Maamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya Iyo Maamulka Puntland oo iska kaashanaya Arimaha Amniga iyo La dagaalanka Argagixisada.

Date:

Waxaa Gobolka Doollo ee ismaamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya socdaal ku gaaray wafti balaaran oo ka socda Maamul Goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waftigaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire oo ay wehelinayan Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Galkacyo ayaa ka qeyb galay Shir ay isugu yimadeen Dowlad degaanka Somalida ee Gobolka Doolo iyo Maamulka Puntland Shirkaas oo ka dhacay Degmada Bookh.

Halka dhanka Maamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya kulankaan ay u jogeen Maamulka Gobolka Doollo,Saraakisha Laamaha Amniga Gobolkaas iyo Masuuliyiin kale.

 

Labada maamul ayaa kawada hadley ka shaqeynta Amniga,Ganacsiga Waxbarashada,Caafimaadka,Fududeynta isku socodka shacabka iyo Gaadiidka,la dagaalanka iyo joojinta khamriga,qabashada dambiilayaasha usoo carara labada dhinac iyo ladagaalanka Argagixisada.

 

Ugu dambeyntii labada maamul ayaa u xilsaarey arrimahaan guddi kawada shaqeeya oo dardargeliya qodobadii ay kawada hadleen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...