Ra’iisul-wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida allaha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

 

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.”

 

Cabdullaahi M. Shirwac ayaa ahaa xubin firfircoon oo bulshada rayidka ka tirsan , waqtigiisa iyo maskaxdiisana mar walba u hurayay horumarinta nabadda iyo abaabulka bulshada ee ku wajahan ka jawaabidda xaaladdaha deg-degga ah ee gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...