Home Blog Page 643

[SAWIRO]Dawladda Soomaaliya oo Midowga Africa Ka Dalbatay in Laga Qaado Xayiraadda Hubka ee saaran dalka

0

MUQDISHO-17-6-2022:Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga qayb gashay shirka 41-aad ee caadiga ah oo ay bartamaha sanad kasta isku arkaan Golaha Fulinta Midowga Africa, kaasi oo sanadkan ka furmay caasimadda Lusaka ee dalka Zambia, waxaana Soomaaliya uga qayb galay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan.

Sidoo kale Wasiirka waxaa shirkan kala qayb galay danjiraha Dawladda Soomaaliya u jooga dalka Zambia Amb. Xaawo Xasan Maxamed, Uqaybsanaha Safaaraadda JFS Addis Ababa Ethiopia ee Midowga Africa mudane Shaafici Nuur Calas Faarax iyo la taliyaha koowaad ee Safaaradda JFS ee Zambia mudane Yaasiin Cabdi Seed.

 

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo taabanaysa, isagoo sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku faraxsan tahay kasoo qayb galkeeda shirkan ayna Dawladda Zambia uga mahadcelinayso martigelinta kulankan, sidoo kale wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay horumaro badan ka samaysay dhinacyada Dawladnimada, amniga iyo dhaqaalaha isla markaana ay sii xoojisay xiriirka ay la leedahay Dawladaha Africa iyo caalamka intiisa kale.

 

Sidoo kale Wasiirku waxa uu dalalka Africa ee shirka ka qayb galay uu la wadaagay meesha ay marayso xaalada kala guurka ee ciidama ATMIS iyo meel marinta qorshaha socda ee qeexaya in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay la wareegaan amniga guud ee Soomaaliya, kaasi oo ah qorshe ay isla garteen Somalia, Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Africa AUPSC, iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay UNSC kaas o dhaqan galintiisu bilaabatay 01 April, 2022 isagoo ugu baaqay dalalka Africa inay Soomaaliya ka caawiyaan qorshaha ay ku doonayso inay kula wareegto amniga guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Golaha Fulinta ee Midowga Africa ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka taas oo caqabad ku noqoneysa meel marinta la wareegista amniga ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

 

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya wuxuu intaa ku daray in Dawladda Soomaaliya ay doonayso inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab, ayna muhiim tahay in si weyn looga caawiyo Soomaaliya la dagaalanka iyo cirib tirka argagixisada.

 

Wasiir Balal iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinaya shirkan ayaa kulamo doceedyo kala duwan la qaatay madaxda midowga Africa, safiirka Jamhuuriyadda Djibouti ee Ethiopia, xoghayaha guud ee East African Community iyo qaar kamid ah Wasiirada arrimaha dibadda ee Dawladaha Ethiopia, Gambia, Tanzania, Ghana iyo Algeria, iyagoo ka wada hadlay kobcinta xiriirka Diplomaasiyadeed ee ka dhexaaya Soomaaliya iyo dalalkooda.

Dhamaan dalalkan ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ballan qaadeen inay si buuxda u garab istaagayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka caawi doonaan arrimaha ammaanka iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Sii hayaha wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo masuliyiin katirsan Gambia iyo Ghana kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadaas dal iyo Soomaaliya

MUQDISHO-16-7-2022:Sii hayaha Wasiirka, ahna Wasiir Dawlaha Wasaarada Arimaha Dibada somaaliya  ee DFS Mudane Balal Mohamed Cusman iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Is-dhexgalka Gobolka ee u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyada Ghana, Mudane Kwaku Ampratwum-Sarpong ayaa kulan ku yeeshey magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Madaxweyne Xasan oo Kulan Miro dhal ah laqaatay Dhiggiisa Kenya (Sawiro).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay heshiis meesha ka saaraya caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal, waxaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay fursad gaar ah u heleyaan fududeynta dal ku-galka Kenya, iyadoo la soo celiyey duulimaadyada shirkadda Kenya Airways oo si joogta ah u imaandoonta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heleyaan in ay dalkaas u dhoofiyaan waxsoosaarka kalluunka dalkeenna, waxaana la furayaa soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, taas oo qeyb ka ah fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa wada jir u go’aamiyey In Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmi doonaan Muqdisho bisha Ogoosto ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

 

Madaxweynaha Qaranka Oo Siweyn Loogu soo dhaweeyay Kenya. (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo booqasho rasmi ah uga billaabatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmi doona dhiggiisa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wadahadalladooda dhinacyada badan taabanaya waxay xoogga ku saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, waxeyna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Qaranka Oo Booqasho Rasmi ah Ugu Amba-baxay Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa saaka u amba-baxay Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya ka dib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

 

Booliska Mudug oo Lacag Duldhigay Maxaabiis Baxsad ah.

