Wasiir Dubbe oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee caawa ka baxday Marxuumad Khadra Daahir cige

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Senator Cusmaan Abokor Dubbe, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud, bahda fanka iyo suugaanka iyo dhammaan howlwadeennada wasaaradda warfaafintu, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehellada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed oo caawa ay ka baxday Fanaanad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariisto Marxuum Khadra Daahir Cige, samir iyo imaan Allaha naga wada siiyo.

1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA”

Heestii ugu horeysay ee ay qaaddo waxa ay ahayd, hees Jaceyl ah, “AFKA LAGAMA SHEEGTOO ADIGOON JACEYL ARAG”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo...

Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya 21-ka Janaayo

Shacabka  Soomaaliyeed ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta warfaafinta...

Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Daa’uud...