Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay raadineyso lacag dhan 993.3 milyan si loogu gurmado dadka abaraha soomaliya ku saameyeen.

Date:

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah si looga hortago abaaraha soo food saaray Soomaaliya.

 

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee dalka ka jira ay sii kordhinayaan in  dadbadan ay u nafwayaan macaluul.

 

Bayaan ka soo baxay OCHA ayaa lagu sheegay “Dadka gaaraya 7.7 milyan oo qof  ayaa ​​u baahan gargaar bini’aadannimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah la sheegay inay abaartu ay saamaysay,”.

 

Hey’adda UN OCHA, ayaa sheegtay in ay ku hawlantahay waxqabadkeedii ugu dambeeyay ee abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baqdin ka taagan magaalada Suudaan ee go’doonsan

waxaan Khatarta duullaanka ayaa mugdi gelinaysa halganka nolol maalmeedka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...