Home Blog Page 634

Madaxweyne Deni oo qaabilay guddiga Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay guddiga u qareemayaasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sidii Haweenku uga heli lahaayeen kooto ku filan Baarlamaanka, waxaana Guddigu uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland fursada uu Dowlad Goboleedka Puntland kasiiyay Haweenka iyo sida uu kooto uga siiyay xubnaha Aqalka Sare ku metala Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay guddiga kaalinta ay Haweenku ku leeyihiin dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Dowlad Goboleedka Puntland ay tixgelinayso kootada Haweenka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa Guddiga, xubno guddiga ka mid ah, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland.

Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo kulan la qaatay dhalinyarada Gobolka Bari

0

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay dhalinyarada Gobolka.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isku xirka dhalinyarada iyo maamulka Gobolka, la shaqeeynta laamaha amniga, u qareemida dhismaha Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Bosaaso, Iyo sidii ay dhalinyaradu iskugu xirnaan lahaayeen hal meelna uga soo wada jeesan lahaayeen hormarka Gobolka Bari.

Waxa ka soo qeyb galay kulanka Xildhibaan Sharmaarke Ali, taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, qeybo ka mid ah Isuduwayaasha Wasaaradaha ka howl gala Gobolka, haween, dhalinyaro iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda,

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna dhalinyarada kala hadlay in ay la shaqeeyaan Dowladda kana shaqeeyaan hormarka Gobolka Iyo sidii loogu qareemi lahaa garoonka kubada Cagta ee Magaalada Bosaaso sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka Gobolka Bari.

Wasaaradda Haweenka Galmudug oo Cadaado kubatay kulan looga hadlaayo Doorka Haweenka ee kaqeybgalka Siyaasada

0

Wasaaradda haweenka iyo xaquuqul insaanka Galmudug ayaa magaalada Cadaado ku qabataya Aqoon is weydaarsi kusaabsan doorka ka qeybgalka daneeyayaasha doorashooyinka 30% ee  qoondada haweenka

Kudhawaad 60 qof oo laga sookala xulay uruurada hooyoyinka dhalinyarada culuma udiinka booliska iyo odoyaasha dhaqanka magaalada Cadaado ayaa kasoo qeybgalay waxeyna falaqeyeen Aragtidooda ku aadan Qoondada hawenka ee doorashiiyinka Dalka.

Duraan Goodir Xoghayayaasha maamulka degmada Cadaado ayaa ugu horeyn daahfuray aqoon isweydarsigan isagoo sheegay in kamaamula ahaan ey kashaqeyn donaan sidii ey hawenka kuheli lahayeen Qoondadooda.

Qaar kamid ah Dadka kasoo qeybgalay aqoon isweydaarsigaan ayaa dhankooda ka aragti dhiibtay.

Marwo Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka  wasaarada Haweenka iyo xaquuqul insaanka Galmudug ayaa ugudambey sooxirtay aqoon isweydarsigan.

MADAXWEYNE DANI OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA BEESHA CAALAMKA “SAWIRRO

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Midowga Europe, Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya  Per Lingarde .

Madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ka socday ayaa ka wada hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada taariikhiga ah ee Puntland ka dhacaysa ee hal cod iyo hal qof, doorashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

“Wuxuu ahaa kulan muhim ahaa oo kusoo aaday wakhti ku haboon, marxaladda cusub ee Puntland gashay oo doorasho hal qof iyo hal cod ah u dareertay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa dadka reer Puntland iyo Shacab ugu hambalyeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo maanta ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya sida amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaana Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wakiillada Beesha Caalamka ay si qota dheer uga wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha Doorashada Soomaaliya.

