Senetor Kobac oo boggaadiyey dadaalada Gargaarka lagu gaarsinayo Dadka Abaaraha ay saameeyeen.

Date:

Muqdisho-Juun-11-6-2022:Senetor Xasan iidoow kobac oo ka mid ah Mudanyaasha aqalka sare ee dalka ayaa ku  boggaadiyay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh uu dhawaan uu ku tagey Maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug taa uu ugu kuur galayay Madaxweyne xasan xaalaha deegaanada Mamuladaasi iyo sida ay abaaraha u saameeyeen.

Senetor kobac oo samafale ah ayaa sheegey in shaqsi ahaan uu doorkiisa ka qaadan doono isaga oo horeyna uga soo qaatey gurmadayada samafalka ah ah ee loo sameynayo dadka abaaraha ay saameeyeen.

 

“Waxaan ka shaqsi ahan aan gurmad gargaar kasoo sameyey gobolada hiiraan iyo bakool waana sii wadi doona gurmadkaasi aan ku caawineyno walaalaheen ay abaartu saameysey “ayuu yiri Snetor. xasan iidoow kobac oo la hadleyay warbaahinta qaranka ”.

Xasan iidow ayaa dhankale boggaadiyay dadaalada uu wado Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, isagoo sheegey in wax badan oo ka jira daruufa dalka uu wax badan ka bedeli doono.

 

 

Ugu dambeyn senetor Xasan iidow kobac ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqey in loo wada istaago u gurmashada iyo caawinta dadkaasi, isagoona uga mahaceliyay dadaalada dowladda ay wado iyo sidii dadkaasi gurmad loo gaarsiin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...