DHAGEYSO:Ciidamada amniga Galmudug oo baadi goob ugu jira maleeshiyaad dad shacab ah dilal ugu geystay Gobolka Galgaduud.

Date:

Laamaha Amniga Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka galmudug ayaa Saakay Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay kawadaan deegaano katirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud oo Maleeshiyaad hubeysan dilal ugu geysteen dad Shacab ahaa.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa ay aanooyin qabiil laba qof oo Shacab ahaa ugu dileen degaan lagu Magacaabo Ceelasha biyaha oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Ballanbal ee Gobolka Galgaduud kadibna ay goobta ka baxsadeen

Ciidamada howlgalka wada ayaa waxaa hoggaaminaya mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale, waxaana ay sheegeen inay rajo weyn ka qabaan soo qabashada ragga dilalka u geystay labada ruux.

Wariyaha Warbaahinta qaranka ee degmada cabudwaaq Abdikariin ahmed bulxan ayaa kawaramaya howlgaladaan iyo xaaladaha deeganadii dilalka ay Ka dhaceen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...