Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS oo sheegtay in 309 shirkadood oo sanadkaan 1443 Hijriya soo codsatay adeegyada xajka ay kasoo gudbeen 63 shirkadood oo buuxiyay shuruudihii looga bahnaa.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Cumar Cali rooble oo shir-jiraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in 309 shirkadood oo sanadkaan 1443 Hijriya soo codsatay adeegyada xajka ay kasoo gudbeen 63 shirkadood  oo buuxiyay  shuruudihii ay soo saareen  guddiga ay wasaaraddu u saartay tartansiinta shirkadaha daabulaya Xoojeyda Soomaliyed.

 

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Cumar Cali Rooble ayaa tilmaamay in markii hore ay xujeydu la kulmi jirtay dayacaad dhanka adeegga ah taas oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay iney kula xisaabtami doonaan shirkadaha aan si wanaagsan ugu adeegin xujeyda Soomaaliyeed oo daruufo badan kala kulmi jiray shirkadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...