Home Blog Page 654

Madaxweynaha JFS oo Laga Helay Covid-19.

Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta laga helay COVID-19.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.

Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.

 

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Dhageysatay Dacwo Loo Haysto Eedeysanayaal.

0
maxkamada darajada 1aad ee ciidanka Qalabka sida qeybta 27aad ayaa bilowday dhageysiga dacwad loo heystay 10 eedeysane oo lagu soo qabtay falal kala duwan.

Maxkamadda ayaa la horkeenay eedeysane dable ah Kamaal Cabdulle Maxamed iyo eedeysane dable Axmed Cali Qanyare, kuwaas oo lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdirashiid Maxamed Cabdi Mahadalla.

Maxkamadda darajada 1-aad ayaa sidoo kale la horkeenay dambiilayaal ka tirsan ciidanka iyo kuwa kale oo isaga tagay ciidanka.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle  Aadan ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadahaasi, waxaana  maxkamadda laga sugayaa go’aanka kama dambeysta ah.

Madaxweynaha Qaranka Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Maxamed Bin Saayid oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bangiyada iyo xoojinta maalgashiga dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xog wareysi ah la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka dhageystay warbixinno ku aaddan caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan, waxa uu u sheegay in ay dowladdu dadaal ku bixineyso wax ka qabashada cabashooyinkooda.

 

 

Ergey ka socda Dowladda FS oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Xoghayaha Guud ee ururka Islaamka.

0
Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC) Dr.Ibraahin Aadan Muuse,ayaa waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Dr.Xuseen Ibraahin Taah oo ah Xoghayaha Guud ee ururkaasi.

Kulankii dhinacyadaasi oo ka dhacay magaalada Jiddah,waxaa laga wadahadlay baahida loo qabo xaqiijinta siyaasadda dunida ee dalalka islaamka.

Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC),Waxa uu ka mahadceliyay sida ldiiran ee loo soo dhoweeyay,isagoo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada  qabsiga.

Ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC), waxaa la aasaasay 1969- kii,waxaana ku bohoobay 57 dal oo islaam ah .

Madaxweyna Qaranka Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Deggan Dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta+”SAWIRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo la wadaagay dadaalka ay Dowladda Soomaaliya galineyso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.
“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyeen xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sanadihii la soo dhaafay in uu saameyn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, waxa ayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo hagaajinta xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha jaalliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda iyo in ay is-caawiyaan, isla markaana ay si wanaagsan kula noolaadaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka.

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Golaha Shacabka Oo Gargaar Gaarsiisay Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sadia Yaasin Samatar ayaa Maanta gaartay Magaalada Garoowe Ee Dawlad Gobaleedka Puntland.

Waxaa Garoonka Magalada Garoowe ku Soo Dhaweyey Qaybaha kala duwan ee Maamulka gobalka Nugaal, Wasiir Ku Xigeenka Gargaarka Puntland,Xildhibaano Ka Tirsan Golaha shacabka BJFS Iyo Masuliyiin Kale.

Gudomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha shacabka BJFS Marwo Sadia Yaasin Samatar ayaa Deeq Gargaara Gaarsiisay Maamul gobaleedka Puntland si Abaarta Daran Ee Goboladda Puntalnd Ka Jirta Gurmad Loogu Fidiyo.

Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Shacabka BJFS ayaa Sheegtay Inaysan ahayn Deeqdii Ugu Danbeysay aysan Ahayn Balse Si Dadka Liita Loogu Gurmado Ay Deeqdan U Soo Hormariyeen Shacabka Puntland.

 

 

Shir ku saabsan Amniga Puntland iyo Galmudug oo Lagu Qabtay Deegaanka Gobsho ee Gobolka Mudug.+SAWIRO”.

Kulan looga hadlayay Amniga ayna Goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiinta Galmudug, Puntland iyo Saraakiisha Ciidanka oo lagu qabtay Deegaanka gobsho ee Gobolka mudug.

Kulankaan oo looga hadlaayay Amiga iyo wadanoolaashaha Bulshada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu qabtay Deegaanka Gobsho ee Gobolka mudug

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Ciidanka Xasilinta Gobolka mudug,Odayaal dhaqan iyo maamulka Deegaanka

Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayaa sheegay in Deegaanka gobsho uu ka mid yahay meelaha wadajirka looga dagay Roobkii guga taasina ay muujinayso isdhexgalka Bulshada

G/ Cali-Naasir oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ururka Xasilinta Gobolka mudug ayaa sheegaya in shacabka labada dhinac looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan Amniga

Ahmad Maxamed shire qoodaar Guddoomiye xigeenka Gobolka mudug ee Galmudug ayaa sheegay

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Shir guddoomiyay kulan looga Hadlaayay Amniga Guud ee Dalka Maalmaha Xorriyadda +SAWIRO”.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah, kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.

Maamulka Magaalada Galkacyo Ee Galmudug Oo Ka Qeyb Galay Doorashada Gudoomiyaha Deegaanka Docol

Duqa Degmada Gaalkcyo Mudane Cabdirahman Shiikh Xasan Oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah Xildhibanada Golaha Deeganka iyo Agaasimaha arimaha bulshada ayaa ka qayb galay xafalad is ugu jirtay Doorashada Gudomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Deegaanka Docol ee Gobalka Mudug.

Xafladaan ayaa ahayd mid dadka Deeganka Docol ay kusoo xusheen maamulkooda cusub waxaa Gudoomiye ay u doorteen Tahliil cabdiqaadir halka Gudoomiye ku xigeena uu noqday Cabdulaahi Daahir Cabdi

Uga danbayn duqa Degmada Gaalkcyo ayaa booqday xarumaha danta guud ee Degaanka Docol sida Goobaha Waxbarashada, Xarumaha Caafimaadka iyo Saldhiga.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku Casumay Munaasabad Lagu Daah-furayey Mashruuca Dhir Beerista Geeska Africa +”SAWIRO”.

0

Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia Dr Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah ugu casumay safaaradda JFS ee Addis Ababa munaasabad lagu daah-furayey ama lagu soo bandhigayey mashruuca Dhir Beerista dalalka Geeska Africa, oo sidoo kalena lagu casumay diplomaasiyiinta safaaradaha caalamka ee degan caasimadda Addis Ababa, mashruucaas oo socon doona muddo 4sano ah oo ka bilaabanaya sanadkan 2022, kuna ekaan doona 2026.

Munaasabaddan waxaa Safaaradda JFS ee Addis Ababa uga qayb galay qunsulka ahna ku simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen “Cali Atam”, isagoo bandhigaas ku metelayay Dawladda Soomaaliya.

Ambasaador Cali Atam ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay faa’iidooyinka laga dhaxli karo mashruucan, isagoo hoosta ka xariiqay in barnaamijkan uu fududayn doono beeritaanka 6 Bilyan oo geed, sidoo kale wuxuu caddeeyey in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay mashruucan oo kale qaadato si aan uga hortagno dhibaatooyinka ka dhasha cimilada, deegaanka iyo dhirta.

Mashruucan ayaa la qorsheeyey inuu gaaro dalalka Geeska Africa, si looga hor tago dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, waxaa dhab ah haddii si rasmi ah loo hirgeliyo mashruucan inuu noqon karo mid wax weyn ka tara bed-qabka deegaanka iyo ka hortagga khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.