Maareeyaha Maamulka & Amniga Garoonka Aadan Cabdulle Cabdinaasir Maxamuud Gureey iyo Safiirka Mareykanka Soomaaliya Larry Andre oo ku Kulmay Gudaha Garoonka.

Date:

Maareeye Cabdinaasir Maxamuud Gureey oo ay wehlinayeen Maareeye Ku Xigeenka Maamulka Guud & Amniga Garoonka Aadan Cabdulle iyo Taliyaha Saldhigga Airport-ka ayaa kulan kula qaatay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre gudaha xafiiska Maamulka ee Airport-ka Caalamiga ah.

Kulanka oo muhiimad gaar ah u lahaa Maamulka Guud ee Garoonka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay horumarinta iyo adkeynta Amniga Garoonka iyadoo ay sidoo ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Maareeyaha Maamulka Guud & Amniga Garoonka mudane C/naasir Max”uud Gureey iyo Ku Xigeenkiisa mudane Caydaruus Axmed Kaahiye iyo Taliyaha Saldhigga Booliiska Aadan Cadde Airport Gaashaanle Dhexe C/fataax Bashiir Cali.

Maareeyaha Naamulka Guud & Amniga Garoonka mudane C/naasir Max’uud Gureey ayaa yiri

” Larry Andre oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa nagu soo booqday dhowaan xafiiska Maamulka Guud ee Garoonka inagoo ka wada hadalnay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin xagga kaamirooyinka casriga ah ee Amniga garoonka, aniga”,

Ayuu yiri Cabdinaasir Maxamuud Gureey oo intaasi ku daray

“Sidoo kale waxaa inoo suuro gashay inaan aniga iyo mas”uuliyiinta kale ee xafiiska Maamulka iyo Taliyaha Saldhigga Garoonka iyo Safiir Larry Andre aan wadajir u kormeerno qeybaha Kala duwan ee gudaha Garoonka xilli ay shaqadu, kulankana wuxuu noogu dhammaaday guul”

Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday Cabdinaasir Max’uud Gureey.

Dowladda Mareykanka ayaa si buuxda u taageerta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka kaalmeysa dhinacyada mashaariicda horumarinta, Amniga iyo Gargaarka Beni’aadannimada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...