Home Blog Page 694

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay guddoomiye ku-xigeennada Degmooyinka+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddoomiye ku xigeenada Degmooyinka Gobolka.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenada Amniga iyo Arrimaha Bulshada ayaa looga hadlay dardar galinta shaqooyinka degmooyinka iyo sidii loogu qidmeyn lahaa shacabka ku nool Caasimadda Muqdisho.

“Guddoomiyaha degmad waa howlo badanyahay cida amniga qaabilsan waxaa laga rabaa in ay isdhigan oo ay sii laba laaban nabadgalyada magaalada, arrimaha bulshada waxaa looga baahanyahay in ay ka warqabaan caafimaadka bulshada dagmadaas xaaladaha karoona iyo MCH inta ay la egyihiin dhamaan bahiyaha guud ee caafimaad, bulshad,a dhanka nadaafada degmada aad maamusho, bilicdeeda waa sidee Mas”uuliyad ayaa idinka saaran” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu dambeen kula dardaarmay Guddoomiye ku-xigeennada Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay shaqooyinka  ay hayaan  sii laba laabaan.

Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday nin watay boorso ay ku jiraan walxaha qarxa

0

June Todobadeedii ee sanadkan sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay sidii uu isugu Qarxin lahaa xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa ayna dhalisay baaris kadib in laga dhex helo boorsadiisa Jaakadda Qaraxa, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay maleeshiyada Al-Shabaab, waxa uuna Al-Shabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool sanadkii 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu qanciyay in uu naftiisa gooyo, isaga oo sii salfanaya bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakadda iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorsada wada jira ee Argagixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’adda Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad ee Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada cadeeyeen In eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen gaari dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  ujeedkiisa ahaa in uu isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay xarun ay degan yihiin ciidamo dharcad ah, laakiin tilmaamta cadeymaha ayaa muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha loo naxariisto Maadaama ay Al-Shabaab kaga faa’ideysteen aqoon la’aan iyo duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu rafcaan ku dalban karo muddo 30 cisha ah xukunka kadib.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamuulka Gobolka Gedo oo kormeeray xarumaha ciidamada qalabka sida+(SAWIRRO).

0

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ayaa maanta kormeeray xerada ciidamada xoogga ay kaga suganyihiin Degmada Doolow, halkaas oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.

Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah ciidamada ilaalada xuduudaha ee Soomaaliya, waxaana guddoomiyaha Gobolka Gedo oo soo booqday xarunta ciidamada ayaa ku bogaadiyay shaqada ay hayaan, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan waajibaadka ka saaran difaaca ciidooda Hooyo.

Guddoomiye Cismaan Nuur Xaaji Macalimu ayaa ayaa xusay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay mas’uuliyad adag ka saarantahay adkeynta iyo nabadgelyada gobolka, ayna ka hortagaan cidkasta oo dhibaato ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Ciidamadan oo dhawaan la geeyay Gobolka Gedo ayaa qorshahhooda yahay xoojinta Nabadgelyada iyo ilaalinta amniga xuduudaha.

Ayax aad u badan oo ku degey dhul beereedka degmada Xuddur+(SAWIRRO).

0

Beeraleyda Degmada Xuddur ayaa saaka waaberigii ku kalahay Beeraha oo ku waabaristay Ayaxa farabadan oo shalay galabtii ku soo degay,  kaa soo dhibaato ba’an u geystay dalagyadii kala duwanaa ee ay rajeynayeen beeraleyda inuu u soo go’o bilaha soo socda.

Majirto qaab looga hortagayo ama looga kiciyo Ayaxa dhulka uu ku soo degay, hase ahaatee beeralayda ayaa sameynayey isku dayo ay ku doonayeen inay Ayaxa kaga dulqaadaan beerahooda, kuwaasi oo ay ka mid ahayd in ay durbaan ku garaacaan, dab ku shidaan, ciid ku shubaan oo ku qayliyaan, taasoo waxba looga qaban karin mar hadduu Ayaxu ku dul dego beeraha.

Beeraleyda qaar ayaa dib isaga soo laabtay guryahooda, ka dib markii ay karaja beeleen dalagii beeraha ugu yaalay.

Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Koonfur galbeed ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa ayaa tilmaamay in  Ayaxa uu saameen ba’an ku yeeshay dalagii ka soo go’I laha beeraha.

Maamulka gobolka Bakool oo kormeerey  beeraha maanta uu ku degey Ayaxa oo warbaahinta lahadlay ayaa fariin u direy Madaxda dowlad gobleedka koonfur galbeed, dowlada Federaalka iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay u soo gurmadaan beeralayda gobolka oo sanadkaan intooda badan wixi ay tacbadeen uu latagay Ayaxa.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Daah furay Kulan ka doodis iyo soo bandhigid ah oo ku aadan Miisaaniyad Sanadeedka 2021+(SAWIRRO).

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid ayaa xarunta Madaxtooyada Galmudug ka daahfuray kulan ay soo agaasintay wasaaradda maaliyadda Galmudug kaasoo ku saabsan soo bandhigidda, iyo ka doodidda miisaaniyad sanadeedka 2021.

Kulanka oo lagu casuumay dhammaam wasaaradaha DGM, iyo Hay,adaha madaxa- banaan ee Galmudug Sida Garsoorka, Hanti- dhowrka, & Hay’adda shaqaalaha Rayidka,
Ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyey kutalagal sanad miisaaniyadeedka 2021 iyagoona dhinacyadu ay ku biiriyeen aragtidooda.

Wasaaradda maaliyadda Galmudug ayaa ku dadaashay helida hanaan maaliyadeed oo leh isla xisaabtan iyo hufnaan kaasoo la jaanqaadaya hab dhiska caalamiga ah ee maareynta maaliyadda Public Finance Management (PFM)

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Ciid ayaa ku amaanay wasaarada maaliyada Galmudug doorka aay ka qaadatay hanaanka maaliyadeed ee Galmudug sidoo kale waxa uu wasaarada maaliyada ku amray in wasaaradaha DGM, aay helaan miisaaniyada loo qoro si loogu fudeeyo howlaha wasaadaha DGM.

 

Barlamaanka Hirshabeelle oo meelmariyay waxka badalka muddo xileedka Barlamaanka iyo xukuumadda+(SAWIRRO).

0

Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 10-aad ee baarlamanka dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta ka qabsoomay caasimada Hirshabelle ee jowhar

Kulanka oo uu shir guddoominayey gudoomiyaha baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Mahad Xasan Cisman ayaa ajandahiisu ahaa U codeynta wax ka bedalka Mudo Xileedka Hay’addaha Ddastuuriga dowlad Goboleedka Hirshabelle maadama xildhibaanada wax ka badal ku sameeyeen Qodobada 33-Aad iyo 50-aad ee dastuurka dowlad goboledka Hirshabelle oo ka hadlaaya Muddada maarlamanka iyo madaxtooyada.

Xoghayaha guud ee golaha ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyey qodobada Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle oo Ka hadlaaya awoodaha Baarlamaanka dowlad Goboledka Hirshabelle

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamanka ayaa Xildhibaanada ayaa faah faahin ka siiyey qodobada dastuurka ee mudan in wax ka badalka lagu sameeyo

Intaas ka dib xildhibaanada ayaa gacan taag ku ansixiyey in Mudo xileedka Hay’addaha dastuuriga dowlad goboledka Hirshabelle oo awal ahaa 4 sano laga dhigo 5 sano.

Gudoomiyaha baarlamanka Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta,waxaana codeysay 70 xildhibaan iyadoo ay  ogolaatay 66 xildhibaan,waxaa diiday 3 xubnood halka 1 ruuxne uu ka aamusay.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyay Dalka Turkiga+(SAWIRRO).

0

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur  oo casuumad Rasmi ah ka heley dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Abdulhamit Gül  ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga.

Wafdiga ka socday dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen  Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, Garoose Saalax Sheekh Ibraahim oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda sare ee dalka Iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Cilmi Waasuge ,ayaa   waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ankara ku soo dhoweeyay Masuuliyiin ka socday wasaaradda cadaalada ee dalka Turkiga Iyo howl-wadeenadda Safaaradda Soomaaliya oo uu hogaaminayey Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid .

