Basaaskii ugu xirfadda badnaa Alshabaabka Muqdisho oo la Xukumay.
Madaxweynaha Qaranka Oo ka Tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Degmada Marka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Degmada Marka Marxuum Cabdullaahi Cali Axmed oo ku shahiiday qarax kooxda arxan-laawayaasha ah ee Alshabaab ay maanta ka geysteen magaaladaas.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada muwaadiniinta kale ee ku geeriyooday qaraxan, waxa uuna sheegay in falkan iyo kuwii ka horreeyayba ay muujinayaan arxandarrada iyo cadaawadda kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed oo ahaa muwaaddin naftiisa iyo nolashiisaba u huray dowladnimada iyo horumarka dalka. Alle waxaan uga baryayaa marxuumka iyo dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxan in uu fadhigooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in dagaal dhab ah lala galo ururrada argagaxisada ee caadaystay dhagarta shacabka Soomaaliyeed iyo daadinta dhiiggooda…
Madaxweynaha iyo Reyasul Wasaaraha Qaranka oo Wadatashi ka Yeeshay Dhismaha Xukuumadd.
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa warbixin ka siiyo Madaxweyne Xasan Sheekh kalana hadlay howsha socota ee lagu soo dhisayo Golaha Wasiiro oo lagu kalsoonaan karo oo u adeegi kara Shacabka Soomaaliyeed isla markaana gaarsiin kara mudnaanta horumarineed Dad iyo Dalka .
24kii Bishaan Rw Hamse ayaa Baarlamaanka Horgeeyay Codsi Ku Saabsan In Baarlamaanka Ogolaasho u Siiyo 10 Cesho oo Dheeraad ah si Uu Usii Balaariyo Latashida Xukuumadda Uu Doonaayo inuu Dhiso.
Gudoomiyihii Degmada Marka Oo Qarax Lagu Dilay.
Qof naftiisa haliga ah ayaa isku qarxiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose iyo dad shacab ah, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee xarunta degmada.
Guddoomiyihii degmada Marka Cabddullaahi Cali Axmed Wafoow iyo ugu yaraan afar qof oo kale ayaa naloo xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxaas, waxaana jira dhaawacyo kale.
Mid ka Mid ah Dadkii Ka Badbaaday Qaraxa Ayaa Inoo Xaqiijiyay In Qaraxu uu Ka Dhacay Afaafka Hore Xarunta Degmada Marks Oo Shir uu Ugu So dhamaaday Gudoomiyaha Oo as wehliyiin Wax Garadka Degmada.
Howl-galo Ka Bilowday Muqdisho.(SAWIRO).
Saraakiisha iyo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo looga hortegayo dhagarta Nabaddiidka Al-Shabaab, waxaana saacadihii lasoo dhaafay suuqyada Muqdisho oo Bakaaro uu ugu horeeyo ka dhacay kulamo ay saraakishu la yeesheen ganacsatada.
Waxaa kulamadaas diiradda lagu saaray caqabadaha jira iyo dadaallada ay dowladdu ku doonayso in argagixisada meel looga soo wada jeesto.
Ganacsatada ayaa la wadaagay saraakiisha amniga in argagixisadu aysan ku dhiira karin inay suuqyada Muqdisho yimaadaan, balse ay telfoonada ku soo diraan hanjabaado oo kaliya.
Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa ganacsatada ka dalbaday inay lasoo wadaagaan tabaha liita ee aragagixisadu ay ku doonayaan inay ku baadaan ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.
Sidoo kale saraakiishu waxay ka balan qaadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay ku dadaali doonaan ilaalinta ammaankooda, har iyo habeena ay u taaganyihiin sidii loo ciribtiri lahaa cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo bogaadiyay Dadaaladda dowladda ay ugu Gurmaneyso Dadka abaaraha ay Ku Saameeyeen KGS
Muqdisho,26-7-2022:-Senetor Husein Mohamed oo kamid ah senetarada aqalka sare ee dalka ayaa bogaadiyay Dadaalada Dowladda Federaalka ay ugu gurmaneyso dadka ay Abaaraha ay ku saameeyeen Deeganada Maamulka koonfurgalbeed.
“Baaqii Madaxweynaha dowladda Raisul Wasaare xamse Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen iyo ee u gurmashada dadka abaaraha ay ku saameeyaan gobalka bakool waan soo dhaweyneynaa ka senetor ahaan gurmadkaas bilowdey, si wadajir ah ayaana uga wada qeybqaadaneynaa” ayuu yiri senator Husein Maxamed Axmed oo Wareysi gaar ah siyay Warbaahinta Qaranka Ee RADIO Mogadishu.
Senetor Husein Mohamed Daahir ayaa sheegey in ka senonetor ahaan ay guddi sahan ah u direen dadka Abaaraha Ka soo barakacey ee ku sugan deegnada nabdoon, qiimeyntaasi kadibna ay doorarkooda caawinta qaadan doonaan.
Ugu dambeyn senetorka ayaa ugu baaqey dhamaan dadka wax haysta iney waxeystaan ay wax ka bixiyaan si dadkooda ay ugu caawiyaan waqtiyadaan adag.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Agaasimaha Tvga Qaranka Sharmake Maxamed Warsame
Muqdisho-26-7-2022:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Tvga Qaranka Sharmake Maxamed Warsame .
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda aan saaxibka nahay ee Masar ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud oo Magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan Daadajinta dowladnimada iyo federaaleynta
Muqdisho-26-7-2022-:Xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka BFS ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan Daadajinta dowladnimada iyo federaaleynta kaas oo ay marti galiyeen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas.
Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd
Muqdisho, Luuliyo 26, 2022- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd.


















