Maamulka Baxdo oo soo bandhigay meydadka xubnihii argagixisada looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan iyo maxaabiis nool.

Date:

MUQDISHO-JUUN18-6-2022:Maamulka degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubnihii argagixisada looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan oo laga furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.

Saraakiishu waxay sheegeen in la tiriyey meydadka 70 dhagarqabe, waxaana raga la dilay ku jira xubno ajaanib ah, sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay oo maanta fagaaraha Baxdo lagu soo bandhigay dhagarqabihii waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgalkaan geesinimada leh ku amaanay dadka reer Baxdo iyo ciidamadii kale ee u soo gurmaday, waxayna reer Baxdo dowladda dhexe iyo Galmudug ka heleen balan qaadyo garab is-taag ah.

Sidoo kale ugu yaraan 42 arday oo degaanka Baxdo ku dhameysatay waxbarashada dugsiga sare ayaa maanta deegaankaas ku galeysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, guddoomiyaha degaankaas Maxamed Cabdullahi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in haatan wax cabsi ah aysan ka jirin Baxdo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...