Home Blog Page 685

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay gurigiisa+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  Maanta muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay gurigiisa.

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa muddo 30 sanno ah gurigiisa xoog looga heystay ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana maanta dib ugu celiyay maamulka gobolka banaadir .

Maamulka gobolka Banaadir  ayaa sheegay in aan la aqbali  doonin in magaalada Muqdisho gudaheeda guryaha  la iskaga baado,waxa uuna bulshada ugu baqaay cidkastaa oo guri si sharci daro ah ku heysato in ay ku wareejiso shaqsigii lahaa.

 

Ra’iisul wasaaraha XFS oo maanta booqosho ku tagay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Booqasho ku tagay Xarunta dhexe ee Wasaardda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafmaadka  Dr. Axmed Macalim Xuseen, Agaasimayaasha iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa si wadajir u ah usoo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mid mid u booqday xafiisyada ay shaqaalaha Waasaaraada ku shaqeeyaan isagoo bogaadiyay Shaqada ay u hayaan umadda Soomaaliyeed iyo Dhabar adeygii ay u muujiyeen la dagaalanka caabuqa Covid19 iyo joogteynta Adeegyada Guud ee Caafimadka bulshada .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii ku dhiiri galiyay shaqaalaha iyo Madaxada wasaaradda inay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Xubno ka tirsan TPLF oo maxkamad la hor keenay maanta.

0

20 xubnood oo ka tirsan kooxda TPLF kuwaas oo dhawaanta ciidanka itoobiya ay ka soo qabteen gobalka Tigray ayaa maanta la keenay maxkamad.

Xubnahan ayaa waxaa ka mid ah Sebhat Nega oo ah 86 jir ka mid ah dadkii dhisay TPLF iyo Abay Woldu oo ah madaxweynahii hore ee ismaamulka Tigreega.

Dacwad oogaha ciidan booliska itoobiya ayaa sheegay in xubnahan loo heysto danbiyo ay ka mid yihiin weerar lagu qaaday ciidanka federaalka iyo gobood falyo kale oo daran.

Booliska waxay maxkamada ka dalbadeen 14 cisho oo ay baaritaanka ku dhameystireen taas oo ay maxkamadu aqbashay.

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo agab caafimaad gaarsiisay isbitaalka magaalada Gaalkacyo+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda caafimaadka maamul goboleedka Galmudug ayaa agab caafimaad gaarsiisay isbitaalka weyn ee magaalada Galkacyo ee xaruunta Gobolka Mudug kaas oo si lacag la’aan ah ku ugu shaqeeyo bulshada deeggaanka ,wasaaradu ayadoo ka duuleyso baahiya ay u qabaan dadka deegaanka ayeey dadaal xooggan galisay  sidii loo tayeyn-lahaa adeegyada caafimaadka .

Madasha wareejinta agabkaan ayaa waxaa goob-jog ka ahaa gudoomiyaha gobalka Mudug, duqa dagmada Galkacyo, isku duwaha wasaarada caafimaadka ee gobalka, agaasimaha isbitaalka iyo wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr Mahad Caabi Ciise,waxaana ugu horeyn goobta Ka Hadlay agaasimaha isbitaalka Dr Maxamed Cabdi Axmed asigoo sheegay Baahida uu bIsbitaalka u qabay agabkaan lasoo gaarsiiya.

Sidookale duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale Iyo guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa iyaguna bogaadiyay dadaalka wasaarada caafimaadka Galmudug ee la xariira xoojinta wax ka qabshada baahida adeegyada Caafimaadka ee gobalka Mudug .

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka maamulka galmudug Dr Mahad Caabi Ciise ayaa ka wrabixiyay qalabkaan ay maanta soo gaarsiiyeen isbitaalka magaaladda Gaalkacyo iyo dadaalada ay waddo wasaaradda caafimaad Galmudug.

 

Ciidanka Xoogga dalka oo Howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab kawada Jubbada Hoose.

0

Ciidamada Xoogga dalka oo ay wehliyaan kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay deegaanno dhawaan laga saaray Al-Shabaab oo kaabiga ku haya degmada Jamaame ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga deegaanaadaas.

Taliyaha Ururka 56-aad Guutada 11-aad, qeybta 43-aad oo markii uu howlgalka soo gabagaboobay la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo dadka dhibaato ba’an ku hayay, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyay in howlgalka uu sii socon doono inta laga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo argagixisada mararka qaar si dhuumaaleysi u yimaadaan.