Taliska Boosliska Gobolka Mudug ee Puntland Ayaa Shaaciyay Inay Xabsiga Galkacyo aay Ka Baxsadeen Tiro Maxaabiis ah Oo Xukuno Kala Duwan Ku Xukunaa…

Qoraal Lagu Baahiyay Baraha Bulshada Ee Booliska Gobolka Mudug ayaa Shacabka Looga Dalbaday Inay Qayb ka Qaataan Baadi goobka Maxaabiista Baxsadka ah. Iyagoona Boolisku Yaboohay Abaal Marino Lacageed oo Si Gaar ah loo Dul Dhigay Madaxa 3 Maxbuus oo Ka Tirsanaa Alshabaab Dhawaanna Maxkamadu aay ku Xukuntay Dil Toogasho ah.

Qoraalka Aay Baahiyeen Booliska ayaa U Dhignaa.

WANTED.

“Xasan isaaq maxamed,maxamed Cali Maxamed (Istakin),Liban Ciise Cali (Madaxkariye) waxay kamid ahayeen Alshabaabkii Galkacyo Dadka ku layn jirey.

Qofkii soo sheega dhagar qabayashaas waxaa loo balan qaadayaa abaal marin dhan Midkiiba $2.000 oo dollar sido kale waxa lo balan qaadayaa inaysan cidkale ogaaneyn Ruuxa soo sheega

Hadaba Laxariir saldhiga kuugu dhow ama cida aad ku kalsontahay

Taliska qeybta Booliska Gobolka Mudug Wac lambarkan +252905500000″….

Galkacyo Iyo Duleedkeeda waxaa ka Socda Howlgal Balaaran oo aay Fulinayaan Laamaha Amaanka Kuwaasi Oo sidaan Xogta Ku Helnay Lagu  Qabtay Tiro ka Mid Ah Maxaabiistii Baxsadka ahaa…

Marka Uu Soo idlaayo Howlgalku ayay Sheegeen Saraakiisha amaanku Inay Warbixin Dhamays Tiran ka Bixin Doonaan Dhacdadaan.

  • Dilaayaasha Baxsadka ah.

Madaxweynaha Qaranka Oo Kulan Laqaatay Waalidka Askarta Ku Maqan Eratatiya. +SAWIRO.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ugu tegay booqasho uu xaaladdooda ugu kuurgelayo.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mar kale waalidka u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan.”

Dhinaca kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

DAAWO:-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska ayaa qabtay kulan lagu taageerayay Ra’iisal wasaaraha XFS.

0

 

DAAWO:-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska ayaa qabtay kulan lagu taageerayay Ra’iisal wasaaraha XFS.

HALKAAN RIIX ASI AAD U DAAWATO.

Wafdi ka socda hay’adda QM oo gaaray degmada Hobyo

Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug soo a gaaray Wafdi balaaran oo kasocdo Hay adaha Qaramada midoobay oo u yimid indha i dheynta xaladaha abareed ee Magalo xebeedka Hooyo ”

Agasimaha Guud ee wasaaradda Gargaarka Galmudug Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Gudoomiyaha Magaladda iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweyey wafdigaan Garoonka diyaaradaha Degmada hobyo.

Waxa ay siwada jira ubooqdeen xeryaha Barakacyaasha Oo ay kusoo qulqulayaan dad ay soo barakicisay Abaaraha iyo Colaadda kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxay kormeer ku tageen isbitaalka Degmada Hobyo oo la tacaalaya caruur nafaqo darro la ildaran.

Kormeerka ka dib Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Hay’adaha Qaramadi Midoobay ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin waxay ku qaateen xarunta Degmada Hobyo kaas oo diiradda lagu saaray abaara, wax ka qabashada Biyo iyo cunto yarida ay sababtay abaartu.

Markii uu kulanku soo dhawamaaday waxaa warbaahinta siwadajira uga warbaxshay Gudoomiyaha Magaladda Hobyo Abdulahi Ali Ahmed Faad iyo Agsimaha wasaarada gargaaarka iyo mareynta Masiibooyinka Galmudug Cumar Xasan Xaaji

 

Ergeyga gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay Danjiraha Hindiya u fadhiya dalalka soomaaliya iyo Kenya

0

Ergeyga DFS u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo arrimaha bini’aadminimoda Cabdiraxman Cabdishakur warsame yaa kulan la qaatay Danjiraha HIndia u fadhiya dalalka soomaaliya iyo Kenya Dr Virander Paul.

Ergayga iyo Danjiraha ayaa qaatay wadahadal qoto dheer oo ku aadan xiriirka soo jireenka ah ee dowladaha Soomaliya iyo India iyo sidii mar labaad ay Hindiya xiriir maalgashi ula sameyn lahayd Somalia. Ergayga oo si gaar ah diiradda u saaraayay arrimaha abaaraha ayaa xusay kaalinta cunna yarida adduunka ka jjirta iyo sicir bararku ku leeyihiin abaaraha, isaga oo arrinkaas ka duulayana waxa uu kala hadley Danjiraha in dowladda Hindiya ku gacan siiso Soomaaliya dhimista qiimaha raashinka Soomaaliya kasoo dhoofsato Hindiya, gaar ahaan bariiska iyo sokorta.

Wuxuu kaloo Ergeygu kala hadlay Safiirka in Hindiya codkeeda ugu qareento Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan G20, sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen. Safiirka ayaa soo dhoweeyay kana balanqaaday Ergayga in India ay mar walba garab istaagi doonto Somalia ayna ku dedaali doonaan garab istaaga Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha.