Home Blog Page 695

Wasaaradda Biyaha DFS oo biyo dhaamin u sameysay qoysas barakacyaal ah+(SAWIRRO).

0

Wasaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS oo kaashaneeysa Hay’adda UNICEF ayaa bilaawday biyo dhaamin loo sameeynaayo qoysas barakacayaal ah oo ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha dalka ka dhacay.

Qoysaskan oo ku sugan gobolada Gedo, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir ayaa waxaa ay yihiin kuwa danyar ah oo aan haysan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha DFS Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa sheegay in ay Wasaaradda sii wadi doonto caawinta dadaka duruufaha adag wajahaya ee ka bara kacay fatahaadaha wabiga iyo daadaka.

Ilaa 5,000 qoysas ah ayaa ka faa’iidaysanaya biyo dhaaminta oo hadda socotay muddo labba todobaad ah waxa ayna sii socon doontaa illaa 6 da Janaayo 2021.

Qoysaskaan oo baahi badan u qabay biyo nadiif ah ayaa u mahadcaliyay
Wasaaradda iyo UNICEF.

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday dhaawacyada Qaraxii argagixiso ee Gaalkacyo+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cabaas Amiin ayaa waxay booqdeen ciidamadii ku soo dhaawacmay weerarkii argagixiso ee Gaalkacyo, kuwaas oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Ordogan Ex-Digfeer ee Muqdisho iyo isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu horeyntii xaaladda ciidamada iyo saraakiisha lagu dabiibayo isbitaalka, waxa uuna ka xogwareystay agaasimaha isbitaalka Ordogan, waxaana uu masuuliyiintii booqday uu u sheegay in gurmad caafimaad oo aad wanaagsan loo fidiyay , iminkana xaaladoodu tahay mid wanaagsan.

Intaas ka dib Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mid mid u booqday bukaanada, isagoo u rajeeyay caafimaad taam ah.

“Dowladiina iyo shacabkiinaba waa idiin ogyihiin in naftiina aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina, si dhaw ayaan ula socon doonnaa xaaladiina caafimaad, qarankiina marna idinma dayici doono ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee dalka.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhaawacyada aan xaladooda caafimaad dalka waxba looga qaban karin ay Dowladda Soomaaliya baxnaano caafimaad oo dibadda ah ay u qaadi doonto.

Qurbo-joog soomaaliyeed oo lagu abaal mariyay taakuleyn ay u sameeyeen qoyasas dan-yar ah.

0

Dhallinradan oo ku  nool waddamo ku kala yaalla qaaradaha Yurub iyo waqooyiga Ameerika ayaa waxaa ay ka soo jeedaan xaafadda Towfiiq oo ka tirsan Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadi,waxaanay ku muteysteen abaal-mrinnadan la guddoonsiiyay,howlo dhinaca samo-falka ah oo ay ka qabteen magaalada  gaar ahaan qoysaska ka soo jeeda xaafadda towfiiq.

Mid ka mid ah dhallinyaradan qurbo joogta ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Shiikh ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho,kaasoo si weyn loo soo dhaweeyay isla markaana loo qabtay xaflado lagu maamuusayo waxqabadkooda iyadoo mid ka mid ah xafladahaasina  lagu guddoonsiiyay abaalmarinnada.

Maxamed Axmed Shiikh oo ka hadlay xafladii isaga iyo asxaabtiisii kale lagu guddoonsiinayay Abaalmarinnada ayaa sheegay in arrintani ay dhiirri gelin weyn u tahay isaga iyo asxaabtii kale uu ka yimidba,isagoo ballan ku qaaday iney sii laban-laabi doonaan howlahan Samo-falka  ah ee ay u hayaan dadkooda soomaaliyeed.

Lataliyaha duqa magaada Muqdisho ee dhanka arrimaha siyaasadda iyo dhaqanka Garaad Cabdiqani Nuur Xasan oo isaguna ka mid ahaa mas’uuliyiintii maamulka gobolka ka socotay ee xafladdan ka qeybgalay ayaa sheegay iney arrintani tahay mid dhiirri-gelin iyo ku dayashaba mudan isgoo ammaanay dhallinyrada qurbo joogta ah iyo kaalinta  wanaagsan ee ay qaadanayaan.

