Wafdi ka socda Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada oo kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed

Date:

Wafdi ka socda Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Howlaha Gargaarka iyo Horumarinta ayaa xalay  kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

 

Wafdiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay deeq raashin ah oo hay’addu u qaybisay 3000 oo qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

 

Deeqdan ayaa qayb ka ah Mashruuca Taageerada Sugnaanta Cunnada Dalka oo ay taageerayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqortooyada Sucuudiga, waxaana looga jawaabayay baahiyaha ka dhashay abaaraha baaxadda leh ee jira dalka.

 

Hay’adda Tadamun ayaa qayb weyn ka qaadatay dadaalada socda ee loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay, iyadoo mashruucan ka fulisay dhammaan dowlad goboleedyada DFS.

 

Ustaad Cismaan Abshir oo wafdiga hoggaaminayay ayaa sheegay in Deeqdan Raashinka ah ay isugu jirto Bur, Bariis, Sonkor, Saliid, iyo Baasto, qoys kastana la siiyay 67Kilogram.

 

Sidoo kale waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo wadashaqaynta dowladda qaybeheeda kala.

 

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Gargargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka DFS, Xarunta Boqor Salmaan iyo Hay’adda Tadamun dadaalka iyo taageerada ay la garabtaagan yihiin dadka Soomaaliyeed xilligan adag.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...