RW Cusub oo kulamo la yeeshay maamulka iyo Agaasimeyaasha xafiiskiisa

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay xafiiska ayaa kulammo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaannada tiirarka mudnaanta u leh qorshaha XFS.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulammada la qaatay uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan shaqadooda.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee Xafiiska isagoo warbixinno ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....