan waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumarka la gaaray, balse weli mudnaanteennu waa xoojinta tartanka suuqa, ballaarinta helitaanka adeegyada, iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ.

Waxa uu sidoo kale xusay in guushan ay ka dambeyso iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, shirkadaha isgaarsiinta, iyo saaxiibbada caalamiga ah ee taageera isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka.

Tan iyo sanadkii 2019, HIQ waxay hirgelisay xeerar iyo nidaamyo sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaamka mideysan ee ruqsad-bixinta, xeerarka isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, qorshaha maaraynta hirarka isgaarsiinta, ilaalinta tayada adeegyada iyo xuquuqda macaamiisha, iyo horumarinta Teknoolojiyadda cusub si loo helo adeegyo casri ah oo la isku halleyn karo.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah hoteellada ay magaalada Madiina ka degan yihiin xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta xafiiska arrimaha xajka ee magaalada Madiina, isagoo sidoo kale la kulmay xujeyda Soomaaliyeed si uu uga xog wareysto adeegyada la siiyay iyo cabashooyinka ay qabaan.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa madaxda xafiiska xajka ku adkeeyay in si hufan oo wanaagsan loogu adeego xujeyda Soomaaliyeed, isla markaana la xaqiijiyo daryeelka iyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Magaalada Madiina waxaa sanadkan gaaray in ka badan 11,500 oo xujey Soomaaliyeed ah kuwaas oo gudanaya waajibaadka xajka. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa sanadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixineysay horumarinta adeegyada iyo daryeelka loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed ee ka kala imaanaya daafaha caalamka.

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa kulan miradhal ah la qaatay wakiilo ka socday ururada siyaasadda ee kala ah Towfiiq, Cadaaladda iyo Midnimda – TIIR, Waaberi, Sinnaanta iyo Cadaaladda (SINCAD), Talo Qaran iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ka qeyb galay doorashadii qofka iyo codka ahayd ee ka dhacday deegaannada Koonfur Galbeed.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dhammeystirka heshiis isbaheysi siyaasadeed ah oo ay wada gaareen urur siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP iyo ururada kale ee ka qeyb galay doorashadii golaha deegaanka iyo middii golaha wakiilada ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Gebagabada kulanka waxaan isku afgartay in ururadan siyaasadda ay taageeraan islamarkaana ay dhisaan musharaxa madaxweynaha ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, sidoo kalena si buuxda la isaga kaashado doorshada madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Cabdifitaax Xasan Afrax, Xoghayaha Urur Siyaasadeedka SINCAD ayaa Faahfaahin ka bixiyay isbaheysi siyaasadeed oo ay sameysteen inta badan ururadii ka qeyb galay doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka dhacday deegaanada Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yeman u fadhiya Soomaaliya, Mudane Faadil Cali Axmed Al-Xanak.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Fadl, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga soo jireenka ah, la-dagaallanka tahriibka, iyo arrimaha socdaalka, maadaama uu labada dal ka dhaxeeyo xiriir bulsho oo soo jiraan ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Yeman ay muddo dheer leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed, ganacsi iyo bulsho, kaas oo soo bilowday xilliyo fog, haddana ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sii xoojinta arrimaha amniga, ganacsiga, socdaalka dhanka dekadaha iyo cirka.

Danjiraha, oo ka mahadceliyey qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey guulaha Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee horumarka, amniga iyo dimuqraadiyadda , dhankoodana ay ku faraxsan yihiin jidka soo kabashada ee ay haatan ku socoto Soomaaliya.