[DHAGEYSO] Waxaa maanta Aas- Qaran Hargaysa loogu sameeyey marxuumad Khadra Daahir Cige

Date:

MUQDISHO,3-7-2022:Waxaa  maanta Aas Qaran loogu Sameeyay qabuuro ku yaal duleedka Magaalada Hargaysa Fanaanadii Caanka ahayd Khadra Daahir Cige Alle Naxariistii Jano ha ugu Deeqee.

Waxa Aaskeeda Ka  Qayb-Galay Masuuliyiinta ugu Saraysa Xukuumada maamulka Somaliland ,Masuuliyiin kale,bahda fanka  iyo Weliba Dadweyne aad u Tiro Badan..

Allaha hauna hariisato Fanaanada waxa ay ku dhalatay  sida ay shegaan dadka yaqaana Hargeysa sanadkii 1959 , isla Hargeysa ayey fanka kaga biirtay sanadkii 1974 oo ay ahayd 15 jir  sida ay ku sheegtay wareysiyo bixisay.

Waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta loogu jecelyey Hobolada Soomaaliyeed , iyada oo lagu xusuusan  doono heesaha jacaylka oo ay caan ku ahayd

1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA”

Heestii ugu horeysay ee ay qaaddo waxa ay ahayd, hees Jaceyl ah, “AFKA LAGAMA SHEEGTOO ADIGOON JACEYL ARAG”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...