Home Blog Page 635

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa xariga ka jaray Dekadda kalluumeysiga Hobyo “SAWIRRO”

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Daah furka Deked Kalluumaysiga oo laga hirgaliyay magaalada Hobyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaala Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-caddaala, Wasiirka Dekeddaha Galmudug Saabir Shuuriye ayaa si wada jir ah xariga uga jaray dekaddan Kaluumeysiga ee ay Hobyo yeelan doonto.

Maalgelinta mashruucan waxaa iska kaashaday Dowlad gobaleedka Galmudug iyo Hay’adda WFP oo ay taageero maaliyadeed ka helaysa Dowladda Talyaaniga.Munaasabadda Daah furka waxaa ka qeyb- galay wasiirka Dakadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Mudane Saabir Nuur Shuuriye, xubno katirsan goleyaasha dowladda.Maamulka Magaalada Hobyo, iyo Mus’uulin ka socday Taliyaaniga iyo Hay’ada WFP.

Mashruucan ayaa sare u qaadidoona ka faa’iideysiga wax soo saarka kheyraadka badda, wuxuuna abuurayaa fursado shaqo.

Cilmi baaris lagu sameeyay saameynta dhaqaale uu COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

0

Hay’adda Istaatiistikada Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay cilmi baaris ku saabsan saameynta dhaqan dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku yeeshay dadka ku nool Gobolka Banaadir.

Cilmibaaristaan oo laga sameeyay 12 Degmo oo ka tirsan 17 Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Maskaxda Bulshada Soomaalida.

Baaristaan oo ay sameeyeen aqoonyahanno Soomaali ah ayaa waxaa sharaxaad ka bixiyay hanaanka loo maray sameyntiisa Cabdirisaaq Cabdullaahi Kaariye oo ka tirsan bahada Hay’ada Istaatiitikada Qaranka ee sameeyay cilmi barista “Xogtaan waa mid aan ka soo aruurinay laba ilo xogeed, kow waxaan ka soo aruurinay qoysaska ku dhaqan Gobolka Banaadir qaar ka mid ah, isha labaadna waa Isbitaalada Gobolka Banaadir, waxaana diiradda ku saarnay saameynta COVID-19 ku yeeshay Dhaqaalaha Dalka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo maskax ahaanta Bulshada”

Maxamed Barre oo ah lataliye dhanka dhaqaalaha ee xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Aadan guuleed Shabeel Ragtar ku xigeenka Jaamacadda Ummada ayaa sheegay in Cilmi baaristaan ay wax weyn ugu fadhiso bulshada, ayna helayaan hay’adaha dowladu meel ay wax ka tix raacaan marka wax laga qabanayo saameynta cudurkaan ku yeeshay bulshada.

Agaasimaha Hay’ada Istaatistikada Qaranka Sharmaake Faarax Maxamuud ayaa sheegay in shaqadaan ay qabteen aqoonyahanno Soomaali ah oo aan loo baahan waxa ajnabi ah.

“Anaga waxaan soo saarnay xogtii ay hay’adaha Dowladda qaadan lahaayeen si ay u isticmaalaan wax qabashada, waxaa baaristaan lagu sameeyay 648 qoys oo ku nool Gobolka Banaadir, waxa ayna xogtaan ka turjumeysaa xaqiiqda dhabta ah ee saameynta COVID-19 waana sii wadeynaa Cilmi barista inta COVID-19.

Manaasabadaan lagu soo bandhigayay cilmi baarista ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, Jaamacadaha dalka, Isbitaalada iyo qeybaha kale ee bulshada.

MADAXWEYNE DENI OO QADO SHARAF U SAMEEYAY CARUURTA AGOONTA AH EE KU JIRTA XARUNTA AGOOMAHA EE GAROOWE

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimce ah Qasriga Madaxtooyada kulan Qado sharaf ah ugu sameeyay Caruurta Agoonta ah ee  ku jirta xarunta agoomaha ee Garoowe.

Munaasabadda waxay isugu jirtay booqasho Caruurta loogu sameeyay Madaxtooyada iyagoo qeyb qeyb u booqday dhismeyaasha iyo xafiisyada Madaxtooyadu ka koobantahay, intaasi kadib waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo xaladaada ka xogwareystay.

