Home Blog Page 663

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Madaxda Waaxyaha Dakhliyada Dowladda Hoose ee Xamar “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan la qaatay Madaxda Waaxyaha Dakhliyada Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dakhliyada, si kor loogu qaado adeegyada loo hayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar daarmay Madaxda iyo Howlwadeenada Waaxyaha Dakhliyada inay labo jibaaraan howsha loo igmaday.

Shaaqalaha Wasaaradda Waxbarashada oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Agaasimaha Shaqada, Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarshadda, Hiidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Muuse Xoosh ayaa tababar u soo xiray shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarshada

Xafladda soo xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimyasha qorsheynta, Waxbarshadda dadban iyo Manhajka.

Tababarkaan oo socday muddo 4 maalin ah ayaa waxaa lagu baranayay xoojinta xirfadda shaqaalaha, taasi oo gacan ka geysaneysa kor u qaadista tayada shaqaalaha Wasaaradda Waxbarshada.

Qaar ka mid ah shaqaalihi tababarka loo soo xiray kana tirsinaa waaxyaha kale duwan ee Wasaaradda ayaa sheegay in ay wax badan ku barteen muddadii uu tababrka u socday, sidoo kale ay jeclaan lahaayeen in la badiyo tababarada noocaan oo kale ah.

Taliyaha booliska oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh “SAWIRRO”

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar oo ay weheliyaan Taliye ku-xigeenka iyo Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

Midowga Afrika oo Soomaaliya u soo magcaabay ergay kala shaqeeya arrimaha doorashooyinka

0

Midowga Afrika ayaa Madaxwaynihii hore Jamhuuriyadda Ghana John Dramani Mahama u soo magacaabay inuu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya kala shaqeyn doona Arimaha siyaasadda iyo Doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ku dhawaaqay magacaabidda ergayga cusub ayaa Mr John Dramani Mahama ku booriyay in uu si hufan u guto mas’uuliyadda loo xilsaaray, isagoo intaa ku daray in maalmaha soo socda uu soo gaari doono Soomaaliya.

 

 

 

Jadwalka Casharada Fogaan-darsiga ee Dugsiyada Hoose iyo Dhaxe oo laga baahinayo Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Warfaafinta ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay casharada Fogaan-darsiga ee Dugsiyada Hoose iyo Dhaxe, taasi oo  si maalinle ah looga baahin doono Radio Muqdisho iyo baraha arimaha bulshada ee Telefishinka Qaranka iyo Raadiyaha.

Munasaabadda lagu shaacinayey Jadwalka waxa goob joog ahaa Agaasimayaasha guud ee Labada Wasaaradood iyo Agaasimayaasha Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho.

Wasaaradda Waxbarashada Qaranka ayaa hindistay in Warbaahinta Qaranka laga siidaayo casharada Fogaan-darsiga oo waafaqsan Manhajka Qaranka, kadib xayiraadihii COVID-19 ee sanadkii hore sida uu sharxay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada  Maxamed Caabi Xasan oo tilmaamay in ardaydu ay baahi weyn u qabaan helidda casharada fogaan darsiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Xuseen ayaa ballanqaaday in Wasaaraddu doorkeeda qaadanayso si xiriir ahna casharadda looga tebin doono Warbaahinta Qaranka, kaasi oo ay si fudud ugu faa’iideysan doonaan dhamaan ardayda Soomaaliyeed.

Wasiirka Cadaaladda oo kulan afur ah u sameeyay Taliska ciidanka Asluubta “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur  ayaa saraakiil uu hogaaminayey Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan  iyo  kooxda Fanka ee Onkod Afur ugu sameeyey xarunta Wasaaradda

Kulankaan Afurka ayaa inta lagu guda jiray Wasiirka wxuxuu saraakiisha asluubta ka xogweraystay howlaha adage ee dalka iyo dadka u hayaan ciidanka asluubta, iyaga oo ugu waramay halka ay howshu marayso

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliyey la kulanka iyo afurka uu u sameyey saraakiisha uu ka mid yahay.

Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shaqo adag oo ah waajib Qaran ay ciidanka asluubta Soomaaliyeed u hayaan bulshada, isaga oo intaas raaciyey inay ciidanku mudanyihiin in lagu dhiiri geliyo shaqada ay hayaan.

Habeen ka hor ayey ahayd markii Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ay afur la yeesheen saraakiisha ku howlan Amniga magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jeddah

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Jeddah, isagoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka, si uu u soo Cumreysto.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa magaalada Jeddah ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaraddda Soomaaliya ee Dalka Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Madaxda boqortooyada Sacuudiga.

7 Carruur ah oo ku dhimatay guri ku yaala Buula Xuubeey oo uu roob ugu soo galay xalay “SAWIRRO”

0

Afhayeenka Booliska ayaa xaqiijiyay in 7 carruur ah ay ku geeriyoodeen guri ku yaala Degmada Wadajir kaddib markii ay biya ugu soo galeen guriga, kaasi oo ka dhashay roobkii xalay ka da’ayay magaalaga caasimadda ah ee Muqdisho.

7-da carruurta ah ee guriga ku geeriyootay ayaa saddex ka mid ah waxa ay ahaayeen isku hooyo, labo waa ay wada dhasheen halka labada kale ay ahaayee ka mid ahaayeen qaraabada reerka musiibada ku habsatay sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in qoyska ay mar dhaw dageen guriga biyaha ugu soo galay, kuwaasi oo kolkii hore biyo darteed uga soo barakacay xaafado kale oo ku yaala magaalada Muqdisho, balse ugu dambeyn gurigii ay maciin bideen ayaa waxaa ku qabsatay musiibo kale.

 

Dowladda Hoose ee Xamar oo shaqo ka qabatay dib u furidda isgoyska Miranaayo “SAWIRRO”

0

Iyada oo la fulinayo amarka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Waaxda Howlaha Guud ee Dowladda Hoose ee Xamar waxaay shaqa ka qabteen isgoyska Miranaayo oo malhaan u xirnaa.

Howlwadeennada Waaxda Howlaha Guud ayaa gebi ahaanba ka qaaday carradii la dhigay bariga magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Miranaayo, waxaana dib loo furay dhamaan waddooyinka magaalada.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u amba baxay Dalka Boqortooyada Sacuudiga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya si uu ugu soo cimreysto maalmaha yar ee ka dhiman bishan barakeysan ee Ramadaan, dalka iyo Soomaaliyeedna uu ugu soo duceeyo.

Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa sii sagootiyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nur (Jaamac)

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa sii wadi doono isku dubbaridka iyo diyaarinta shirka lagu ballansanahay yahay 20ka bishan May inuu ka furmo Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.