Shirka looga hadlayo horumarinta Xoolaha oo ka furmay Magaalada Jigjiga.

0

Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida waxaa ka furmay kulan ku looga hadlayo dhaqashada iyo horumarinta Iyo kheyraadka geela.

Ujeedada kulanka loo qabtay ayaa ah sidii looga faai’deysan lahaa manaafacaadka geela oo ah mid deegaanada soomaalida caan ku yihiin, waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa dhisidda xarun cusub oo loogu talo galay kheyraadka Geela.

Labo iskuul oo uu maalgaliyay xafiiska marwada ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa laga furay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka soomaalida itoobiya .

Iskuuladan oo ah kuwa sare ayaa waxaa si wada jir ah xariga uga jaray marwada koowaad ee itoobiya Zinash Tayachew iyo madaxweynaha ismaamulka Soomaalida itoobiya Mustafa Maxamed .Cagjar

Dhismaha iskuuladan oo socday mudo sanad ah waxaa ku baxay qarash 26 malyuun oo lacagta birta itoobiya ah .

Iskuuladan aya waxaa dhigan kara 1,800 arday waxaana loo dhaleyatiray dhamaan waxyaabaha daruuriga u ah waxbarashada.

 

Madaxweynaha Koofur galbeed oo Saakay ku wajahan Magaalada Xudur.

0

Madaxweynaha dowlada goboleedka koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa la filiyaa inuu goor dhaw gaaro magaalada xudur ee gobolka bakool halkaasi oo ay ka taagan yihiin xaalad bini’aadanimo.

Wafdi hor dhac u ah ayaa shalay gaaray xudur waxaa ula jeedada ay utagaan ay tahay sidii wax loo qaban lahaa xaalada cakiran ee ka jirta xudur.

Maleeshiyaadka al-shabaab ayaa go’doomiyay dhammaan wadooyinka soo galo magaalada waxaana taasi ay sababtay inay gabaabsi noqdaan waxyaabaha qutul daruuriga u ah nolshada bulshada gaar ahaa Raashinta ,Shidaalka iyo adeegyada caafimaadka.

Sidoo kale waxaa sare ukacay qiimaha la kala siisto raashinka oo gaaray afar laab inta hore loo iibin jiray waxaana ka dhashay dhibaatooyina soo food saaray bulshada ku nool degmada xudur ee gobolka Bakool.

 

Ciyaartoyda Koofur Galbeed oo xalay loo sameeyay casho sharaf+(SAWIRRO).

0
Xalay magaalada Baydhabo, waxaa lagu qabtay casho sharaf loo sameeyay xulka kubadda cagta ee Koofur Galbeed ee dhowaan ka qeybgalay tartankii Muqdisho lagu qabtay ee u dhexeeya ciyaartoyda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Koofur Galbeed, C/casiis Lafgareen, ayaa ka qeybgalay cashada lagu maamusay xulka kubadda cagta.
Cashada sido kale, Waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha barlamaanka ku Xigeenadiisa Wasiiro Xildhibaano Agaasimiyaal iyo marti sharaf lagu casuumay Xafladda.

Banaanbax lagu dalbaday wax ka qabashada go’doominta saaran wadooyinka soo gala Xuddur oo ka dhacay degmada “SAWIRRO”

0

Boqolaal dadweyne oo u badan  ardayda wax ku barata dugsiyada magaalada Xuddur iyo maamulka Iskuulada  ayaa ka qeyb galay baanaanbaxaan oo lagu dalbaday in si deg deg ah wax looga qabto wadooyinka AIshabaab marwalba ay ku gubaan hantida shacabka iyo in gargaar bani’aadanimo lala soo gaaro barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee xaaladooda nololeed aad uliidato.

Qeybaha kala duwan ee banaanbaxa ka qeyb galay ayaa waxa ay socod dheer ku mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada, waxana ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku dal-banayeen in jidadka xiran loo furo.

Banaanbaxa oo si nabad gelyo ah ku dhamaaday ayaa waxa ugu dambeyn warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah bulshada magaalada Xuddur.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda ADRA ee Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa maanta xarunta Wasaaradda Waxbarashada kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda ADRA ee Soomaaliya Ahmed Santur Guled.

Kulanka uu qeyb ka ahaa injineerka guud ee Wasaaraadda Waxbarashada Eng.Bashiir Axmed Maxamed ayaa intii uu socday looga hadlay dardargalinta dhismaha iskuullo hab casri ah looga dhisi doono dhammaan gobollada dalka si ardayda Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho dhameystiran.