MUQDISHO-26-7-2022-:Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku gudajira booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Masar, ayaa maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas.
Ciidamada Puntland oo howlgalo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab kawada Buuralayda Gobolka Bari
Muqdisho-26-7-2022-:Ciidamada kala duwan ee dowladd goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgalo qorshaysan saacado badana qaatay ka fuliyay buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Madaxweyne ku xigeenka Dowladd Goboleedka Jubbaland oo maanta dhagax dhigay dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya
Muqdisho-25-7-2022-:Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa maanta dhagax dhigeen dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo kulan miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar
Muqdisho, Luuliyo 25, 2022- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.
Ra’iisul Wasaare Hamse Abdi Bare oo kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed
MUQDISHO-25-7-2022-:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, oo sii wada wadatashiyada ku saabsan dhismaha Xukuumadda ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ra’iisulwasaare Hamse oo Qaabilay xubno kamid ah culamaa’udiinka Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Golaha Shacabka uga mahadceliyey muddo-siinta Dhismaha Golaha Xukuumadda
Muqdisho, Luuliyo 25, 2022; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka muddo-siinta dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka.
“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.” Ayuu ku xusay Ra’iisul Wasaaruhu codsiga uu u diray Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ansixinta Golaha Shacabku ay u sameeyeen codsigiisii ku aaddanaa muddo-siinta dhismaha Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in muddadaas uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.
DEGDEG: Golaha shacabka Soomaaliya oo u ogalaaday Ra’isulwasaare Hamse Abdi Bare in muddo 10 cisho ah loogu daro soo dhisidda xukuumadiisa
Muqdisho,25-7-2022-:Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ogolaaday codsi uu ra’isulwasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre uu usoo gudbiyay gudddoonka Golaha kaasoo uu kaga codsanaayo in mudo toban maalmood ah loogu daro soo magacaabista golihiisa wasiirada,waxaana haa ku ogolaatay 144-xildhibaan,hal xildhibaan ayaa diiday mana jirin wax ka aamusay.
Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo laga soo baadbiyay badda dalka Talyaaniga
Muqdisho. 25, 2022:Ku dhawaad 1,200 oo muhaajiriin ah oo aan heysan wax sharci ah ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray dalka Talyaaniga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Faah-Faahin ka bixiyey Howlgal ay xalay ciidamadu ka sameeyeen degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir
Muqdisho. 25, 2022:Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay kusoo bateen falalka Amni darro.
