Madaxweynaha Qaranka Oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Daahsoon.

Date:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax-dhigga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.

“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu-aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...