Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beegan 2-da Juun.

Maalintan oo loogu magacdaray ( Italian Festa della Repubblica) waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii Jamhuuriyadda Talyaaniga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyadda xiligaasi uu lahaa dalkaasi, munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan XFS, diblomaasiyiin sare iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku hadlaayey magaciisa iyo kan madaxweynaha JFS ayaa dhambaal hambalyo ku aaddan maalintan la wadaagay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Taliyaaniga, asaga oo u rajeeyey in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...