Taliyaha Ciidanaka booliska maamulka Puntland oo maanta gudoomiyey shir Amniga gobolka Nugaal looga hadlayey.

Date:

Taliyaha Ciidanaka booliska maamulka Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi oo maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amni ee gobolka Nugaal.

Shirka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha gobolka Nuugaal,Taliye ku xigeenka Qaybta gobolka,Taliyaha ciidanka birmadka,taliyaasha Saldhigyada Garowe iyo saraakiisha booliska Gobolka Nugaal.

Shirka Waxaa Looga Hadlay Amniga Guud Ee Gobolka Iyo sidii loo xoojinlahaa howlgalada amni ee socda iyadoo diirada lagu saaray xogwaranka amniga guud ee caasimadda Puntland.

Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa saraakiisha mid mid uga dhagaystay shaqooyinka amni ee la qabtay iyo xaaladaha dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Taliyaha ayaa saraakiisha uga mahadceliyay doorka amni ay qaateen iyo shaqooyinka baaxada leh ay ka qabteen guud ahaan gobolka Nugaal isagoo ku booriyay in ay halkaas ka sii wadaan si guul lataaban karo looga gaaro cidkasta oo lid ku ah amniga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...