Home Blog Page 646

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SALAADDA JANAASADA KU TUKADAY ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUM MAXAMED CUMAR SAALIXI

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka ku tukaday salaadda janaasada ee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo lagu aasay Qabuuraha Sheekh Cali Suufi ee Degmada Warta Nabadda.

Marxuumka oo ahaa halyey ku suntanaa dal-jacayl, hawl-karnimo iyo waddaniyad, ayaa door weyn ka soo qaatay difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isaga oo ka tirsanaa, laf-dhabarna u ahaa Guddiga Qaran ee Difaaca Baddeenna.

“Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cumar Saalixi waxa uu ahaa khabiir ku takhasusay maababka badaha iyo dhulka, isaga oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisii uga faa’iideeyey difaaca baddeenna. Waxa uu ahaa shaqsiga soo ururiyey wixii maabab iyo heshiisyo ahaa ee ku saabsan baddeenna, kuwaas oo inaga lumay xilligii burburka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo masuuliyiinta kale ee Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Maxamed Cumar Saalixi waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Goleyaasha Wasiirrada, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Turkiga iyo Qadar oo Taalibaan ka caawinaya dib u furista garoonka diyaaradaha ee Kabul

0

Dowladda Qadar ayaa Khamiistii sheegtay inay kala shaqayneyso Taalibaan sidii si dhaqso ah dib loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha ee Kabul, oo xiritaankiisa ay keeni karto caqabado waaweyn oo istiraatiiji ah iyo kuwo bani’aadamnimo.

Garoonka Hamid Karzai ayaa xiran tan iyo markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka, waxaana diyaarad ka timid dalka khaliijka ee Qadar ay ahayd diyaaraddii ugu horraysay oo soo caga -dhigata caasimadda Afghanistan Arbacadii tan iyo markii daadgureyn xowliga aheyd la soo afjaray.

Diyaarad ka timid Doha ayaa ka degtay Kabul Khamiistii, iyadoo sidday khubaro baaritaan ku sameyn doona dhinacyada amniga iyo howlaha ku saabsan garoonka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow arrintan.

“Waxaan weli ku rajo weynahay inaan si dhaqso ah u hawlgalin doonno garoonka diyaaraha,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, oo dalkiisu xiriir dhow la leeyahay Taalibaan oo la wareegtay gacan ku haynta Kabul 15-kii Ogosto.

Turkiga ayaa isna sheegay Khamiistii inay “qiimeynayaan” soo jeedinnada Taalibaan ee ku saabsan garoonka diyaaradaha, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu uu sheegay in amniga “gudaha iyo dibaddaba” ee garoonka ay tahay mudnaanta koowaad.

Sarkaal ka tirsan waaxda duulista rayidka ee Afghanistan ayaa u sheegay Al-Jazeera oo laga leeyahay Qadar in Kabul ay bilaabi doonto howlaha garoonka diyaaradaha “dhawaan’, wuxuuna intaas ku daray in duulimaadyada gudaha ay billaabanayaan maanta oo Jimce ah.

Booliska NewZealand oo toogtay nin weerar geystay oo ay ku sheegeen inuu ahaa argagixiso

Ra’isul Wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay in boolisku ay dileen nin ay ku sheegtay inuu ahaa argagixiso ka tirsan ururka Daacish, kaas oo toorey ku weeraray dad ka adeeganaya dukaan ku yaalla magaalada Auckland, kaas oo dhaawac u geystay lix qof.

Seddax ka mid ah lixdaas qof dhaawacooda waxaa la sheegay inuu yahay mid halis ah.

Ra’isul Wasaare Ardern ayaa sheegtay in falkaas uu ahaa weerar argagixiso, iyadoo sheegtay in ninkani uu ahaa muwaadin u dhashay SriLanka, isla markaana ay weerarkaan ku dhiirigalisay Argagixisada Daacish.

Sidoo kale R/Wasaare Ardern, waxay sheegtay in ninkaas ay horay xogtiisa u hayeen laamaha ammaanka oo shaqsiyan ay mar hore soo gaartay warbixintiisa, laakiin aysan jirin sifo sharci ah oo lagu xiro.