“Waxaan aad xoogga u saarnay sidii xal looga gaari lahaa sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho ku dhacda Jawi degan, oo nabdoon oo laga gudbo dhammaan caqabadaha hadda hareeyay ee hortaagan, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira iyo kuwa farsamo ee imaan kara ama taaganba, waxaan aad u rajeynaya in dalka Soomaaliya hore u tallaabsan doono, doorashadana wakhtigeeda ay noqon doonto hadii alle idmo , caqabadaha jirana runtii dadka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya beesha caalamka ee ay qaybta ka yihiina , ay xallin doonaan hadii illaahay idmo si hore loogu socdo. Waxaan rajeynaya in Isbedelka dadka Soomaaliyeed ay sugayaan iyo deganaansho nabad u horseeda inuu abuurmi doono hadii alle idmo” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland wuxuu boggaadiyey mashaariicda ka qabsoomay Puntland “Waxaan ku faraxsanahay waxyaabihii qabsoomay sanadka lagu jiro oo Hay’addaha iyo ururada deeqda bixiya , ee ay ugu horeyso Midowga Europe, Wadamada Sweden ay gacanta ka geysteen mashaariicda socota iyo guud ahaan Hay’addaha UNKa ah ee halkan ka howlgala , waxaan rajeynaya in ay muhim aheyd waxyaabihii qabsoomay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Jaamacadda Accord iyo hey’adda UNASOM oo Arday u soo gabagabeeyey tababar lagu baranayey isbadalka Cimilada

0

Tababarkaan oo lagu baranayay isbadalka Cimilada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hey’adda UNASOM iyo Jaamacadda Accord ee magaalada Muqdisho.

Tababarkaan ayaa waxaa ka qeybgalay qubaro gaareysa 400 oo ka kala yimid ururo ka shaqeeyo arrimaha isbadalka cimilada iyo hey’ado daneeya arrimahaasi, waxaana la siinayay casharo la xariira isbadalka cimilada aduunka saameynta uu ku leeyahay cunnada iyo biyaha gaar ahaan mustaqbalka sidii loo heli lahaa arrinta “food security”

Jaamacadda Accord ayaa soo bandhigtay xalka ay haayaan ilaa haatan si wax looga qabto caqabadaha ka dhalan kara isbadalka Cimilada, ayada oo muhimadana ay tahay in bulshada Soomaaliyeed ay ka bad qabaan saameynta ka dhalan karta isbadalka Cimilada oo dunida dagaal kula jirto.

Ustaad Cabdulaahi Abuukar Maalin Madaxa Kulliyada Deegaanka ee Jaamacadda Accord ayaa ardayda ka qeyb gashay tababarka ku booriyay in ay sameeyaan cilmi baaris la xariirta arrimahaan.

Qaar ka mid ah dadka ka qeybgalay tababarkaan ayaa sheegay in wax badan oo kor u qaadaya garaadka iyo aqoonta ay u leeyihiin cimilada iyo deegaanka ay ka faa’iideysteen.

Madaxweynaha Puntland oo daah-furay ololaha ururadda siyaasadda puntland “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland oo todobaadkan ka bilowmaya degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo ay ka dhici doonaan doorashooyin hal Qof iyo hal cod ah.

 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay bulshada in shaqo adag laga soo maray in maanta lasoo gaaray ololaha ururadda Siyaasadda iyo codeynta dadweynaha oo ah riyadii bulshada Puntland oo rumowday, wuxuuna bogaadiyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Hay’adda PDRC , Dallada Ururadda Bulshada ee PUNSAA iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay shaqada wanaagsan ee qabsoontay.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in ka dhabeysay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland,si awooda shacabka loogu dhoweeyo oo ay madaxdooda usoo doortaan. Wuxuuna u mahadceliyay Ururadda Siyaasadda iyo Shacabweynaha Puntland,isagoo u rajeeyay Bulshada tartan Caafimaad qaba.

 

Puntland gaar ahaan Saddexda Degmo ee kala ah Qardho, Ufeyn iyo Eyl waxaa todobaadkan ka bilowmaya Ololaha Ururadda Siyaasiyadda Puntland oo socon doona muddo bil ah, waxaana degmooyinkaasi ka dhici doonta 25-ka October 2021, Doorasho qof iyo cod ah oo shacabku kusoo dooran doonaan Xildhibaanada goleyaasha deegaanka.

Taariikh cusub ayeey u tahay dadweynaha reer Puntland, Doorasho Qof iyo cod ah waa markii ugu horreysay ee ay ka hirgelayso Puntland, waxayna tani ka midtahay ballan qaadkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu sameeyay xiligiisii ololaha doorashada.

