Home Blog Page 643

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo  uu shalay  xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Caddaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay Wasiirka cusub.

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu  si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Marwada koobaad ee dalka oo kulan la qadatay qaar ka mid ah haweenka Musahariixan Golaha Shacabka “SAWIRRO”

0

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah haweenka musharaxiinta ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in wadajir loo xaqiijiyo qoondada Haweenka ee ka qeybgalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa ku boorrisay haweenka musharaxiinta ah in ay is garab istaagaan si ay u xaqiijiyaan matalaad shacab oo dhab ah, taas oo ahmiyad weyn u leh u adeegidda Qaranka, si aad hormuud ugu noqotaan isku duubni iyo wadajir bulsho.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin  hoggaan wanaag, nabad, waddaniyad iyo hal abuur, waxaanna tusaale wanaagsan u ah kaalinta ay ku leeyihiin samata-bixinta bulshada. Musharaxad kasta waxa ay mateshaa dhammaan Haweenka Soomaaliyeed, sidaas awgeed waa in aad hormuud u noqotaan ummadda”

Marwada Koowaad ee Dalka ayaa xustay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin dib-u-dhiska, nabadda, xasilloonida, xoojinta dowladnimada, midnimada ummadda iyo horumarka dalka, iyada oo tilmaamtay doorkii ay ku lahaayeen halgankii gobanimada dalkeenna.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Aamina Saciid Cali iyo xubno ka mid ah haweenka musharaxiinta ah ee u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka, waxa ayna uga mahadceliyeen Marwada Koowaad ee Dalka casuumadda ay u fidisay, iyaga oo la wadaagay talooyin ku aaddan horumarinta haweenka Soomaaliyed iyo guud ahaan Dalka.

Guddiga doorshada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle oo soo saaray jadwal doorasho

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray jawdalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee BFS ka soo gelaya HirShabeelle, taas oo la guda geli doono Khamiista berri ah, sida ku cad jadwalka.

Ugu horeyn guddiga ayaa jadwalkaan ku sheegay in Khamiista berri ah ee 9-ka bishan September illaa maalinka Sabtiga ah ee 11-ka bishaan ay socon doonto ‘qabashada araajida iyo diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare’ ee yaalla Jowhar.

Sidoo kale maalinka Axada ah ee 12-ka bishaan ayaa loo balansan yahay in musharaxiinta laga dhageysto hadal jeedintooda. Halka maalmaha Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ay socon doonto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee HirShabeelle ku metelaya dowladda federaalka.

RW Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii amniga, wasiir cusub-na magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Maxmaed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale ‘shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay’ muddadii uu xilka hayay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha  Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Waa kuma Maxamed Xasan Akhund – madaxa xukuumadda cusub ee Taliban?

Hoggaamiyaha dowladda cusub ee kooxda Taliban ay soo dhistay Maxamed Xasan Akhund, waxuu muddo dheer madax u ahaa golaha ugu awooda badan ee hogaanka ama shuurada ‘Rahbari Shura’ ee Taliban, waxuuna ahaa wasiirkii arimaha dibadda ee ugu horeeyey xukuumaddii Taliban sanadkii 1990-kii.

Sababta uu Mullah Akhund awoodaan dheeriga ah ku helay ayaa ah inuu aad ugu dhawaa asaasihii ururka Taliban Mullah Mohammed Omar iyo in uu ka soo jeedo Kandahar oo ah magaaladii lagu aas-aasay kooxda Taliban.

Hoggaamiyahaan ayaa waxa uu ku jiraa liiska cunaqabateynta Qaramada Midoobey, kaas oo lagu daray markii lagu eedeeyey in uu xiriir dhow la lahaa, sidoo kalena uu la taliye arimaha siyaasadda u ahaa hogaamiyihii hore ee Taliban Mullah Omar.

Akhund waxuu ka soo jeedaa qowmiyadda Pashtuga oo aad ugu awood badan dalka Afghanistan, waxuuna ku abtirsadaa ninkii dhidibada u taagay Afghanistan, Ahmed Shah Durrani oo isagu aas-aasay Afghanistanta, qarnigii 17-aad. Taas ayaana ka dhigeysa in uu awood ballaaran ku yeesho ururka dhexdiisa uuna noqdo mid ay aad u qadariyaan hohgaanka sarsare ee Taliban.

