Home Blog Page 645

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo khudbad ku saabsan tamarta ka jeediyay Machad TAIHE +Sawirro

0

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa qudbad ku saabsan tamarta ka jeediyay machad TAIHE ee Shiinaha.

Danjiraha ayaa qudbaddan ka jeediyay dood-cilmiyeed oo soo abaabulay mahadka Taihe ee Shiinaha ayaa waxaa cinwaankeedu ahaa “Mas’uuliyadda iyo Fursadaha – Xoogga Teknolojiyadda ee kordhinta waxa ka dhasha Kaarboonka iyo isku dheelitirka Kaarboonka”

Doodaas oo ay kasoo qayb galeen madax ka socotay wasaaradda arrimaha dibadda ee shiinaha oo ka mid ahaa Kaaliyihii hore ee Arrimaha Dibadda Shiinaha Danjire Wu Hailong, sidoo kalena waxaa goobjoog ahaa Danjiraha Indonesia ee Shiinaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa soo bandhigay awoodda weyn ee tamarta nadiifka ah ee Soomaaliya leedahay wuxuuna xoojiyay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo xakameynta kuleylka adduunka heshiiskii lagu gaaray Paris ee ahaa 1.5 iyo 2.0 darajo boqolkiiba.

Mahadka Taihe ayaa ka mid ah macaahidda ugu muhiimsan ee aruuriya Cilmi-baarista isagoo caalamkana usoo bandhiga natiijooyinka laga helo cilmi baarista si aduunka nolol caafimaad ah ugu noolaado.

Arday baratay farsamooyinka gacanta oo tababar loogu soo xiray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

0

In ka nadan 92-arday oo dhameystay maadooyin kala duwan oo la xiriira Farsamada Gacanta ayaa maanta munaasabad lagu guddoonsiiyay agabkii ay ku shaqeysan lahaayeen loogu qabtey Magaalada Dhuusamareeb waxaana madasha dhiiri-galintooda ka qayb galay Wasiiro katirsan maamulka Dhuusamareeb iyo waaridiinta ardayda oo dhamaantood bogaadiyey howshan ay iska kaashadeen UNICEF iyo Hey’adda maxaliga ah ee Elman.

Fartuun Cabdisalaan oo madax u ah mashruuca waxbarida iyo qalabeynta ardaydan ayaa ka warantey howshan oo ay muddoba soo wadeen ayna ka af-laxeen dufcado dhowr ah.

Qaar ka mid ah waaridiinta ardayda la barey xirfadaha kala duwan ayaa dhankooda bogaadiyey shaqo abuurka ay helayaan ubadkooda.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ku amaaney hey’addaha mashruucan iska kaashadey ka gun gaarida arrintan ayaa kula dardaarmay in ay sii wadaan howsha oo ay qaataan dufcado kale.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa tilmaamay in sagootinta ardaydan xirfadaha la barey, isla markaana la guddoonsiiyay agabkii ay ku howlgali lahaayeen uu qayb ka yahay dadaalada dowladu ugu jirto shaqo abuurka dhallinyarada iyadoo kaah-shaneysa hey’addaha samafalka.

Guddiga doorashada heer DG ee HirShabeelle oo codsi u diray Madaxweyne Guudlaawe

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray qoraal uu madaxweyne Cali Guudlaawe uga codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle.

Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isagoo tixraacaya heshiisyadii laga gaaray doorashada iyo ilaalinta waqtiga jadwalka loo dejiyey in doorashadu ku dhacdo ay madaxweynaha HirShabeelle ka codsanayaan inuu u soo gudbiyo liiska xubnaha u tartamaya golaha Aqalka Sare.

Waxuu guddigu qoraalkaan ku cadeeyey in mas’uuliyadi ka saran tahay ilaalinta waqtiga loo qorsheeyey in doorashada lagu qabto, waxuuna qoraalka guddigaan heer dowlad gobooleed ee HirShabeelle ku soo aadayaa, iyadoo caawa guddiga doorashooyinka heer federaal uu soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka.

Hoos ka akhriso codiga Guddiga

Daawo: Guddiga doorashada heer federaal oo soo saaray jadwal cusub oo doorasho

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka.

Sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.

Sidoo kale 25-ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.

1-da bisha October ayaa lagu sheegay jadwalkaan inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.

Ugu dambeyntiina 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Hoos ka eeg Jadwalka

R/Wasaare Rooble oo war ka soo saaray kiiska Ikraan Tahliil (Daawo)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in warbixintii ay NISA ka soo saartay kiiskeeda aan lagu qanci karin, waxuuna faray Agaasimaha hey’adda Nabad sugidda Fahad Yaasiin in 48-saac gudahood uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan.