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo war ka soo saaray qaraxii Muqdisho ka dhacay

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag u cambaareeyay falkii argagixadu maanta dad shacab ah kula beegsadeen degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan cambaareynayaa falkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaas oo argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa qoysaskooda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeya shacabkii ku geeriyooday weerarkaas bahalnimada ah.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee ku naf waayay falkaas bahalnimada ah ee argagixisadu geysteen, anigoo Eebbe uga baryaaya in uu naxariistii janno ugu deeqo, ehekoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo, Waxaan sidoo kale Caafimaad deg deg ah u rajeynayaa dadka dhaawacmay.”

Wasiirka ayaa sheegay in falalka noocan ah ee argagixisadu uga gol leeyihiin cabsi gelinta iyo carqaladeynta amniga aysan marnaba dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka horjoogsan doonin dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga dalka, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dowladda ku gacan siiyaan cirib tirka cadowgan u soo tafa xeytay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa xariga ka jaray Dekadda kalluumeysiga Hobyo “SAWIRRO”

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Daah furka Deked Kalluumaysiga oo laga hirgaliyay magaalada Hobyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaala Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-caddaala, Wasiirka Dekeddaha Galmudug Saabir Shuuriye ayaa si wada jir ah xariga uga jaray dekaddan Kaluumeysiga ee ay Hobyo yeelan doonto.

Maalgelinta mashruucan waxaa iska kaashaday Dowlad gobaleedka Galmudug iyo Hay’adda WFP oo ay taageero maaliyadeed ka helaysa Dowladda Talyaaniga.Munaasabadda Daah furka waxaa ka qeyb- galay wasiirka Dakadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Mudane Saabir Nuur Shuuriye, xubno katirsan goleyaasha dowladda.Maamulka Magaalada Hobyo, iyo Mus’uulin ka socday Taliyaaniga iyo Hay’ada WFP.

Mashruucan ayaa sare u qaadidoona ka faa’iideysiga wax soo saarka kheyraadka badda, wuxuuna abuurayaa fursado shaqo.

Cilmi baaris lagu sameeyay saameynta dhaqaale uu COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

0

Hay’adda Istaatiistikada Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay cilmi baaris ku saabsan saameynta dhaqan dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku yeeshay dadka ku nool Gobolka Banaadir.

Cilmibaaristaan oo laga sameeyay 12 Degmo oo ka tirsan 17 Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Maskaxda Bulshada Soomaalida.

Baaristaan oo ay sameeyeen aqoonyahanno Soomaali ah ayaa waxaa sharaxaad ka bixiyay hanaanka loo maray sameyntiisa Cabdirisaaq Cabdullaahi Kaariye oo ka tirsan bahada Hay’ada Istaatiitikada Qaranka ee sameeyay cilmi barista “Xogtaan waa mid aan ka soo aruurinay laba ilo xogeed, kow waxaan ka soo aruurinay qoysaska ku dhaqan Gobolka Banaadir qaar ka mid ah, isha labaadna waa Isbitaalada Gobolka Banaadir, waxaana diiradda ku saarnay saameynta COVID-19 ku yeeshay Dhaqaalaha Dalka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo maskax ahaanta Bulshada”

Maxamed Barre oo ah lataliye dhanka dhaqaalaha ee xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Aadan guuleed Shabeel Ragtar ku xigeenka Jaamacadda Ummada ayaa sheegay in Cilmi baaristaan ay wax weyn ugu fadhiso bulshada, ayna helayaan hay’adaha dowladu meel ay wax ka tix raacaan marka wax laga qabanayo saameynta cudurkaan ku yeeshay bulshada.

Agaasimaha Hay’ada Istaatistikada Qaranka Sharmaake Faarax Maxamuud ayaa sheegay in shaqadaan ay qabteen aqoonyahanno Soomaali ah oo aan loo baahan waxa ajnabi ah.

“Anaga waxaan soo saarnay xogtii ay hay’adaha Dowladda qaadan lahaayeen si ay u isticmaalaan wax qabashada, waxaa baaristaan lagu sameeyay 648 qoys oo ku nool Gobolka Banaadir, waxa ayna xogtaan ka turjumeysaa xaqiiqda dhabta ah ee saameynta COVID-19 waana sii wadeynaa Cilmi barista inta COVID-19.

Manaasabadaan lagu soo bandhigayay cilmi baarista ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, Jaamacadaha dalka, Isbitaalada iyo qeybaha kale ee bulshada.