Muqdisho-12,7,2022:Guddoomiye ku Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Abdullahi Omar Abshir (Abshirow) Ayaa Maanta Dalka Dib Ugu Soolaabtay Isagoona soo Gutay Wajibaadka Acmaasha Xajka.
Ergeyga gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan arimaha gurmadka Abaaraha oo la kulmay xubno sar sare oo katirsan Dowladda UK
Muqdisho,LUULYO, 12, 2022:-Ergayga gaarka ah Ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka Abaaraha ayaa maanta la kulmay Xubno oo uu hoggaaminaayay Nick Dyer oo ah Ergeyga gaarka ah ee boqortooyada Uk u qaabilsan arrimaha bini’aadannimoda iyo macluusha ayaa kala hadley Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame howlaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland oo maanta la kulmay safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku tagtay Jubaland
Muqdisho-12,7,2022:Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku timid Jubaland.
MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH IYO DHIGGIISA DALKA ERETERIYA OO HESHIIS IS-AFGARAD KALA SAXIIXDAY
Muqdisho, Luulyo 12, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo qaadatay afar maalmood ku joogay waddanka Ereteriya ayaa dalka dib ugu soo laabtay.
Booqashada Madaxweynaha ayaa salka ku haysay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo u kuur-galidda xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.
Labada Madaxweyne ayaa gunaanadkii booqashada kala saxiixday heshiis is af-garad oo taabanaya dhinacyo kala duwan. Qodobbada heshiiska is af-garad ee ay labada dowladood kala saxiixdeen ayaa ka kooban qodobbada hoos ku xusan:
1- Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.
2- Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.
3-Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.
4- Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.
5- Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.
6- Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.
7- In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iskaashi, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Ereteriya waxa uu booqday xeryaha ay tababbarrada ku qaataan ciidamada kala duwan ee dalkaas jooga, isaga oo ugu dambayntiina booqday magaalada Massawa oo ay tababbar u joogaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ku bogaadiyey tababbarrada adag ee ay qaateen isaga oo sidoo kalena uga warbixiyay ahmiyadda iyo mudnaanta ay dowladdu siinayso xorreynta dhulalka ay argagaxisadu haystaan iyo doorka la filayo in ciidamadani ka qaataan sugidda amniga guud ee dalka.

Magaalada Cadaado waxaa maanta ka socta Xaflada Daahfurka Dhismaha Golaha Deegaanka Degmadaas yeelaneyso
Muqdisho-12,7,2022:Waxaa maanta magaalada Cadaado ka socda Xaflada Daahfurka Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Cadaado Taas oo ay soo Qaban Qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Galmudug.
Madaxweynaha JFS Hassan Sheikh Maxamuud oo maanta muqdisho dib ugu soo laabanaya kadib Booqasho uu ku tagay Magaalada Asmara
Muqdisho-12,7,2022:Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Hassan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabangabeeyay booqasho rasmi ah oo mudo afar maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.
(SAWIRO)Ciidanka NISA oo muqdisho ku qabtay waxyabaha qarxa iyo kooxihii watay
Muqdisho,12,7,2022:Ciidanka Gaarka ah ee Nabad Sugida ayaa howlgalo qorshaysan ka sameeyay daafaha magaalada iyo degmooyinka Hilwaa iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Howlgaladaan oo lagu baacsanayay kooxaha amniga khatarka ku ah, ayaa wararku waxay sheegayaan in lagu soo qabtay shaqsiyaad iyo waxyaabo la aaminsanyahay in ammaanka ay khatar ku yihiin.
Howlgalka hore wuxuu ka dhacay Degmada Hiliwaa, wuxuuna ahaa mid amniga lagu xaqiijinaayay oo ay hareer socotay baaris dadka iyo gaadiid lagu samaynayay.
Waxaa xigay howlgal kale oo xalay laga sameeyay Degmada Kaxda, waxaana lagu soo qabtay walxo la doonayay in lagu khalkhal galiyo ammaanka Caasimadda iyo shacabka ku dhaqan.
Howlgaladan oo qaatay saacado ayaa ku soo dhammaaday sidii loo qorsheeyay, iyadoo aysan dhicin qasaare.

(SAWIRO)Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Booqasho ku tagay Dalka Rwanda
Muqdisho 11 Luulyo, 2022 — Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo safar shaqo ku jooga dalka Rwanda, ayaa waxa halkaas soo dhoweyn diirran ugu sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Rwanda Dan Munyuza, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Booliska Labada Dal.
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Elatariya
Muqdisho,Luulyo 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.
Booliska Somaaliya oo maamnuucay in wixii ka danbeeya lix saac habeenimo aysan socon karin mooto Bajaaj
Muqdisho-11-7-2022:Ciidanka Booliska Somaliya ayaa mamnuucay in Mootada Nuuca bajaajta aysan socon karin wixii ka dambeeya 12ka ama lix saac habeenimo.
