Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheikh Hassan oo booqday xarunta maktabadda Guud ee Degmada Gaalkacyo.

Date:

MUQDISHO-JUUN-2022:Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheikh Hassan Oo uu wehliyo lataliyaha waaxda arimaha bulshada Maamulka Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa galabtay booqday xarunta maktabadda Guud ee Degmada Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo ayaana la kulmay Guddiga maktabadda Guud wuxuuna ku wareejiyay in ka badan 50 buug oo loogu tala galay in la dhigo maktabadda degmada si ay u ay uga faa’ideeystaan ardeyda iyo bulshada Magaalada Gaalkacyo.

 

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdirahmaan Sheikh Hassan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay si dhow uga warqabi doonaa goobaha muhiimada u leh bulshada degmada Gaalkacyo ay ka mid tahay maktabadda.

Maktabada ayaa ah mid dhalinyaro isxilqaamayaal ah ay ka hirgaliyeen Gaalkacyo sanado ka hor waxaana si lacag la’,aan ah uga faa’iideeystay maalin kasta boqalaal dhalin yaro ah kuwaas oo doonaya in ay aqoon ka korarsadaan buugta taala maktabada isla markaana ah kuwa isugu jirta kutubta culuumta diinta islaamka iyo buugta maadi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...