Maxkamadeynta Askari loo heysto dilka Sarkaal iyo Walaashiis oo bilaabatay degmada cabudwaaq

Date:

Muqdisho, Luulyo 24. 2022;Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 21aad ayaa Maanta waxaa ay u farsiisatay kiiska Askari katirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, kaas oo ku eedeysan in uu dhawaan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galaduud kudilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka NISA ee Gobolka Galgaduud & Walaashiis.

 

Askariga dilka loo heysto oo lagu lagu Magacaabo Axmed cabdi Aadan Ciise ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 21aad ay soo bandhitay cadeymo muujinaya in dilka Taliye kuxigeenkiisa Ciidanka NISA ee Gobolka Galgaduud Faarax Cumar Geelle (Beyr) iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle,isaga oo maxkamadda horteeda uu ka qirtay.

 

 

 

Qareenka iyo Abuukaataha oo iyana goobta Maxkamadeynta ka hadlay ayaa mid kasta uu sheegay in dambiga ay ku cadahay Askariga, iyaga oo dalbaday in lagu xukumo qisaatsii dhamme faarax Cumar Geelle, balse loo fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo.

 

 

 

Uu dambeyn Maxkamadeynta Askariga loo heysto dilka ayaala soo geba-gabeeyay, waxaana la sheegay in Garsoorayaasha ay dib kasoo sheegi doonaan go’aanka Maxkamadda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...