Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaas oo Guddomiyaha kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaarahan soo noq-noqday.
DAAWO:Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahey dalka Sacuudi Caraabiya oo Dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxweyne Hassan sheikh.
Dowladda Ruushka oo sheegtay in ay isku soo dhibeen ciidamo badan oo ukraine katirsan.
Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay toddobaadkan isu soo dhiibeen illaa 959 askari oo u dhashay dalka Ukraine, ciidankaas oo ahaa kii ugu dambeeyey ee ku sugnaa aagagga difaaca ee magaalada dekedda ah ee Maripul.
Raisulwasaare Mohamed Hussein Rooble oo caawa qaabilay Safiirka Masar ee soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz .
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa la kulmay Gudoomiye Cumar Fillish.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).
Guddoomiyaha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii uu dhawaan ku soo baxay ee ka dhacday dalka.
Waxaa kulanka ku wehliyay waxgarad iyo xildhibaano ka tirsan BJFS.

Taliyaha Ciidanaka booliska maamulka Puntland oo maanta gudoomiyey shir Amniga gobolka Nugaal looga hadlayey.
Taliyaha Ciidanaka booliska maamulka Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi oo maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amni ee gobolka Nugaal.

SAWIRO:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Gudiga Gaadiidka ee Bajaajka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Gudiga Gaadiidka ee Bajaajka Gobolka Banaadir.
Xarigjarka kadib ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish waxa uu kulan gaar ah la qaatay maamulka Gudiga Gaadiidka Bajaajka isagoo ka dhageestay warbixina kala duwan oo quseeya xaaladaha ay Bajaajka ku shaqeeyaan iyo sida ugu haboon ee loo hagaajin karo isticmaalka Wadooyinka maadaama tira ahaan ay yihiin kuwa aad u badan.


Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo la kulmay madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay maanta Ambassador James Swan.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee QM ee Soomaaliya Ambassador James Swan.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS .
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS Fiona Lortan iyo taliska Ciidammada ATMIS.
