Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Date:

Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo  uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro, iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa gaaray Haatan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wafdiga Madaxweyne Hassan Sheikh Waxaa Dhuusamareeb ku soodhaweeyey si heer sare ah Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaaladas Ku nool.

Dad badan ayaa madaxeynaha uga hortagay garoonka diyaradaha magaaladaas.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta  aad loo adkeeyay , waxaana sidoo kale hareeraha waddooyinka la suray boorar uu ku dhegan yahay sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Waa Magaalo madaxdii labaad ee maamul goboleedyada dalka ka jira uu booqday Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud tan iyo markii 15kii Bishii hore la doortay.

Safarkii kan ka horeeyey ayuu madaxweynaha ku tagay Magaalada Baydhabo oo maanta ka soo kicitimay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...