Xanuun cusub oo ka mid ah Corona oo laga helay UK.

0

Guddiga xaaladaha deg dega ah ee dalka UK ee loo yaqaan Cobra, ee uu hogaamiyo Ra’isulwasaaraha  dalkaasi ayaa yeelanaya maanta oo isniin ah kulan gaar ah oo diirada lagu saarayo nooc cusub oo ka mid ah xanuunka Corona  oo laga helay gudaha dalkaasi Ingriiska.

Feyraskan oo si lixaad leh ku faafaya  qeybo badan oo ka mid ah UK ayaa sababay in la soo saaro xayiraado kale oo hor leh.

Guddiga Cobra ayaa waxaa horyaala arrimo ay mid yihiin qaabka faafida cudurka looga hortagayo iyo sida loo wajahayo waddamo badan oo mamnuucay duulimaadyadii ay ku tagi jireen ama ka imaan jiray UK.

Dalka faransiiska ayaa xiray surinka biyaha ee English Chanel oo ay isaga gooshaan maraakiibta iyo doonyaha sida xamuulka kala duwan.

Faransiisku waxay sheegeen in ay hakiyeen dhamaanba safaradii UK kaga  imaan jiray  48 saac, si loo xakameeyo xanuunkan cusub ee ka dilaacay gudaha dalkaasi.

Sidoo kale waxaa joogsaday isu socodkii tareenka dheereeya ee badda hoose mara ee Euro star kaas oo isku xiray UK  iyo Yurub inteeda kale.

Xeer illaalinta Qaranka oo soo geba gabeysay baarista Gal dac-wadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH.

0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH oo dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday inay Dalka ka shaqayso.

Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay dacwadda hay’addaan dhawaan ay u gudbin-doonan Maxkamadda gobolka Banaadir si ay u qaado tallaabooyinka ku habboon ee sharciga ah.

SAHAN oo dowladda Soomaaliya ay horay  ugu eedaysay fal danbiyeedyada liddi ku ah qaranimadda Soomaaliya, faragalinta siyaasadda dolwadda Curyaaminta haylkalka dowladdnimo, faafinta siraha amniga dalka iyo qodobo kale waxaa iska leh Matt Bryden oo mar madax ka so noqday kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Gudiga xaaladaha deg dega ee dalka UK ee Cobra oo maanta yeelanayo kulan gaar ah oo diirada lagu saarayo nooc cusub oo ka mid ah karoonaha oo dalkaasi laga helay..

0

Gudiga xaaladaha deg dega ee dalka UK kaas oo loo yaqaan Cobra oo uu hogaamiyo ra’isulwasaaraha ayaa yeelanaya maanta oo isniin ah kulan gaar ah oo diirada lagu saarayo nooc cusub oo ka mid ah karoonaha oo UK laga helay.

Feyraskan oo si lixaad leh ku faafaya ayaa sababay in la soo saaro xayiraado kale oo hor leh

Gudiga Cobra ayaa waxaa horyaala arimo ay mid yihiin qaabka faafida cudurka looga hortagayo iyo sida loo wajahayo wadamo badan oo mamnuucay duulimaadka UK ka imaanaya.

Dalka faransiiska ayaa xiray surinka biyaha English Chanel oo ay isaga gooshaan maraakiibta iyo doonyaha sida gaadiidka xamuulka .

Faransiisku waxay sheegeen in ay hakiyeen gaadiidka UK ka imaanaya 48 saac

Sidoo kale waxaa joogsaday tareenka dheereeya ee bada gunteeda hoose mara ee Eurostar kaas oo isku xira Yurub iyo UK.

Weerar gantaalo loo adeegsaday oo lagu qaaday safaarada Mareykanka ee Ciraaq

0

Weerar gantaalo ah ayaa lagu qaaday safaarada mareykanka ee ku taala magaalada Baqdad ee xarunta dalka Ciraaq.

