Ciidamada xooga dalka oo la wareegay deegaano hoostaga degmada Matabaan .

Date:

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska GorGor ayaa maanta la-wareegey fariisimo cusub oo ay Argagaxisadda al Shabaabka ka go’doomin jireen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga.

Deegaanada howlgalada qorsheyshan Ciidamada ka sameeyeen waxaa ka mid ah. Labi ceebad, Bacaha, Beergadiid, Xodale, Xajiin farayar, laasaban iyo Coomaad deegaanadaas oo dhamaantood u dhaxeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.

Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee GorGor Dhamme Jamaal Cilmi Aadan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Maleeshiyaadka Al Shabaab isaga career Tuulooyinka Ciidanku Howlgalada kasameyeen.

Taliyaha ayaa intaas ku daray inay Howlgalkoodu uu yahay mid sii socon doona illaa Argagaxisadda ka saaraan meelaha ay ku dhuumaaleystaaan ee gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...