Wasiirka wasaaradda cadaaladda  xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan la yeelan doona dhigiisa wasiirka Cadaalada ee dalka Turkiga ayaa sheegay inuu kala hadli doono  xoojinta xiriirka labada wasaaradood iyo hormarinta arimaha Garsoorka iyo Cadaaladda.

Dowladda Soomaaliya oo heshiis Deyn_Cafin ah la saxiixatay Dalalka England, Denmark iyo Netherlands.

0

Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa ku saxiixay heshiis yada Deyn_Cafinta oo hore ay u soo saxiixeen masuuliyiinta dalalka ku bahoobay Naadiga Paris  “Paris Club”.

Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso ee sanadkaan 2020 kuwaasi oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,oo lacagta doolarka mareynkanka.

Sidoo kale heshiiska shirkaasi qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay.

Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan dowladood waa England, Denmark iyo Netherlands. waxaana ay gaareysaaa lacag dhan $69.9 million.oo doolarka mareykanka.

UK iyo France oo ku heshiiyay in la furo marinka badda ee u dhaxeeya kadib 48 saac oo uu xirnaa

0

UK iyo faransiiska ayaa isku afgartay in la furo xuduuda marinka badda ah ee u dhaxeysa taas oo xirneyd ilaa habeenkii Axada aynu soo dhaafnay.

Xoghayaha gaadiidka UK Grant Shapps ayaa sheegay in arbacada saakay ah ay bilaaban doonaan gaadiidka badda iyo cirka ee u dhaxeeyay Faransiiska iyo Britain .

Grant Shapps ayaa tilmaamay in dadka xuduuda ka talaabaya la baarayo ka hor inta aanay bixin.

2,800 gaari oo kuwa xamuulka ah ayaa ku xaniban gobalka Kent ee UK kuwaas oo sugaya in ay u gudbaan dhanka faransiiska .

Dekada magaalada Dover oo maraakiibta ay ka qaadaan gaadiidka ayaa waxaa iyana buuxa gaadiid iyo maraakiib badan oo xayiraadu qabsatay.

Malatariga iyo shaqaalaha waaxda caafimaadka ee NHS ayaa xarumo karoonaha lagu baaro ka sameysan doona gobalka Kent si ay u fududeeyaan baaritaanka dadka doonaya in biyaha English Chanel talaabaan oo dhanka faransiiska aadaan.

Faransiiska ayaa ka mid ahaa in ka badan 40 dal oo xayiraad saaray UK kadib markii laga helay nooc karoonaha ka mid ah oo si lixaad leh u faafa.

24- saac ee la soo dhaafay waxaa UK ugu dhintay xanuunka karoonaha 691 waana tiradii ugu badneyd marka loo eego afartii isbuuc ee ugu danbeysay

Waddada Ceel Daahir-Ceerigaabo oo laami la Saarayo+(SAWIRRO).

0

Dhismaha Mashruuca isku tashi ee waddada Ceel Daahir-Ceerigaabo oo socotay sanooyin kala duwan ayaa maraysa wajigeedii gabagabada oo ah laaami saarkii waddadaani, waxaana xariga ka jaray Laami saarista waddadaani muhiim ka ah Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash oo maalmihii danbe ku sugnaa Gobalka Bari oo ay weheliyaan Guddiga gaarka ah ee Puntland u xilsaartay dhismaha iyo Dhammaystirka waddada Ceel Daahir Ceerigaabo.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ayaa bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda Howlaha Guud, Guddigii ka shaqeynayay dhismaha waddada iyo guud ahaan dadweynaha reer Puntland oo ka wada qeyb qaatay, wuxuuna muujiyay in Puntland ay muhiimad gaar ah u leedahay dhammastirka waddadaani.

Laami saarka waddada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa bilow u ah in laga guul gaaro mashruucan, oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo deegaannada Puntland.

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland ayaa xusay in Puntland ay ka Go’antahay dhammays tirka Dhismaha waddadaani sida ugu dhakhsiinyaha badan, waana waddo isku xiri doonta degmooyinka kala duwan ee iyo Goballada Puntland.