“Haddii uu samayn lahaa wax noo oggolaan lahaa inaan xabsiga ku tuurno, wuxuu ahaan lahaa maxbuus xilligan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Ardern.

Taliyaha booliska magaalada weerarku ka dhacay Andrew Coster oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Kooxda dabagalka booliska iyo kooxda sida gaarka ah u tababaran ayaa ninka ka soo raacay gurigiisa ilaa dukaanka, iyagoo markii hore u maleynayay inuu dukaanka ka soo adeeganayo. Balse Dukaanka ayuu soo galay sidii caadiga aheyd ee uu hore u sameyn jiray, laakiin wuxuu midi ka soo qaatay isla dukaanka dhexdiisa.”

Wasiirka A/Dibadda Soomaaliya oo qadka Taleefonka kula hadlay dhigiisa Cumaan

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa qadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Cumaan, Badr bin Hamad bin Hamoud Al Busaidi.

Labada wasiir ayaa ka wadahadlay xiriirka adag ee labada dhinac ee ku xiraya laba dal oo walaalo ah, iyo horumarkii ugu dambeeyay ee labada heer.Gobal iyo caalamiba.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo isku duwidda wadajirka ah ee dhinacyada la xiriira iyada oo la eegayo qaabka iskaashiga Soomaaliya iyo Cumaan.

NISA oo war ka soo saartay kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo soo saartay warbixin ku saabsan kiiska gabadhii la weysanaa ee Ikraan Tahliil Faarax, oo u gacan gashay dhagar qabayaasha Al-Shabaab isla markaana ay dileen ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso.

Hoos ka akhriso warbixinta NISA

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Jananka ugu sareeya ciidamada Mareykanka oo Taliban ku tilmaamay “koox arxan daran”

0

Janaraalka ugu sarreeya Mareykanka ayaa kooxda Taalibaan ku tilmaamay inay yihiin “koox arxan daran” isagoo sheegay in aysan kala caddeyn inay is beddeli doonaan iyo in kale.

Janaraal Mark Milley, ayaa yiri, si kastaba ha ahaatee, “waa suurtogal” in Mareykanka uu mintidiinta islaamiyiinta ah kala kaashado hawlgallada mustaqbalka ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Ciidamada Mareykanka ayaa Talaadadii ka baxay Afghanistan, iyagoo soo afjaray dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka ku qaatay 20 sano, kadib markii ay bilaabeen duulaan ay ku doonayeen inay dalkaasi kaga saaraan Taalibaan.

kooxda ayaa hadda gacanta ku haysa guud ahaan dalka, waxaana la filayaa inay ku dhawaaqaan dowlad cusub.

Gen Milley, iyo xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin, ayaa markii ugu horeysay si wada jir ah fagaarayaasha uga jeediyay khudbad, tan iyo markii ciidamadii ugu dambeeyay ay ka baxeen Afghanistan.Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay sida kediska ah ee ka bixitaanka Mareykanka, taas oo horseedday burbur lama filaan ah oo ku yimid ciidammadii qaranka Afghaanistaan oo ciidamada Mareykanku ay tababarayeen muddo dheer.

Shirkii jaraa’id ee Arbacadii ay qabteen, Gen Milley iyo Xoghaye Austin, ayaa labaduba waxay ku ammaaneen ciidammadii ka soo shaqeeyay Afgaanistaan iyo hawlgalkii ballaarnaa ee daadgureynta.

Mar wax laga weydiiyay wada shaqeynta ay la leeyihiin Taalibaan ee ku aaddan sidii dadka looga daadgureyn lahaa garoonka diyaaradaha Kabul, ayaa Mr Austin waxa uu yiri, “Waxaan Taalibaan kala shaqeynaynay arrimo aad u adag, taasina waxay ahayd oo keliya, inaan intii aan awoodno aan dad badan dalka kaga bixino.”

Howlgalkii ka samata bixinta dadka ee Mareykanku uu ka waday Kabul ayaa soo idlaaday 31-kii Agoosto, waxaana maamulka garoonka diyaaradaha caasimadda Afghanistan ee Kabul gacanta loo geliyey kooxda dalka qabsatay ee Taliban.

