Home Blog Page 662

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Gaaray magaalada Dooloow.

0

Wafdi ka socda heyada UNOCHA ee Qaramada Midoobe oo ay  hogaamineyso ku xigeen madaxa xafiiska Soomaaliya Cindy Isaac ayaa gaaray degmada Doolow ee gobalka Gedo.

Wafdiga ayaa la kulmay kooxaha samafalka , maamulka degmada & dadka deegaanka oo ey ka wareysteen adeegyada gargaarka iyo caqabadaha taagan.

Waxay booqdeen xarumaha caafimaad iyo wax barasho ee Qaramada Midoobe ay ka hirgalisay Dooloow.

Magaalada Dooloow waxaa ku yaala xeryo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah kuwaas oo u baahan gargaar dhinacyo badan.

Golaha Wasiirada XFS oo ansaxiyey Hindise-sharciyeedka sharciga Laysimada Ganacsiga Soomaaliya.

0

Golaha Wasiirada XFS, ayaa ansaxiyey Hindise-sharciyeedka sharciga Laysimada Ganacsiga Soomaaliya oo ah sharci muhiim u ah nidaaminta ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqda macaamilka kaasi oo muddooyinkii dambe ay ka shaqeynaysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya sidoo kale na soo maray la-tashiyo iyo marxaladihii kala duwanaa ee loo baahnaa.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo goob-joog ka ahaa ansaxintii sharciga, ayaa sheegay in sharcigani uu rasmi ka dhigayaayo ganacsiga, sidoo kale na uu kor-u-qaadayaa kalsoonida macaamilka isla-mar-kaana uu fududeynaayo hab-raaca codsiga iyo bixinta laysinka ganacsiga maadaama sharcigu ogolaanaayo in si onlayn (online) ahaan ah loo soo codsan karo laysinkana loo bixin karo.

Hindise-sharciyeedkan, ayaa qeyb ka ah dedaalada ay Wasaaraddu ugu jirto fududeynta ganacsiga Soomaaliya iyo siddii maal-gashadeyaaaha caalamku kalsooni uga heli lahaayeen inay wadanka maal-gashadaan, waxaana Golaha Wasiirada ka dib loo gudbin doonaa Baarlamaanka Soomaaliya oo isagu na waajibaadkiisa ka gudan doona.

 

Kumaandooska Soomaaliya oo duqeyn ku dilay 10 ka tirsan Al-shabaab

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidanka ARICOM ayaa duqeyn cirka ah u gaystay warshad Alshabaab leedahay oo qaraxyada lagu farsameeyo islamrkaana lagu kaydiyo oo ku taalay nawaaxiga Jilib
ee Soomaaliya.

Qiimayn hordhac ah ee la sameeyey ayaa tibaaxaysa in duqeynta lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan mintidiinta Alshabaab.

Warshadan ayaa caan ku ahayd soosaairidda qaraxyada ismiidaaminta ee ay
Alshabaab qaraxyada ku gaystaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka
Mareykanka ee AFRIKOM ayaa had iyo jeer qaada tallaabooyin wax ku ool ah oo looga taxadarayo waxyeello soo gaadha shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka
Alshabaab, taasoo aad uga duwan falalka argagaxa leh ee Alshabaab si aan kala sooc lahayn ula beegsan goobaha dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ku badanyihiin.

Hogaanka Alshabaab ayaa si cad u sheegay in ay ka go’antahay duulamadooda aan ku ekeyn Bariga Afrika ee ay waliba beegsanayaan Caalamka oo dhan, siiba Meelaha uu Mareykanka kaga suganyahay dunida.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykankuba way ka go’antahay la dagaalanka Alshabaab iyo ururada xagjiriinta ee kale si loo badbaadiyo shacabka aan waxba galabsan eel eh rag, dumar iyo carruur ee ku sugan Dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska.

Duqeyntan ayaa waxay Dowladda Soomaaliyeed ka taageereysaa ka takhalusidda
gaboodfalka Alshabaab iyo in mustaqbal ifaya loo helo dadka Soomaliyeed.

Wasiirka haweenka oo sheegtay in la dhisi doono guddiga qaran ee xuquuqul insaanka+(SAWIRRO).

0

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka, xukuumadda Soomaaliya, marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee  xuquuqda aadanaha oo ku beegan 10 December.

Munaasabadda waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka Soomaaliya oo kaashanaysa hey’addaha bahwadaagta yihiin, waxayna wasiirka ka sheegtay xafladda in sharciyo badan oo muhiim ah wasaaraddu gacanta ku heyso.

Wasiir Xaniifa, oo khubad ka jeedisay munaasabadda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay in ay ku biirto heshiisyada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xuquuqul insaanka oo hadda aysan qeyb ka aheyn.