Maamulka, macalimiinta xarunta Agoomaha iyo Caruurta Agoonta ahba waxay ka mahadceliyeen Qado Sharafta, Kulanka iyo in marwalbo uu xaaladooda si hoose ula socdo Madaxweynaha Dowladda Puntland, waana markii labaad ee uu kulan kula qaadanayo Madaxtooyada.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo dhagax dhigay mashaariic laga hirgalinaayo Dhahar

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa dhagax dhigay goob loogu talagalay garoon diyaaradeed oo qeyb ka ah mashruuc horumarineed oo ay yeelaneyso magaalada Dhahar.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Dhahar, ayaa sido kale dhagax dhigay xarumo waxbarasho,isagoo dhinaca kale bilaabay qorshaha dhameystirka dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaaladaasi.

Dhagax dhigga garoonkaasi oo ay ka qeybgaleen maamulka magaalada Dhahar, ayaa imaanaya xilli kooxo khuburo ah ay  soo gabagabeeyeen sahminta goob muhiim ah oo u qalanta garoon diyaaradeed.

Maxkamadda ICJ oo shaacisay xilliga ay ku dhawaaqeyso natiijada dacwadda Baddeena

0

Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka  ICJ ayaa soo saartay qoraal lagu cadeeynayo waqtiga rasmiga ah ee go’aanka kama dambeysta ay ka soo saari doonaan kiiska dacwadda Baddeena  ee Kenya nagu heesato.

Warqad kasoo baxday Maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in ay go’aan kama dambeysa ah ka gaari doonto dacwada baddeena ee Kenya nagu heesato marka lagaaro 12-ka October 2021-ka, 3:00-da galabnimo xilliga Hague.

Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

0

Qarax is-miidaamin oo qof naftiisa hallige ah uu geystay ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, mana jiro khasaare uu geystay qofka isqarxiyey, sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”

Wasiirka Qorsheynta XFS oo maanta safar isaga gudbay dhowr degmo oo Puntland ka tirsan

Wasiirka Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar ee Puntland, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka wasiirka oo qaadanaya muddo ayaa waxaa uu ka dagay saakay magaalada Garowe, waxuuna uga sii gudbay magaalada Qardho.

Wasiirka ayaa Qardho kullan qado ah kula qaatay Boqor Burhaan, wafdiga Wasiirka Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa qadada kadib waxaa uu safar dhulka ah ku tagay magaalada Dhahar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweysay.

Wasiirka oo la hadlay bulshada soo dhaweyntiisa isugu soo baxday ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta loo sameeyey, isla markaana uu u mahadcelinayo waxgaradka iyo bulshada magaaladaas.

 

 

Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Balanballe oo tababar loo furay “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tababar socon doona muddo 5 maalin ah uga furtay Degmada Balanballe shaqaalaha Dowladda Hoose ee Balanballe.

Tababarkaan muddada uu socdo waxaa lagu baran doonaa Maamulka iyo maaraynta Xafiiska Dowladda Hoose.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka duulaysa waajibaadkeeda ku aadan tayeynta awoodaha maamul ee dowladaha Hoose ayaa maalmahan ku howlan tababaro kor loogu qaadayo aqoonta iyo Tayada shaqaalaha Dowladaha Hoose ee Degmada Balanballe.

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo soo xiray kulan u dhaxeeyey guddiyo Farsamo oo ka kala Socday DFS iyo Midowga Africa.

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen ayaa Muqdisho ugu soo Xeray kulan Seddex Maalmood Socday oo u dhaxeeyey guddiyo Farsamo oo ka kala Socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Africa, kaasi oo looga arinsanayay Hanaanka loo wajahayo qorshaha kala guurka Ciidanka.

Xeritaanka kulanka ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ,Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo Hoggaanka Midowga Africa ee Amisom ee Soomaaliya.

Kulanka mudadii uu Socday Waxaa diiradda la Saaray Hanaanka loo marayo in Ciidanka Amisom ay ku wareejiyaan amniga Guud ee Dalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal Xooggan ay galisay Tababaridda ,Tayeynta iyo qalabeynta Ciidanaka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , Waxa kaloo uu Xusay in qorshan sida wadajirka ah gudiyadan ay u diyaariyeen ay ka shaqeyn doonaan fulintooda.

Qorshaha howleedka sida wadajirka ay u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliay iyo Amisom ayaa la hor-geen doonnaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe .

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xarunta Wasaaradda ku qaabishay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo  Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abikar Nuur ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabishay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya Mudane Feishengcho,  Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha Caafimaadka guud ee Wadanka iyo arrimaha Caabuqa COVID-19 iyo meesha ay marayaan qaadashada Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19.

Dowladda China ayaa si dhab ah uga caawinaysa Wasaaradda Caafimaadka qeybaha Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19 iyo kor u qaadida  adeega Caafimaadka, Wasiiradda  Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay garab istaga ay Dawladda China ay marwalba diyaarka u latahay shacabka Soomaaliyeed.