Home Blog Page 693

Gabar Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigtay munaasabad lagu casuumay dadka ugu caansan dunida

The Met Gala – oo ah mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn dunida oo ay ka soo qayb galaan dad badan oo caan ah, ayaa waxa ka soo muuqatay Imaan Cabdulmajid oo ah haweenay Soomaali ah oo ku labisnayd dhar aad soo jiitay ka soo qayb galayaasha munaasabadda .

Munaasabaddan oo loo qabtay si lacag loogu aruuriyo Matxafka Metropolitan Museum of Art’s Costume Institute ayaa sanadkan dib loo furay ka dib markii la hakiyay sanadkii hore sababa la xiriira cudurka safmarka ee korona.

Iman Cabdulmajid waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho 25 July 1955-kii . waa gabdh dharka xayeysiiso, jilaa iyo ganacsato.

Jaamacadda Carabta oo doorashooyinka Soomaaliya u ballan-qaaday taageero maaliyadeed

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku tilmaamay shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 September mid miro dhal ah, iyadoo looga dooday ajandaha ah in dhaqaale lagu taageero doorashooyinka Soomaaliya, Arrinta Falastiin, xaaladihii ugu dambeeyay wadamada Suuriya, Yemen, Liibiya iyo Lubnaan, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono inay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ee walaalaha ah ay ugu fadhido Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha jira.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn sanadihii la soo dhaafay, balse ay weli u baahan tahay taageerada walaalaheeda Carbeed si loo horumariyo, dibna loogu dhiso hey’adaha dowladda, loona sii wado hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh ee ku suntan kor u qaadista qiyamka dimuqraadiyadda, xukunka oo si nabadgelyo ah la iskugu xil-wareejiyo iyo qabashada doorashooyin (iyadoo doorashada Aqalka sare ay bilaabatay , waxaa xigi doona doorashada Golaha Shacabka, kadibna doorashada Madaxweynaha) , iyo sidoo kale taageeridda hey’adaha dawladda, dib-u-dhiska dalka, deyn cafinta, iyo maalgelinta qeybaha muhiimka ah sida xoolaha, beeraha iyo kaluumaysiga.

Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada.

Markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, Soomaaliya waxa ay bixin doontaa lacagta ugu badan ee doorashooyinka baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha, iyadoo dalalka reer galbeedka ay bixiyeen 7.7 milyan oo doolar oo ay soo marsiiyeen Qaramada Midoobey, halka lacagta laga uruurin doono musharrixiinta lagu qiyaasay 8.2 milyan oo doollar, taas oo ka dhigaysa Soomaaliya inay bixiso lacagta ugu badan ee miisaaniyadda guud ee loo qoondeeyay doorashooyinka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal labo dhinacle ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka ay habka fogaan aragga uga qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

MADAXWEYNE DENI OO GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN U MAGACAABAY DEGMADA QARDHO

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12ka September 2021, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qardho iyo Magacaabid Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka  Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garawsaday: In ay dhamaatay muddo xileedka Golaha Deegaanka Degmada Qardho

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartididooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala direy Golaha Deegaanka Degmada Qardho

2. Waxaa Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qardho.

3. Waxaa Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Qardho.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Ciidanka Danab oo howlgalo ka wada deegaano hoos yimaado Degmada Jalalaqsi

0

Ciidanka Danab ayaa howlgalo kala duwan ka wada deegaano hoos yimaado Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Howlgaladaan ayaa u jeedka waxaa uu yahay sidii maleeshiyaadka looga sifayn lahaa wadooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaado Degmooyinkaasi.

Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa uu ka socdaa wadada laamiga ee ka timaado Magaalada Muqdiaho.

Saraakiisha howlgalada hogaaminaayay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidanka ka go’an tahay in dhamaan degaanada ay ka saaraan deegaanadaasi.

Alshabaab ayaa mudooyinkaan waday weeraro ay ku dhibaataynayaan dadka shacabka ah ee reer miyiga ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble  oo qaabilay wafdi  ka socday QM “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo Magacaabay Agaasimaha guud ee Warbaahinta

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ilyas Cali Nuur ayaa Magacaabay Agaasimaha guud ee Warbaahinta Koonfur Galbeed , Tafatiraha Guud iyo Agaasime Waaxeedyo Kale.

Halkan ka aqriso

 

Guddiga heer Qaran ee xaqiijinta qoondada haweenka oo kulan yeeshay odayaasha Dhuusamareeb “SAWIRRO”

0

Guddiga heer Qaran ee u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug kulan kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

Kulankan oo ay ka qayb galeen, Guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, wasiirka Haweenka Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe,  Guddoomiyahaoomiyaha guddiga haweenka iyo xuquuqul aadanaha Baarlamaanka Galmudug, Farxiya Cabdulahi Sheikh Doon iyo guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Galmudug Saacid Axmed jaamac ayaa diirada lagu saarey sidii odayaashu u sugi lahaayeen qoondada haweenka ee ka qayb galkooda ergooyinka iyo xildhibaannadaba.

Ubax xuseen dhiblaawe Wasiirka haweenka Galmudug ayaa odayaasha dhaqanka kaga mahad celisay kasoo qaybgalkooda kulankan.

guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Galmudug Saacid Axmed Jaamac ayaa goobta ka balan qaadey in ay ilaalinayaan qoondada haweenka isla markaana hubin doonaan in beeluhu haweenka siiyeen  qoondadooda ugu yaraan 30%.

Axmed Xasan Sadiiq oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddoomiyaha Guddiga ahna Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ugu dambeyn odayaasha Soomaaliyeed u diray baaq adag.

MUDANE CABDISACIID MUUSE CALI OO LA WAREEGAY XILKA AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA QARANKA “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Ku-xigeenka Agaasimaha Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasime Cabdisaciid Muuse Cali oo horey u ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilka Ku-simaha Agaasimaha Guud.

Dhankiisa, Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay dib u habeynta ballaaran ee uu ku sameeyey hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo munaasabadda ka qayb galay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtoyada iyo kobcinta tayada shaqaalaha.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Labada Agaasime waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Madaxweynaha, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska.

Wasiirka Maaliyadda iyo Wakiilka Qaramada Midoobe oo ka wada hadlay dhaqaalaha Doorashooyinka

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb James Swan oo ku booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in kullankooda ay diiradda ku saareen arrimaha dhaqaalaha Doorashooyinka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada Dowladda ee kobcinta Dakhliga gudaha.