Home Blog Page 685

Taliyaha Ciidanaka booliska Maamulka Puntland Oo xafiiskiisa ku qaabilay Madax kasocota Hay,ada UNODC.

Taliyaha Ciidanaka booliska Maamulka Puntland  Oo xafiiskiisa ku qaabilay Madax kasocota Hay,ada UNODC.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS oo sheegtay in 309 shirkadood oo sanadkaan 1443 Hijriya soo codsatay adeegyada xajka ay kasoo gudbeen 63 shirkadood oo buuxiyay shuruudihii looga bahnaa.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Cumar Cali rooble oo shir-jiraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in 309 shirkadood oo sanadkaan 1443 Hijriya soo codsatay adeegyada xajka ay kasoo gudbeen 63 shirkadood  oo buuxiyay  shuruudihii ay soo saareen  guddiga ay wasaaraddu u saartay tartansiinta shirkadaha daabulaya Xoojeyda Soomaliyed.

SAWIRRO:Madaxa gargaarka bini’aadannimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay iyo safiirro ka socda 5 waddan oo caalamka ah oo gaaray magaalada Jig-jiga.

0

Safiirrada wadammada Italy, Japan, Switzerland, Finland iyo Czech Republic oo ay weheliyaan madaxda hay’adaha UNICEF, USAID, FAO iyo IOM ayna hoggaaminayso Dr. Catherine Sozi, madaxa gargaarka bini’aadannimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga.

DHAGEYSO:Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo gaaray Dalka Tanzania iyo shir maanta halkaas ka furmaya.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay gaaray Magaalada daaru-salaam ee dalka Tansaaniya  .

DHAGEYSO:Ciidamada amniga Galmudug oo baadi goob ugu jira maleeshiyaad dad shacab ah dilal ugu geystay Gobolka Galgaduud.

Laamaha Amniga Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka galmudug ayaa Saakay Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay kawadaan deegaano katirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud oo Maleeshiyaad hubeysan dilal ugu geysteen dad Shacab ahaa.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABAY AGAASIME KU-XIGEENKA GUUD EE MADAXTOOYADA.

Muqdisho, May 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Ahmad Madoobe oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka aduunka ee IOM ee Soomaaliya.

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM ee Soomaaliya Frantz celestin .

SAWIRRO:Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tagay Madaxweyne Hassan sheikh Mohamud.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay.

 

Raisulwasaraha ayaa madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda .

SAWIRRO:Madaxweynaha Hiirshabelle oo kormeer dhanka amniga ah ku tagay deegaan Xebeedka Ceelmacaan.

Ceelmacaan: 23, May, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo agaasime cusub u magacaabay madaxtooyada Qaranka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982 waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka Phd-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.

DHAMMAAD