Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanaadka shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.

Date:

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:27,299 ardey ayaa u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka iyo Agaasinka Waxbarashada gobolka Banaadir ayaa furay Imtixaanka.

Ardeyga Dugsiyada Gobolka Banaadir ee u fariistay Imtixaanka ayaa ku galaya 69-goobood oo uu maamulka ugu talo galay in ardeyda ay Imtixaanka ku galaan.

 

Gudoomiye Cumar Filish ayaa warqadaha imtixaanka mid mid ugu qeybiyay Ardaydii soo xaadirtay xarunta Jaamacada Ummada oo kamid ah goobaha lagu qaadayo imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu dambeyn guul u wada rajeeyay dhamaan ardayda maanta Imtixaanaadka u fadhiistay.

18-ka bishan juun ayaa sidoo kale ardeyda Shahaadiga Dugsiga sare ay u fariisan doonaan imtixaanka shahaadiga ee Qaranka, taas oo ardey badan oo wax ka barata dugsiyada Gobolka Banaadir ay ka qeyb qaadanayaan Imtixaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...