Muqdisho-09,07,2022:Howlgalo qorshaysan oo lagu sugayaayo amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa laga fuliyey xaafadaha qaar ee Magaaladaas.
Madaxweynaha Jubbaland Oo Booqday Jiidda Dagaalka. +SAWIRO.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay munaasabada ciida awgeed Ciidamada darawiishta Jubaland ee ku sugan jiida hore.
Madaxweynaha ayaa booqashadan uga gol lahaa si farxada ciida uu ula qaybsado Ciidamada ku sugan jiida hore ee aan farxada ciida la qaadanaynin xaasaskooda iyo Caruurtooda waajibaadka qaran ee saaran darteed.
“Maanta oo kale waa inaan xusuusana kuwa naftooda u huraya dalkeena iyo dadkeena oo nabad hela dhaxanta iyo qoraxdana u taagan sidii kumanaan dadkeena ah ay nabad ugu seexan lahayeen” ayuu Yiri madaxweyne Madoobe.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland ay si wadajir ah uga shaqaynayaan howlgalo midaysan oo argagixisada lagaga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah.
“Sarakiisha Iyo Ciidamada waxaa iiga muuqatay dhiiranan iyo adkaysi badan. Waxaan anaga iyo Dowlada Federaalka ah si wadajir ah uga shaqayn doona sidii loo bilaabi lahaa howlgalo midaysan taas oo ah wadada kaliyah ee lagaga guulaysan karo argagixisada” ayuu hadalkiisa Raaciyay.
RW Hore Ee Jabaan Oo Latoogtay Isagoo Olole Doorasho Ku Jira.
Ra’iisal wasaarahii hore ee dalka Japan ayaa u geeriyooday maanta dhaawac kasoo gaaray weerar lagu qaaday saakay xilli uu la hadlayay dad shacab ah.
Shinzo Abe ayaa bulshada kula hadlayay fagaare ku yaala gobolka Nara, waxaana rasaaas ku furay nin ku hubeysan qori macmal ah oo uu sameystay sida warbaahinta gudaha dalkaasi ay tabiyeen.
Isbitaal ku yaala magaaladda kashihara oo la geeyay dhaawaciisa ayuu ku geeriyooday, waxaana uu ahaa ra’iisal wasaarahii ugu waqtiga dheera ee soo mara dalkaasi.
DAAWO: Wasiir Dubbe “Khadro waxay ahayd qof Dadkeeda ilaahay jecleysiiyay”.
Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowlada Somaaliya ayaa maanta Muqdisho kaga Qayb Galay Kulan Duco Iyo Qur’aan Aqris ah oo loogu Duceynayay AUN Fanaanad Khadra Daahir oo Dhawaan Hargaysa ku geeriyootay..
Wasiirka warfaafinta XFS senator Cusmaan Abokar Dubbe Ayaa ka Mid ahaa Mus’uuliyiintii Kulankaasi ka Qayb Galay
Madaxweynaha Qaranka Oo Dalka Dib ugu Soo laabty.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga, ayaa galabta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna xusuusiyey xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah, ayna mudan yihiin farxadda ciidda in ay la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban, ayaa ku borriyey dhammaan shacabkeenna in ay maalmahan badiyaan ducada iyo Alle bariga, istaakuleynta iyo ka warqabka dadkeenna danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu khayr badan.
“Maalmahaan Barakaysan waxaan Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed Ugu baaqayaa inay is taakuleeyaan oo ugurmadaan Walaalaha Danyarta ah iyo kuwa Abaarto Saamaysay” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Dhanka kale, Safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarrada Ciidamada, iyadoo Madaxweynuhu uu u kuur galay xaaladda ee ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ku dhaqan.
Iraan oo Xabsiga Dhigtay ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Tehran.
Iran ayaa Arbacadii sheegtay in ay xidhay ku xigeenka safiirka UK ee Tehran kadib markii lagu eedeeyay in uu muunado ciid ah ka qaaday gobol lagu sameeyo dhoolatuska gantaalada.
Giles Whitaker iyo dhowr qof oo kale oo ajnabi ah ayaa waxaa xiray ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ka dib markii la go’aamiyay in ay muunada ka qaadeen “goob mamnuuc ah” halkaasoo dhoolatus militari laga sameeyay saxaraha Shahdad ee koonfur bari gobolka Kerman, sida uu sheegay. Wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim.
Waxa ay sheegtay in IRGC ay sii daysay muuqaal muujinaya Whitaker oo u dhow goobta.
Muuqaalkan ayaa waxaa baahiyay Telefishinka dowladda Iran, waxaana la sheegay in Whitaker la musaafurin doono.
Kadib Arbacadii, Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK ayaa beeniyay sheegashada Iran ee ah in la xiray ergayga labaad ee ugu sarreeya Britain ee dalka.
“Wararka sheegaya in la xiray dublamaasi British ah oo Iran ah gabi ahaanba waa been abuur,” afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku yiri hadal uu siiyay Sky News.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Kulan Mira dhal laqaatay Madaxweynaha Turkiga+SAWIRO
Madaxweynaha Qaranka Oo Si Maamuus Sare ah Loogu soo Dhaweeyay Madaxtooyada Turkiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara, halkaas oo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac.
Madaxweynaha waxa uu hadda ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga uga socda qasriga xarunta madaxtooyada ee dalkan.
Madaxweynaha Qaranka Inta uu Ku Sugan yahay Turkiga Waxaa Uu Kulamo la qaadan Doonaa Madaxweynaha Dalkaasi igayoona ka wada Hadkaya Xirrirka Kabada Dal.
“Waxaan Kala Hadlaynaa Madaxweynaha Turkiga Xoojinta Xiriirka labada wadan, Dardargalintq Taageerada Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Howlaha Amni Ee Dalkeena Turkigu Ku Gacan Siiyo” ayuu Yiri Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka oo Qayb ka ah Safarka Madaxweyne Xasan.


RW Xamse oo Qaabilay Danjiraha Sacuudiga Ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.
Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dowlada Sacuudiga ayaa ka Mid ah Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxayna Maalmihii Ugu Danbeeyay Door ka qaadanayeen Gurmadka Abaarta Saameysay Soomaaliya.


Wadan Dhaca Qaaradda America Oo Codsi Usoo Diray Soomaaliya +SAWIRO.
Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diplomaasiyadeed oo Rasmi ah Usoo Dirtay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Addis Ababa – 05 July, 2022: Ku Simaha Safiirka Safaaradda JFS ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA mudane Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Ethiopia Ambassador Fernando Zalaquett.
Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda JFS ee Ethiopia, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya, maadaama Dawladda Chile ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.