“Waxaan shacabka la socodsiinayaa in markii ay ii soo dhameystiranto xogta aan u baahanahay aan ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas oo aan la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in mudadii labada bilood aheyd ee kiiskaan uu taagnaa uu si dhaw ula socday arrintaan, isla markaana uu hey’adda NISA mar hore ka dalbaday in kiiskaas ay ka bixiso faahfaahin dhameystiran.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay muujiyaan mas’uuliyad iyo deganaan lagana fogaado in la dhibaateeyo dad aan waxaba galabsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul wasaare Rooble.

Xubno ka socda Guddiga doorashooyinka heer federaal oo gaaray Jowhar

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal mudane Mowliid Mataan, ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiye Mataan iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay guddiga maamulka doorashooyinka Hirshabeelle, waxaana sidoo kale, kulanka goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabeelle.

Xoghayaha guddiga doorashooyinka Hirshabeelle Maxamed Xuseen Xeyte ayaa soo dhoweyn ka dib, wuxuu warbaahinta u sheegay in Maalmaha soo socda la qabna doono doorashada xubnaha Aqalka sare ku matali doona Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ujeedka Guddigan gaaray magaalada Jowhar ayaa ah dardar-gelinta Arrimaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhaceysa magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ku-xigeenka Hirshabeelle oo lagu soo dhoweeyay Jowhar

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Mr. Dabageed ayaa Jowhar u tegay dardar gelinta doorashada golaha Aqalka sare oo dhowaan lagu wado in ay ka qabsoonto caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar.

Mas’uuliyiinta madaxweyne ku-xigeenka socdaalkiisa ku wehlineysay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo xubno kale.

Dagaal culus oo dib uga qarxay dalka Afghanistan

Mustaqbalka Dooxada Panjshir ee waddanka Afgaanistaan – oo ah meesha kaliya ee aanan ku jirin gacanta Taalibaan – ayaanan weli kala caddayn xilli uu soconayo dagaal culus.

Ila wareedyo ka agdhaw Taalibaan ayaa u sheegay wakaallada wararka ee Reuters inay qabsadeen aaggaasi, hasayeeshee dagaalyahannada wax-iska-caabbinta ayaa arrintaasi gaashaanka u daruuray.

Mid ka mid ah xooggaga iska-caabbinta, Amrullah Saleh, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu cararay, hasayeeshee waxa uu sheegay in xaalku uu “adag yahay”.

Dagaalka ka soconaya Panjshir ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen boqollaal qof.

Dooxada oo ku taal waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul, ayaa ah mid ka mid ah gobollada ugu yar waddanka Afgaanistaan, waana goobta kaliya ee aanan soo gelin gacanta Taalibaan.

Goobtaas oo caadiyan lagu yaqaan in laga mucaarado Taalibaan ayaa waxa ay hoy u tahay inta u dhaxaysa 150,000 illaa 200,000 oo qof, waxaana ku hareeraysan buuro.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Turkiga “SAWIRRO”

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Senatorka la doortay Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ayaa kula kulmay Dhiggiisa Dalkaas Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ,waxaana si wadajir ah ay salaan ugu  qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Turkiga.

Waxaana intaas ka dib  , Wasiir Xasan Xuseen Xaaji kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Turkiga ,iyagoo ka wada-hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta Taageerada iyo Tababarada Ciidan ee Dowladda Turkiga ay la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Turkiga Taageerada Hagar la’aaneed ee dowladda Turkiga ay la garabtaagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ,Waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga ay kaalin muuqata kaga jiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ,Sidoo kale ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.

Maraykanka oo deeq lacageed ku taageeray Ukraine

0

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu Ukraine ka taageero ilaalinta xuduudaheeda. Madaxweyne Biden ayaa soo gudbiyey 60 bilyan oo dollar oo taageero dhinaca amniga ah, xilli Ukraine ay la tacaalayso xad-gudub kaga imanaya Ruushka.

Biden ayaa kulan uu Aqalka Cad kula qaatay madaxweynaha Ukraine ka sheegay in “Maraykanka ay ka go’an tahay madax banaanida dhuleed ee Ukraine, xilli ay uu dalkaasi xad-gudub kala kulmayo Ruushka.”
Waxa uu intaas raaciyey “Maanta waxaan ka wada hadlaynaa sida uu Maraykanku ku sii wadi lahaa taageerada Ukraine, xilli uu dalkaasi sii horumarinayo ajendaha isbeddelada dimoqraadiyadda.”

Labada hogaamiye oo markii ugu horeysay kulmay illaa markii Biden uu xilka la wareegay ayaa sidoo kale waxaa ajendahooda ku jiray ka hadalka mashuuca dhuumaha saliidda ee Nord Stream 2, kaas oo ah mashruuc ay Ukraine ka baqayso in Ruushku uu adeegsado sidii hub dhinaca siyaasadda ah.