Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo bogaadiyay Dadaaladda dowladda ay ugu Gurmaneyso Dadka abaaraha ay Ku Saameeyeen KGS

Date:

Muqdisho,26-7-2022:-Senetor Husein Mohamed oo kamid ah senetarada aqalka sare ee dalka ayaa bogaadiyay Dadaalada Dowladda Federaalka ay ugu gurmaneyso dadka ay Abaaraha ay ku saameeyeen Deeganada Maamulka koonfurgalbeed.

“Baaqii Madaxweynaha dowladda Raisul Wasaare xamse Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen iyo ee u gurmashada dadka abaaraha ay ku saameeyaan gobalka bakool waan soo dhaweyneynaa ka senetor ahaan gurmadkaas bilowdey, si wadajir ah ayaana uga wada qeybqaadaneynaa” ayuu yiri senator Husein Maxamed Axmed oo Wareysi gaar ah siyay Warbaahinta Qaranka Ee RADIO Mogadishu.

Senetor Husein Mohamed Daahir ayaa sheegey in ka senonetor ahaan ay guddi sahan ah u direen dadka Abaaraha Ka soo barakacey ee ku sugan deegnada nabdoon, qiimeyntaasi kadibna ay doorarkooda caawinta qaadan doonaan.

Ugu dambeyn senetorka ayaa ugu baaqey dhamaan dadka wax haysta iney waxeystaan ay wax ka bixiyaan si dadkooda ay ugu caawiyaan waqtiyadaan adag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...