Home Blog Page 659

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka hirshabelle Dr-Cabdixakiim luqmaan oo soo gaaray maanta magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa waxaa si diiran loo soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cade ee muqdisho.

Soo dhaweynta guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb-galay xilidhibaanno ka tirsan labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada dalka,siyaasiin hore uga soo qabtay safiiro iyo ururada bulshada rayidka.

Intaasi kadib guddooyaha ayaa loo galbiyay hoyga uu ka degenyahay magaalada Muqdisho.

Shirka Amniga doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho ka furmay+(SAWIRRO).

0

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ayaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka qaranka ee 2020/2021,kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde.

Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka qaranka ayaa  waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha,Xoogga dalka,taliyaasha Ciidamada booliska dowlad goboleedka dalka ,wasaaradda amniga gudaha,mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay ,iyo AMISOM.

Shirka oo muddo saddex maalin ah socon doona ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa Amniga doorashooyinka.gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka ,miisaaniyadda iyo tababariyada ciidamada ee sugida goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Taliyaasha ciidamada booliska dowlad goboleedyada dalka oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirakaan waxaana furay soona xiri doono taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Ra’iisul wasaare Rooble oo kula kulmay Isimmadda Dhaqanka Puntland Magaalada Garoowe+SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo  magaalada Garowe kulan kula yeeshay Isimmada iyo qeybaha bulshada rayidka Puntland ayaa uga waramay xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan xilligaan lagu jiro doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hoygooda Garoowe ku booqday Islaam Ciise Islaam Maxamed iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa uga mahadceliyay kuna dhiirrigaliyay kaalintooda dhowrista dhaqanka, dhisidda nabadda iyo isku haynta bulshada.

Waxa uu sidoo kale ka dhageytay  talooyinkooda ku aaddan dowladnimada iyo sida loo wajahayo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka ummadda.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoyga uu ka deggan yahay caasimadda Puntland ee Garowe kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland oo uu warbixin ka siiyay guud ahaan xaaladda dalka iyo qaabka dowladdu u wajaheyso arrimaha ay ugu muhiimsan tahay doorashada dalku galayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshda rayidka ku ammaanay kaalintooda dowlad dhiska iyo dhiirrigalinta nabadda,kuna boorriyay inay doorkooda ka qaataan arrimaha taagan sida doorashooyinka oo ay talo iyo saameynba ku leeyihiin.

Wakiillada Bulshada Rayidka ah ayaa dhankooda Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin muhiim ahaa oo la xiriira arrimihii la isla soo qaaday.

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan sagootin ah usameeyay kooxda kubadda cagta Galmudug+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa kulan sagootin ah ugu sameeyey xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb xulka kubadda cagta Galmudug oo dhawaan ka qeyb-galaya tartan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehlinayey Masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowlad federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka galmudug, maamulka caasimadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo cashada kadib la dardaarmay dhallinyarada xulka kubadda cagta  Galmudug ayaa ku dhiirigeliyey iney guul wax ku ool ah ka gaaraan tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka ee dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ciyaaraha oo kaashanaysa xiriirka kubadda cagta galmudug ayaa dib u habeyn balaaran ku sameysay xulkan kubadda cagta oo tabarbar xirfadeed ku qaatay garoomada la casriyeeyay ee Galmudug.

Ciidanka Kumaandooska Danab oo dilay ku dhawaad 20 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali.

0

Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa Gobolka Shabeelaha hoose ku dilay 17-Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Danab ka sameeyeen  Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayay ku bur buriyeen  xaruntii  guud ee Jabhadaha maleeshiyada  Al-Shabaab.

Xaruntaan ayaa ahayd goob Saldhig u ah maleyshiyaadka Jabhadaha ah ee ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhaxe u daatay xaruntaan oo xiligaas ay ku sugnayeen Maleyshiyaad iyo Horjogayaal ka tirsanaa argagixisada.

Ciidanka ayaa halkaasi ku dilay 17-maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira kuwaasi oo ay ku jiraan ajaaniib.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in saldhigaan ay Ciidanka Danab weerarka ku qaadeen uu ahaa xarunta Guud ee waxa ay ugu yeeraan maleyshiyaadka Jabhadaha kooxdaasi.

Sidoo kale Saraakiisha Danab ayaa sheegay in Dagaalka kooban ee ka dhacay gudaha Saldhiga lagu dilay Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Saraakiisha Danab ayaa soo bandhigay magacyada horjogayaasha lagu dilay Howlgalka, waxayna kala yihiin Horjooge Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa ku-xigeenka horjoogaha Jabhadaha ama maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab una dhashay Dalka Tanzania, Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada Suuriya oo kooxdaasi u Qaabilsanaa Amniga Xerada Jabhadaha Al-shabaab iyo Horjooge Xasan Maxamed Cismaan oo u qaabilsanaa Howlgalinta Maleeshiyaadka  Jabhada Argagixisada.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa gabin ahaan bur buriyay  xarunta Nabadiidka Al-Shabaab  ku lahayeen Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda Dalka+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Puntland Caawa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim.

Wasiiradan ayaa qayb ka ahaa Wafdigii la socday Ra’iisul Wasaare Rooble oo shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Garoowe, kuwaasi oo kulama kala duwana la leh Madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magaacabay Wasiiro cusub.

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabey Wasiiro cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka iyo Wasiirka Dastuurka ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso wareeegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

(DAAWO) BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA MAANTA ©SNTV // 12.12.2020.

0

Halkan ka Daawo.

https://youtu.be/h-vCdqfIsgE