Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta dib ugu Soo noqday Magaalada muqdisho.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu Soo noqday Magaalada muqdisho kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay dalka Turkiga.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa waxaa garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay madax kala duwan oo isugu jirtay Xildhibaano katirsan BFS, Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada Degmooyinka.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu Warbaahinta kula hadlay qeybta V.I.P isagoo ka warbixiyay heshiishkii ay wada gaareen Dowlada Hoose Konya ee dalka Turkiga iyo Dowlada Hoose ee Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...