 

Soomaali oo dil iyo dhaawacyo loogu geystay Canada

0

Wararka aan ka heleyno dalka Canada, waxay sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha magaalada Toronto ee dalka Canada dil iyo dhaawac ugu geysteen dad Soomaaliyeed oo qaxootimo ku deganaa dalkaas.

Ragga hubeysan oo watay gaari ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaali ah, waxaana halkaas lagu dhaawacay seddax wiil oo mid goor dambe uu dhaawacaas u geeriyooday.

Sahal Maxamed Sahal, ayaa magaciisa naloogu sheegay wiilka Soomaaliyeed ee dhaawaca ka soo gaaray weerarkaas ugu geeriyooday dalka Canada, halka labada qof oo kale ay dumar yihiin, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada uu weerarkaan ka dhacay ee Toronto.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ee Sahal Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in uusan ogeyn cadaw gaar ah oo uu lahaa wiilkiisa, qadartana uu aaminsan yahay, isla markaana ay meydka wiilkiisii Sahal ku soo aaseen qabuuro ku yaalla magaalada Toronto, sidoo kale Aabe Maxamed, waxa uu sheegay in laamaha amniga magaalada ay wadaan baaritaano la xiriira dilka wiilkiisa, balse illaa hadda aysan jirin wax xiriir ah oo ay la soo sameeyeen mas’uuliyiinta dowladda.

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

0

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Eng. Maxamed Cumar Saalixi oo kamid ahaa dadkii dadaalka badan ku bixiyay difaaca dalka Soomaaliya gaar ahaan badda Kenya ay muranka gelisay.

Qoraalka madaxweynaha ayaa u qornaa sida:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikh nololeedka Marxuumka oo ku suntanaa dal jaceyl iyo howlkarnimo, taas oo ay ka mid tahay in Sarreeye Gaas Maxamed Cumar, Alle ha u naxariistee, uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeen, Hoggaanka Sahanka iyo Maababka Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo hormuud u ahaa hirgelinta mashaariic horumarineed oo dalka laga fuliyey siddeetamaadkii.

“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

 

Taliban oo dagaal kula jirto mucaarad hubeysan oo ka jira Afghanistan

Dagaal qaraar oo u dhexeeya Taliban iyo koox mucaarad ku ah xukunkooda ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacayaan gobolka Panjshir ee dalka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha Taliban.

Maxamed Jalaal oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Taliban ayaa Twitter soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in Taliban la wareegtay saldhigyo kooxda mucaaradka ah ku laheyd dooxada Panjshir.

Waxaa uu sheegay “dowladda ayaa la wareeegtay daraasiin saldhigyo ah”, laakiin ilaa iyo hadda ma jiro ilo madaxa banaan oo xaqiijiyay sheegashada Taliban.

Dooxada Panjshir oo ay ku yaalaan buuraha Hindu Kush ayaa dhacda waqooyiga caasimadda Kabul, waxayna xukun u tahay wax iska caabinta dalkaas.

Ilaa bartamihii bishii hore halkaas, waxaa isku uruursanayay koox mucaarad ku ah Talian oo uu hjogaamiyo Axmed Mascuud oo ah wiilka dagaalyahankii ku caan baxay wax iska caabinta dalka Afghanistan Axmed Shah Mascuud.

 

Gabdhihii ugu horeeyey oo Haramcad ah oo tababar ku soo dhameystay Turkiga

0

Waxaa shalay dib ugu soo laabtay Soomaaliya gabdho ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad oo ka soo noqday Turkiga oo tabara loogu qaaday bishii July ee sannadkan.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Wasiir Dowlaha Amniga XFS iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo ay wehliyaan Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliya

Waa markii ugu horeeysay ay Soomaaliya yeelato koox wada gabdha ah oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad.

Taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Janaraal Zakiya Xuseen oo markii tabarka loo qaadayay sagootineysay gabhaha ayaa waxay ugu baaqday inay ilaaliyaan mas’uuliyada ah inay yihiin ciidan qaran isla markaana ay isku duubnaadaan.