Home Blog Page 659

DAAWO:Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku soo dhigay madixii argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada magaalada Marka.

0

Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed  gaar  ahaan ururka 14 octobar ee guutada 14aad ee  fadhiggoodu yahay magaalada marka ee gobalka shabeelaha hoose ayaa Howlgal ku soo qabtay horjooge ka tirsan Maleeshiyadka Al-shabaab.

Ciidamada Ruushka oo si buuxda ula wareegay Magaalada Mariupol ee wadanka Ukraine.

Ciidamada Ruushka oo si buuxda ula wareegay Magaalada Mariupol ee wadanka Ukraine.
Ciidamada Ruushka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Magaalada dekadda leh ee Mariapol ee wadanka Ukraine, taasi oo dharbaaxo ku ah Ciidamada Ukraine oo isku dayaya in ay dib u qabsadaan.
Magaalada Mariapol ayaa oo ah goob Istaraatiini ah ayaa waxaa ay Ciidamada Ruushka u fududeynaysa in ay u si fudud ugu gudbaan Gobolka Cremia oo saadka iyo hubka uga yimaado.
Ciidamo badan oo ka tirsan Ukraine ayaa ku go’doonsan qeybo kamid ah Magaalada Mariupol, waxaana la filayaa in sii deyntooda loo maro wada hadal iyo Maxaabiista oo la is dhaafsado.

Madaxweyne Qoor-qoor oo dib ugu laabtay caasimada maamulka galmudug ee Dhuusamareeb.

Sabti – 21 May 2022 – Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, kadib todobaadyo shaqa ah oo uu ku joogay madaxweynuhu magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, duqa Caasimadda Dhuusamarreeb, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Dhusamareb.

Gudoomiye sheikh Aadan madoobe oo markale booqday madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo madaxweynaha JFS, ayaa waxay kulan gaar ah ku yeesheen hoyga uu deggan yahay madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirarkii u socday dowladda Federaalka iyo Hey’addaha dhaqaalaha Adduunka oo la soo gabagabeeyay.

0

Muqdisho, May 21, 2022- Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shirar iyo kullamo uu shir guddoominayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka u socday toddobaadkaan. Shirkii ugu dambeeyay ayaa maanta Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda la yeesheen Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN KU YEESHAY MADAXTOOYADA QARANKA.

Muqdisho, May 21, 2022; Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qatay Wakiilka Xog-hayaha Guud Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur   (Madoobe) oo maanta kulan  la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

SAWIRRO:XUKUNKA RAG LOO HAYSTO IN LOO DIYAARIYAY WEERAR KA FULINTA GOBALLADA WOQOOYI IYO SOOMAALI GALBEED ETHIOPIA.

0

Usaama Cabdi-Nuur Saciid, Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed iyo Sakariye  Axmed Cabdullaahi ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaliya oo sheegtay in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare la qaadi doono 18ka ilaa 22ka Juun, 2022.

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaanbahwadaagta waxbarashada Soomaliyeed halkaan kula wadaagaysaa shaacinta waqtiga qaadista imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad.

DAAWO:Madaxweyne Hassan sheikh oo la shaaciyey waqtiga rasmiga ah ee xafiiska Villa Soomaliya la wareegaayo.

Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah Maanta markale ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.