“Dadaaladan waxay ka turjamayaan sida dowladda Soomaaliya ugu go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha gaar ahaan, haweenka, carruurta, naafada iyo dadka aan matalaadda laheyn,” ayay tiri wasiir Xaniifa.

“Wasaaradda haweenka… hadda waxay gacanta ku heysaa.. sharciga qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya, sharciga jinsiga, sharciga gudniinka gabdhaha, sharciga carruurta iyo dhismaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka,”.

Wasiirka haweenka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim, sidoo kale sheegtay in ay ku dadaalayaan sidii dadka naafada ah qeyb ugu noqon lahaayeen hanaanka doorashada dalka, isla markaana u heli lahaayeen tiro u gaar ah.

Ugu dambeyn, wasiirka haweenka ayaa sheegtay in ay xooga saari doonaan sidii doorashada qeyb ugu noqon lahaayeen haweenka iyo dadka naafada ah.

Hal ku dhegga sanadkan ee xuska 10 December 2020, ayaa ah ka soo kabasho wanaagsan cudurka corona u istaag ilaalinta xuquuqul insaanka.

AMISOM oo agab Sport ugu deeqday wasaaradda dhallinyarada Jubaland+(SAWIRRO).

0

AMISOM ayaa qalab isboorti oo loogu talo galay dhalinyarada ciyaaraha ugu deeqday kooxaha kubada cagta ee ka jira magaalada Kismaayo.

Deeqdan oo ka kooban dharka ciyaaraha, koobab, kubbado iyo agab kale ayaa waxaa guddoomay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamul goboleedka Jubbaland Cusmaan Xaaji Feyruus.

Wasiirka oo ka hadlay munaasabad deeqda lagu wareejinayay ayaa tilmaamay muhiimada ciyaaruhu u leeyihiin xoojinta midnimada,dib u heshiisiinta iyo nabada deegaanka.

Col. Samuel Musomi oo ka tirsan ciidanka AMISOM isla markaana deeqda wareejiyay ayaa sheegay in ay jirto baahi ah ka qeyb galka AMISOM arimaha horumarinta dhaqan dhaqaale ee bulshada sida taageerida dhalinyarada iyo bulshada si la isku dhax galo.

Maxkamadda ICC oo joojisay gal dacwadeed ka dhan ahaa ciidanka UK.

0

Xeer ilaaliyaha maxkamadda dambiyada dagaalka ICC ayaa arbacadii sheegtay in ay joojisay baaritaan hor u dhaca ahaa oo ka dhan ah ciidanka Britain oo  lagu eedeeyay in Ciraaq ka geysteen dambiyo dagaal, balse waxay sheegtay in ay heyso macluumaad tusaya in ciidanku galeen dambiyo halis ah.

Baaritaankan waligii ma noqon mid si buuxda loo eego xafiiska Fatou Bensouda waxaa uu ku soo af meeray maadaama madaxda Britishku baareen eedaha loo soo jeediyay.

ICC ayaa fara gelisa kiisaska marka dowladda lagu eedeeyay xadgudubka ka baaqsato in ay baaritaan dhab ah ku sameysay eedaha.

Warbixinta dhammeystiran oo ka soo baxay xafiiska Bensouda ayaa lagu cadeeyay in ciidanka Birtishka 2003 dalka Ciraaq ka geysteen xadgudubyo ay kamid yihii dilka ugu yeraan todobo maxaabiis Ciraaqi ah iyadoo sidoo kale ciidanka geysteen jir-dil iyo kufsi.

“Baaritaanka hor u dhaca ah waxa lagu ogaaday in ay jiraan sababo aas aasi ah oo la aamini karo taas oo ah in xubno ka tirsan ciidanka UK galeen dambiyo ka dhan ah shacab rayid ah ,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hase yeeshee, UK waxay sameysay baaritaan waafi ah dambiyadaas lagu ogaanayo.

Bishii Juun, baaritaan madaxa banaan oo British ay ayaa baaray eedaha loo soo jeediyya ciidanka UK ka dib markii ay heleen kumanaan cabasho oo arrintaas ku saabsan dhammaan kiisaskaas waa la baaray marka laga reebo hal kiis.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli maxkamadda ICC  cadaadis kala kulantay  Washington ka dib markii ayy furtay gal dacwadeed ka dhan ah ciidanka Mareykanka Afghanistan ka geystay xadgudubyada.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa sanadkan Bensouda ku soo rogay xayiraad ku aadan dal ku galka Mareykanka.

Tanzania wasiir akhrin waayay dhaarta dastuuriga oo xilka laga qaaday.

