Home Blog Page 658

Wasaarada Qorsheynta oo kullan u qabatay Hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara

0

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa qaban qaabiyay kulan isugu yimaadeen inta badan hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara, ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha taageera Soomaaliya.

Kullanka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliso Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimeynta ahna Agaasimaha Xalka-Waara, Marwo Zahra Cabdi Maxamed.

Intii uu socday shirka ayaa looga hadlay arimaha kala ah:

1. Dar-dargalinta arrimaha hortabinta u leh dedaalada loogu jiro in xal waara loo helo barakaca baahsan ee dalka.

2. Qorshe hawleedka ee xalka waara kuna salaysan Istaratijiyada Xalka Waara ee loo sameeyey maamul goboleedyada Dowladda Federalka.

3. Isku xirka shaqooyinka xalka waara ee hay’adaha iyo wasaaradaha Dowladda Federalka.

4. Dardargelinta hirgelinta Istaratijiyada Xalka Waara

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale maanta la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo kulan la qaatay Guddigii doorashada Madaxweynaha

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Maanta kulan la yeeshay guddigii doorashooyinka madaxweynaha JFS.

Gudoomiyaha Golaha aqalka sare oo qaabilay Safiirka itoobiya ee Soomaaliya.

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Maanta qabatay Shirka Xiriirinta Dabagalka Xanuunada ka Gudba Xuduudaha .

0

Shir Hal maalin soconaya ayaa maanta ka bilawday wasaaradda caafimaadka kaasoo ay ka soo qaybgaleen shaqaale ka kala socda Wasaaraddaha caafimaadka, Hawlaha Guud, Garoomada iyo Dakadaha Puntland.

AKHRISO:Maamul cusub oo loo magacaabay Deegaanka Lafoole ee gobolka shabeelada hoose.

0

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose ee maamulka KGS Ibrahim Adan Ali – Najah ayaa waxaa uu maamul cusub u magacaabey degaanka Lafole ee hoosyimaada Degmada Afgooye.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS oo shir guddoomiyey shir ay iskugu yimadeen dhamaan shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha.

0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Mahaad Mohamed Ciise ayaa  maanta shir guddoomiyey shir ay iskugu yimadeen dhamaan shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha kaasi oo loogu hadlaayey dardargelinta howlaha hortabinta leh ee horyaala.

Taalibaan oo lagu eedeeyay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay ka saareyso saxaafadda Afghanistan

Amarka Taalibaan ee ah in dumarka suxufyiinta ah ay qariyaan wajigooda inta ay talefishinada ka hadlayaan ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in lagu tirtiro gabdhaha suxufiyiinta ah, sida ay muujineyso walaca warbaahinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka jubbland oo sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.

0

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.

DHAGEYSO:Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo sheegay inuu furmayo kabka miisaaniyada ay Soomaaliya siiyaan dowladDaha saaxiibka la ah oo mudo go’naa.

0

Wasiirka Maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Abdirahman ducaale Bayle oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in uu furmayo kabka miisaaniyada ee dowladdaha saxiibka la ah Soomaaliya ay siiyaan dowladda oo in muddo ah go’naa kadib markii madaxweynaha cusub ee dalka Hassan sheikh Maxamuud  uu kulamo la qaatay madaxda hay’adaha dhaqaalaha aduunka.