Warbixin ay soo saareen ciidanka ciraaq ayaa lagu sheegay in sideed gantaal lagu riday safaarada oo ku taala aaga cagaaran ee sida aadka ah loo ilaaliyo .

Safaarada mareykanka ee ciraaq ayaa xaqiijisay iyaduna weerarka waxay sheegtay in la howl galiyay hanaanka difaaca ee gantaalada hawada ku burburiya kaas oo safaarada ku yaal.

Majiraan wax qasaaro ah marka laga reebo bubur yar oo gaaray qeybo ka mid ah dhismaha sida safaaradu sheegtay.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo bisha soo socota iraaniyiinta iyo qolyaha la jaalka ah ee ciraaq ku sugan ay xusayaan sanad guurada koowaad ee dilka sarkaalkii reer Iran Qassem Soleimani kaas oo 3 Janaayo ee sanadkan lagu dilay Ciraaq

Belgium iyo Holand oo COVID-19 dartiis u mamnuucay duulimaadka ka imaanaya UK

0

Tiro kamid ah dalalka Midowga Yurub ayaa ka fekireya sidii xariyaad u saari lahaayeen dadka uga imaanaya dalka UK si looga hor tago faafitaanka cudurka coronavirus.

Dalalka Holand iyo Belgium waxay joojiyeen duulimaadyada uga imaanaya dalka UK, sidoo kale Belgium waxaa laga xayiray tareenada.

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa sheegay in xukuumaddiisu joojisay duulimaadyada, iyadoo dalalka France, Jarmalka iyo Ireland talaabo  taas lamid ah qaadeen si loo xakameeyo mowjadaha cusub ee safmarka corona.

Cudurka ayaa si deg deg ah ugu baahaya magaalada London iyo koofur bari gobolka England, ra’iisul wasaare Boris Johnson ayaa sabtidii soo saaray xayiraad affar heer ah taas oo loogu hor tagayo faafitaanka cudurka inta lagu jiro ciidda Masiixiga.

Ciyaartii furitaanka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo lagu kala adkaan waayay+(SAWIRRO).

0

Ciyaaraha kubadda cagta dowlad goboleedyada ee gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana lagu daah furay cayaartooyda u kala ciyaaraya  Galmudug iyo Banaadir.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaraha Soomaaliya, mudane Xamse Saciid Xamse, ayaa daah furay tartanka waxaana ku wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta, Cabdiqani Siciid Carab iyo qaar ka mida wasiirada maamul goboleedyada ee ciyaaraha.

Ciyaartii galabta dhex martay labada maamul goboleed ayaa waxay ku soo idlaatay bar-baro 2-2 ah.

Dhalinyaro araga naafo ka ah oo qalab soo saartay+(SAWIRRO).

0

Dhalinyarada araga naafada ka ah ee wax ka barta  jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xafiis wax loogu qabanayo  baahiyaha haysta dhalinyarada arag  la’aanta ah  iyo qalab loogu tala galay in uu u fududeeyo  dhalinyaradaasi baahiyaha gaarka qaba waxbarashada ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho

Dhalinyaradan oo si iskood ah isu xilqaamay ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan horumarinta iyo dhiira galinta dadka araga naafada ka ah ee iyo sidii ay ugu maarmi lahaayeen dawirsiga ayna u heli lahaayeen  Shaqooyinka ay helaan dhalinyada kale ee asaagooda ah wxa ayna ka codsadeen ganacsatada iyo dowladda federaalka Soomaaliya in la caawiyo .

Qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa  usoo jeediyay dadka araga naafada ka ah ee ku jira guryaha in la geeyo goobaha waxbarashada

Gudoomiyaha Uruka dhalinyarada araga naafada Soomalaiyeed Ibrahim Maxamed Cali ayaa ka warbixiyay baahiyaha ay qabaan dadka arag la,aanta ah.

Agaasimaha waaxda naafada maamulka Gobolka Banaadir Axmed  Xasan Warsame  ayaa sheegay in waaxda naafada Gobolka Banaadir ay wado dadaalo lagu hormarinayo naafada Soomalaiyeed.