(SAWIRO)Ciidanka NISA oo muqdisho ku qabtay waxyabaha qarxa iyo kooxihii watay

Date:

Muqdisho,12,7,2022:Ciidanka Gaarka ah ee Nabad Sugida ayaa howlgalo qorshaysan ka sameeyay daafaha magaalada iyo degmooyinka Hilwaa iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan oo lagu baacsanayay kooxaha amniga khatarka ku ah, ayaa wararku waxay sheegayaan in lagu soo qabtay shaqsiyaad iyo waxyaabo la aaminsanyahay in ammaanka ay khatar ku yihiin.

Howlgalka hore wuxuu ka dhacay Degmada Hiliwaa, wuxuuna ahaa mid amniga lagu xaqiijinaayay oo ay hareer socotay baaris dadka iyo gaadiid lagu samaynayay.

Waxaa xigay howlgal kale oo xalay laga sameeyay Degmada Kaxda, waxaana lagu soo qabtay walxo la doonayay in lagu khalkhal galiyo ammaanka Caasimadda iyo shacabka ku dhaqan.

Howlgaladan oo qaatay saacado ayaa ku soo dhammaaday sidii loo qorsheeyay, iyadoo aysan dhicin qasaare.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...