0

Madaxwaynaha Tanzania ayaa xil ka qaadis ku sameeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta ka hor inta uusan xafiiska la wareegin, ka dib markii uu akhrin waayey qoraalka dhaarta.

Sida ay tabisay warbaahinta Tansaaniya, xildhibaan Francis Ndolan oo dhawaan loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda macdanta dalkaas ayaa ku guul darreystay inuu akhriyo qoraalka dhaarta inkasta uu dhowr jeer isku dayay.

Madaxweyne John Magufuli ayaa dhacdadaan kadib xil ka qaadis ku sameeyay wasiirka oo aan si rasmi ah xilka ula wareegin.

28-kii October, ee sanadkan Tansaaniya waxaa ka dhacay doorashadii madaxweynaha iyo baarlamaanka, waxaana ku guuleystay Xisbiga Kacaanka ee talada dalkaas hore u haayay oo uu hogaamiyo madaxweyne Magufuli.

Kumandooska Gorgor ee xoogga dalka oo saaka la wareegay degaanka Gendershe.

0

Ciidanka kumandooska Gorgor ee xoogga dalka ayaa saaka argagaxisada Alshabaab kala  la wareegay degaanka Gendershe, ee gobolka Shabeelaha hoose, sida uu sheegay wariye Cabdulaahi Shilaawe, oo ka tirsan Idaacadda codka ciidanka qalabka sida, oo ku sugan Gendershe.

Taliyaha ciidanka lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hor kacaya howlgalka saaka ciidanka ku qaadeen degaanka Gendershe oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen Alshabaab.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidanka si nabad geliyo ah kula wareegeen degaanka, maleeshiyaadkii Alshabaab ayaa isaga cararay ka hor inta aan ciidanka soo gaarin.

Degaanka Gendershe, waxaa uu ka tirsan yahay degmada Marka ee xarunta gobolka, waa degaan dadka ku dhaqan u badan yihiin kalluumeysato.

Madaxweynaha Ghana oo dib loo doortay

0

Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa dib loo doortay isagoo heley 51.59%, sida arbacadii ay shaaciyeen guddiga doorashada, iyadoo dalka ay ka dhaceen rabshado intii lagu jirey doorashada.

Natiijadan ayaa lagu muransan yahay iyadoo shan kamid ah murashaxiinta sheegeen in ay ku guuleyteen doorashada, isniintii shan qof ayaa la dilay markii ay dhaceen rabshado, sida ay booliisku sheegeen.

Ciidanka booliiska waxay sheegeen in 60 dhacdo diiwaan geliyeen intii ay socotay codbixinta doorashada isniintii, madaxweyne Nana Akufo-Addo waxaa la tartamaya10 murashax oo uu ku jiro madaxweynihii hore John Mahama.

Kor joogtadad madaxa banaan ee doorashada ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha, ayagoo qiray in doorashada ay ku dhacday jawi nabad ah oo la jaan qaadaya dalka ugu dimoqraadiyadsan galbeedka Afrika.

Laakiin xiisad ayaa dhalatay markii labada xarun ee madaxweyne hore Mahama iyo Akufo-Addo lagaga dhawaaqay natiijo iska soo hor jeedda.

Waxaa jirey eedeymo ku saabsan in dowladda cadaadis saartay mucaaradda intii ololaha doorashada socdeen,  iyadoo adeegsanaysa ciidanka qaranka.

Wasiirka warfaafinta Ghana, Kojo Oppong Nkrumah, oo war fidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in eedeymaha dowladda loo soo jeediyay ay yihiin kuwo been abuur ah.

Akufo-Addo ayaa intii uu ku jirey ololaha doorashada waxaa uu balan qaaday in uu sameyn doono mashaariic ay ku baxayso $17bln oo dollar, kuwaas oo lagu horumarin doono dhaqaalaha dalka Ghana oo la liicaya sameynta COVID-19.

Madaxweyne  Nana Akufo- Addo ayaa la doortay  2016.

Ciidanka itoobiya oo sheegay in ay furteen 1,000 askari oo saraakiil sare ay ku jiraan kuwaas oo TPLF afduubatay.

0

Ciidankan waxaa ku jira taliye ku xigeenkii taliska waqooyi ee ciidanka itoobiya kuwaas oo fariisinkoodu yahay gobalka Tigray Brigadier General Adamneh Mengiste.

Howlgalka lagu soo furtay ciidank waxaa iska kaashaday ciidanka malatariga iyo booliska federaalka sida saxaafada itoobiya uu u sheegay Major General Mohammed Tessema.

Ciidankan ayaa waxaa la afduubtay 3 November kadib markii madaxda TPLF ay casho ku casumeen.

Saraakiisha itoobiya faahfaahin kama bixin halka ciidanka lagu heystay iyo in ay qabteen xubno ka tirsan TPLF