Dadka wax falanqeeya ayaa u arka Akhund oo lagu qiyaaso inuu kor u dhaafay da’aada lixdameeyada, nin siyaasadda aad ugu janjeera, marka loo barbar dhigo xagga diinta. Sidoo kale mudada uu madaxda u ahaa golaha hoggaanka waxay fursad u siineysaa in uu awood ku dhex yeesho ciidanka.

Taliban oo soo dhistay dowlad ay ugu magac dartay ‘Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan’

Ururka Taalibaan ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay dowlad cusub oo ay ugu magac dareen “Dowladda Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan” Waxaana dowladan madax looga dhigay Mullah Maxamed Xasan Akhund oo ay saaran tahay cunaqabateynta Qaramada Midoobey.

Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Mullah Cabdisalaan Xanafi ayaa isna la dhigay ku xigeenka labaad.

“Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaar ah. Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid.

Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Afghanistaan.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Imaaradda Islaamka Afghanistan ayaa loo magacaabay nin ku jira liiska dadka ay FBI-da doondoonayso oo magaciisu yahay Sirajudiin Xaqani oo madax ka ah ururka Shabakadda Xaqaani ee ka dhisan dalalka Pakistan iyo Afghanistan.

Mullah Yaquub ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga , waana wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Taalibaan Mullah Cumar.

Magacaabista shaqsiyaadkaan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan aysan wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax xoog leh ka dhigay caasimadda  Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen.

Taliyaha Ciidanka dhulka oo kormeeray dugsiga tababarka Ciidanka ee jeneraal Gorda

0

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa maanta kormeeray dugsiga tababarka Ciidanka ee General Gorda.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha dugsiga waxuuna  ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha dugsiga isagoo faray in la dar-dar galiyo shaqada dugsiga haayo ee tababarka ciidanka xoogga dalka.

Madaxweynaha Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Midiwga Yurub Iyo Shiinaha “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo safiirrada cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann iyo dowladda Shiinaha Mudane FEI Shengchao.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexaya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyada oo bogaadisay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, dhaqaalaha, deyn cafiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Intelmann ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhankiisa, Danjiraha  Cusub ee Dowladda Shiinaha Mudane FEI Shengchao oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Xi Jinping ayaa soo bandhigay in uu si buuxda uga shaqayn doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ku dhisan iskaashiga, dheef wadaagga iyo is-ixtiraamka qarannimo, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Shiinaha ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah u daah furtey Tallaalka ka hortagga COVID-19 “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta si rasmi ah u dah furtey Tallaalka ka hortagga Cudurka COVID-19 ee Nocyada ASTRAZENECA iyo J&J

Daahfurka Tallaalka waxaa ka soo Qeyb-galey Ku-simaha Madaxweynaha Koomfur Galbeed ahma Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka. Wakiilo ka kala socdey Hay-adaha SOS.iyo WHO.iyo Mas’uuliyiinkale.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed  ayaa Xiligan wadaan Qorshooyinkii Tallaalkan lagu gaarsiin lahaa Dhammaan Degmooyinka Koonfur Galbeed si looyareeyo Faafitaanka Cudurka COVID-19.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Puntland oo la kulmay Madax ka socoto UNICEF “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Cabdulle ayaaa kulan la qaatay Madax ka socota Hay’adda UNICEF oo uu hoggaaminaayo Madaxa barnaamijka dhowrista Dhallinyarada ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda kulankan ayaa looga hadlaayey Mudnaanta tubta horumarinta Dhallinyarada Puntland, Sidii loogu Samayn lahaa shaqo abuur, Barista Xirfadaha, awood siinta Dhallinyarada, u qareemida Dhallinyaradda iyo siday ugu qeyb qaadan lahaayen dhallinyarada horusocodka tubta Democratization ka Puntland.

Sidoo kale waxaa Xoogga lagu saaray inta uu kulanka socday kor uqaadista wada shaqaynta Wasaaradda iyo UNICEF.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa agaasime Waaxeedada Dhallinyaradda, Xirfadaha iyo Shaqo abuurka, Qorshaynta iyo Sharciyada.