Home Blog Page 645

(SAWIRO)Madaxweyne Qoor-qoor oo booqasho ku tagay xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taalla degmada Wisil ee gobolka Mudug

Muqdisho,11,7,2022:Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu kamid yahay wasiir dowlaha amniga Galmudug, ahna kusimaha wasiirka amniga ayaa booqasho ku tagay xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taalla degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Degmada Wasil ee Gobolka Mudug

Muqdisho,11,7,2022:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay soo gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxaa munaasabad ballaaran oo soo dhawayn ah loogu sameeyay degmada Wisil.

Ra’iisulwasaaraha Israaiil oo ka hadlay socdaalka uu israaiil ku imaanayo Madaxweynaha Mareekanka

Muqdisho,10,7,2022:Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu farriin nabadeed iyo rajo ah ka sido Israa’iil, taasi oo ku wajahan Sacuudiga inta uu ku guda jiro booqashadiisa la filayo inuu ku tago Bariga Dhexe.

MADAXWEYNAHA JFS OO U KUUR-GALAY XAALADDA CIIDANKA SOOMAALIYEED EE TABABBARKA U JOOGA DALKA ERETERIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Golaha Wasiirrada maamulka Galmudug oo maanta Degmanimo u ansixiyey Degmooyinka Baxdo iyo Wisil

Muqdisho-10,7,2022:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada ee xukuumadda Galmudug, kaas oo maanta lagu qabtay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga waxaana intaas kadib Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib Uheshiisiinta Galmudug ay hor dhigay golaha xukuumadda, in cod loo qaado degmaynta degmooyinka Baxdo iyo Wisil.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday iyadoona madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye uu cod u qaaday ansaxinta degmooyinkan, waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyay golaha wasiirada, mana jirin cid ka aamustay, waxaana Baxdo iyo Wisil loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor gayn doonta golaha baarlamanka Gamudug, si ay waajibkooda uga gutaan, una sharciyeeyaan iyadoona ugu danbayn uu sixiixi doono madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

 

[SAWIRO)Madaxweynaha Galmudug oo bulshada Baxdo u sheegay in dagaalka Al-shabaab ka gacan siin donaan

MUQDISHO-10-7-2022-:Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo kusugan degmada Baxdo ayaa la kulmay bulshada qeybaheda kala duwan, oo ay kamid ahaayeen Culimada, wax garadka iyo haweenka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.

MUQDISHO-10-7-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA ERETERIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

[DAAWO]Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Luulyo 09, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweynaha Galmudug Oo salaada Ciida ladukaday Shacabka Reer Baxdo.

Muqdisho-09,07-2022:Magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa maantay si weyn looga ciiday maalinta Koowad ee ciidul Adxada, si lamid ah magalooyinka kale ee Soomaliya waxaana maantay salaada Ciida shacabka reer Baxdo kula dukaday Masjidka weyn Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdibkaariye ”Qoorqoor” oo shalay safar kuyimid Magaalada Baxdo.

Salaada Ciida kadib ayuu madaxweynuhu lahadlay dadka Baxdo waxuuna ku baraarujiyay iney sii wadaan dagaalka ey kula jiraan Koodxa Alshabaab ka maamul ahaana uu garab taaganyahay.

Shacabka reer baxdo Madaxwenyaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa farxad ku ciidaya maantay iyadoo ku dhawaad bil ey kasoo wareegtay dagaalkii ey ku gumadeen Kooxda Shabaab oo xiligaas weerar kusoo qaaday Baxdo.