Magaalada Baxdo oo shalay lagu laayey Argagixisada Al-Shabaab oo maanta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare looga Fariistay..

Date:

Muqdisho-Juun-18-6-2022:Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa maanta loo fariistay imtixaanka kama dambeysta ah ee Dugsiyada Sare, waxana tirada ardeyda u fariisatay ay dhanyihiin 35,000 (Shan iyo Soddon Kun) oo Arday.

Goobaha imtixaanka saaka loo fariistay waxa kamid ah magaalada Baxdo oo qiyaastii boqol km u jirta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay dagaal culus oo geystay qasaare aad u balaaran uu ku dhexmaray shacabka magaaladaasi iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo duulaan soo qaaday.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi dhoore oo ay wehliyeen gudoomiyaha Baxdo, saraakiisha talisyada Ciidamada qaarkood iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada ayaa si rasmi ah deegaanka Baxdo uga daahfuray imtixaanaadka dugsiyada sare, kaasi oo sanadkan ardayda Galmudug ay tiro ahaan ka yihiin 2387 oo 42 ka mida ay imtixaanka uga qeyb galayaan magaalada baxdo.

Wasiir Dhoore ayaa ardayda reer baxdo ku tilmaamey kuwo muujinaya dadaal dheeri ah, maadaama ay imtixaan ku galayaan magaalo kujirta marxalad is difaac ah.

Baxdo oo dadkeedu u duubteen in ay difaac ka galaan dhagarta cadawga Argagaxisada ayaa shalay dhigtay taarikh wax ku ool ah, kadib markii tiro aad u badan oo katirsan nabad diidka lagu dilay dagaalkii shalay dhacey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...